Jaaliyada Beesha Sacad Muuse ee ku dhaqan Dalka Finland ayaa soo Saartey Baaq Deg deg ah oo ku Aadan Dhacdooyinki ka dhacay Gobolka Gabiley. Baaqan ayaa ka Kooban Tallo Soo Jeedin.–

0
Sunday September 21, 2014 - 19:15:48 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 777
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaaliyada Beesha Sacad Muuse ee ku dhaqan Dalka Finland ayaa soo Saartey Baaq Deg deg ah oo ku Aadan Dhacdooyinki ka dhacay Gobolka Gabiley. Baaqan ayaa ka Kooban Tallo Soo Jeedin.–

    Finland (xogreebnews.com-Jaaliyada Beesha Sacad Muuse ee ku dhaqan Dalka Finland ayaa soo Saartey Baaq Deg deg ah oo ku Aadan Dhacdooyinki ka dhacay Gobolka Gabiley. Baaqan ayaa ka Kooban Tallo Soo Jeedin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Finland (xogreebnews.com-Jaaliyada Beesha Sacad Muuse ee ku dhaqan Dalka Finland ayaa soo Saartey Baaq Deg deg ah oo ku Aadan Dhacdooyinki ka dhacay Gobolka Gabiley. Baaqan ayaa ka Kooban Tallo Soo Jeedin. Finland (xogreebnews.com-Jaaliyada Beesha Sacad Muuse ee ku dhaqan Dalka Finland ayaa soo Saartey Baaq Deg deg ah oo ku Aadan Dhacdooyinki ka dhacay Gobolka Gabiley. Baaqan ayaa ka Kooban Tallo Soo Jeedin.Ku:Madaxweyne Axmed Maxammed Maxamuud Ku:Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxman SayliciKu: Gudoomiyaha Baarlamaanka SomalilandKu: Gudoomiyaha Gurtida Somaliland Ku:SHacabka SomalilandTan iyo intii la’aas aasay Somaliland Gobolka Gabiley waxa uu u ahaa udub dhexaad dhisida Qaran leh cudud ciidan iyo mid dhaqaaleba. Somaliland waxay halkan ku soo gadhay wadatashi, isdhagaysi iyo dhaqan suuban oo Gurtidu u tahay musdambeed. Kadib markaan aragnay anagoo ah Qurba joogta Beesha Sacad Muuse ee Finland dhacdooyin soo noqnoqday oo dhaawac ku ah qaranimada iyo Dawladnimada Somaliland, taas oo dhacdadii uugu dambaysay ay ka dhacday Gobolka Gabiley. Anaga oo aad uga xun in ciidamadii loogu talogalay inay la dagaalamaan argigixisada in loo adeegsado shicibii reer Somaliland: Waxaanu soo Saarnay Baaqan Hoos ku quran:-Waxaanu halkan tacsi tiiraanyo leh uga diraynaa reer Gabiley iyo dhamaan qaraabadii iyo qoysaskii ay ka geeriyooden labada sarkaal. Illahay Naxariisti jano ha waraabiyo Samir iyo iimana Illahay ha inaga wada siiyo dhamaantenba.Waxaanu Kalsooni buuxda u haynaa Dawladnimada iyo Jiritaanka Qaranka Somaliland iyo Madaxweyne kasta oo shacabku soo doortan.Waxaanu se Baaq cod dheera ku cambaaraynayna sidii Masuuliyad darada ahayd ee Dawlada Somaliland iyo cidii u xilsarnayd ay u maamushay dhacdadaa dhacday ee naxdinta leh. Waxaa cad in Dawladu ka aamustay sarakiisha qaranka ka baxday oo aan la marin maamuuski ay saraakiishu qaranka ku la hayeen. Falkaa dadki gaystay inay yihiin dad la garanayo oo ka soo jeeda deegamadaa ay ku sugnaayeen sarakiishu, walina aan cid loo hayn. Waxaa ah wax laga xumaado oo dawladnimada iyo dhaqanka suubanba ka baxsan in ciyaal iyo dumar aan hubaysnayn oo mudaharadaya oo ka cadhaysan saraakisha la laayay iyo aamusnaanta dawlada in loo adeegsado rasaas. Waxanu Illahay uuga baryaynaa inu caafiyo ciyaalkaas tiradoodu 11 qof tahay ee mustaqbalkii dalka ah ee rasaasta ciidamada RRU.du la dhacday.Waxaanu shacabka reer Gabiley iyo dhamaan shacabweynaha reer Somalilandba uugu baaqayna isku duubni wada jir iyo in ay Nabadgalyada wada illashadaan. Dawlada Somalilanda waxaanu u soo jeedinayna inay ogaato inay shicibkan dawlad u tahay oo ay masuuliyadi ka saarantahay mucaarid iyo muxaafidba oo laga sugayo daryeel. Waxaanu xukumada u soo jeedinayna markasta oo ay wax dhacaan Inaanay xabadu noqon xal ee hadal wax lagu xaliyo.

Waxaanu Xukumada Somaliland mudo kooban kaga suganyaa inay cadaalada horkeento dambiileyashi iyo cidi kale ee ka dambaysay dilkii loo gaystay labada sarkaal.
Waxaanu Xukumada Somaliland mudo kooban kaga suganyan inay kaga jawaabto falkii ay ciidamadu ka gaysteen Gobolka Gabiley ee ay kulayeen Caruurta.
In cabashooyinka ka soo yeedhaya Degmooyinka uu Goolku ka koobanyahay si dhakhso ah wax looga qabto.6.Waxaanu Shacabka Reer Gabiley uugu baaqayna inay u guntadaan horumarinta Gobolka iyo in ay talo iskugu yimadaan, khuseeya aayaha iyo horumarinta Gobolka.Wabilaahi Towfiiq. Allaa Mahad Leh. Madaxdheqameedka Beesha Sacad Muuse ee Finl
Download 2a9d91280328ef65d759b3564f9735fcc8b2f7cbd9464e1a1c9800f45b92d26c.jpg (247.7 KB)Download 4273f37f5d75a2887de6bb14183d7917a73a99be4c55fb23d3cf2ce89c6a92a0.jpg (253.5 KB)


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured