Sirdoonka Jabuuti Oo Lawyacado Iyo Saylac Ka Kaxaystay Taliyaha Laanta Socdaalka Iyo Saraakiisha Kastamada

0
Sunday September 21, 2014 - 19:10:54 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 952
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sirdoonka Jabuuti Oo Lawyacado Iyo Saylac Ka Kaxaystay Taliyaha Laanta Socdaalka Iyo Saraakiisha Kastamada

    Lawyacado(xogreebnews) — Lawyacado Sirdoon ka soo talaabay dhinaca xuduudka oo watay mid ka mid ah gaadiidkooda ayaa lagu wasoo waramayaa inay magaalooyinka Lawyacdo iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Lawyacado(xogreebnews) — Lawyacado Sirdoon ka soo talaabay dhinaca xuduudka oo watay mid ka mid ah gaadiidkooda ayaa lagu wasoo waramayaa inay magaalooyinka Lawyacdo iyo Lawyacado(xogreebnews) — Lawyacado Sirdoon ka soo talaabay dhinaca xuduudka oo watay mid ka mid ah gaadiidkooda ayaa lagu wasoo waramayaa inay magaalooyinka Lawyacdo iyo Saylac ka kaxaysteen saddex sarkaal oo Reer Somaliland ah, kuwaas oo ay ula talaabeen dhinaca Jabuuti. Saraakiisha ay sirdoonka Jabuuti kaxaysteen waxay kala yihiin Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Selal,Fuaad Adan Ismaaciil maamulaha Kastamka Saylac FAYSAL Adan Yusuf iyo Maamulaha Kastamka Lawyacado.Cilmi sheq cabdi maydhaneWariyaha Farriinnews.com oo aanu la xidhiidhnay dhacdadan kadib ayaa xaqiijiyey in sadexda sarkaal ay kaxaysteen Sirdoonka Dalka Jabuuti illaa hadana ay ku maqan yihiin dhinaca Jabuuti, waxaanu xusay arrintan inay ku daba jiraan sababta kaliftay.Wariyuhu waxa uu sheegay in sadexda sarkaal lagu qaatay gaadhi ay leeyihiin ciidamada sirdoonka Dalka Jabuuti, isagoo sheegay in loo aanaynayo Dawladda Jabuuti inay uga dan leedahay sidii ay u furfuri lahayd isla markaana u wiiqi lahayd talaabadii ay Somaliland ku adkaysay xuduudkeeda kadib markii dawladda Jabuuti adkaysay dhinaceeda.Tan iyo intii xukuumadda Somaliland adkaysay xuduudkeeda waxa isa soo tarayey cabasho badan oo ay dawladda Jabuuti ka muujinaysay sida ay Somaliland ula dhaqanto dadka reer Jabuuti ee Somaliland gala, kuwaas oo ay sheegto inay Somaliland ku soo rogtay lacago aanay marka hore ka qaadi jirin.Somaliland ayaa qaaday talaabooyin ay ku xakamaynayso dadkii bilaa sharciga ahaa ee dhinaceeda ka gali jiray dalka Jabuuti iyo kuwii ka soo talaabi jiray dhinaca kaleba, si ay uga hortagto arrimaha dhinaca amaanka ah, kuwaas oo ay dawladda jabuuti Somaliland ku eedaysay kadib markii koox la sheegay inay dhinaca Somaliland ka talowday qarxisay hotel ku yaala Jabuuti.Sarkaal ka tirsan ciidamadda Amniga ayaa Farriinnews.com u xaqiijiyey talaabada ay Dawladda Jabuuti ku kaxaysatay sadexda sarkaal, waxaanu sheegay inay baadhitaan la xidhiidha arrintan wadaan, isagoo ku Eedeeyey dawladda Jabuuti inay doonayso Xadka Somaliland inay ka samayso waxay doonto iyadoo ku xad gudbaysa shuruucda ay Somaliland ku xakamaysay Xadkeeda.Dawladda Jabuuti ayaa gacanata ku haysa muwaadiniin reer Somaliland ah kuwaas oo ay xukuumadda Somaliland ku wareejisay, kuwaas oo ay Somaliland sheegtay in dib loogu soo celinayo balse ilaa hada maqan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured