Nuxurka Kulan Madaxweyne Siilaanyo iyo Hogaanka Xisbiyada Dhex Maray

0
Sunday September 21, 2014 - 10:37:47 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 949
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuxurka Kulan Madaxweyne Siilaanyo iyo Hogaanka Xisbiyada Dhex Maray

    Hargeysa(Xogreebnews)Hogaanka Xukumadda Somaliland iyo Hogaanka Saddexda Xisbi Qaran ayaa Shalay kulan lagu gorfaynayo Muranka Diwaangalinta Madaniga ah iyo ta Codbixiyaha ku yeeshay Qasriga Madaxtooyada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews)Hogaanka Xukumadda Somaliland iyo Hogaanka Saddexda Xisbi Qaran ayaa Shalay kulan lagu gorfaynayo Muranka Diwaangalinta Madaniga ah iyo ta Codbixiyaha ku yeeshay Qasriga Madaxtooyada.

Hargeysa(Xogreebnews)Hogaanka Xukumadda Somaliland iyo Hogaanka Saddexda Xisbi Qaran ayaa Shalay kulan lagu gorfaynayo Muranka Diwaangalinta Madaniga ah iyo ta Codbixiyaha ku yeeshay Qasriga Madaxtooyada.

Kulankan oo Shalay dhacay ayaan laga soo saarin War Rasmi ah balse Xogaha laga helay ayaa sheegaya inay goob joog ka ahaayeen madaxweynaha, madaxweyne-ku-xigeenka, guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, Ku-xigeenkiisa 1aad Md. Maxamed Kaahin, xubno Golaha Wasiirrada ka tirsan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Khaarajiga Md. Maxamed Biixi Yoonis, Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, Daakhiliga Md. Cali Maxamed Waran-cadde oo isku dhinac ka socday iyo geesta mucaaridka ah oo ay ka socdeen Guddoomiyaha WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Xoghayaha Guud ee xisbigaas Md. Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Ku-simaha Xoghayaha Guud ee UCID Mr. Cabdinaasir Qodax.

Hogaanka Xisbiyada Mucaaradka ah ayaa halkaasi ku soo bandhigay Doodooda ku saabsan Xeerka Diwaangalinnaha Madaniga ah iyo ta codbixinta midaynaya. Waxay sheegeen inaan Xisbiyada Mucaaradka ahi diidanayn qabsoomida Diwaangalinta Madaniga ah balse ay ku taagan yihiin heshiisyo nuxurkoodu ahaa in labada diwaangalinood ee Madaniga ah iyo ta codbixiyaha lagu maamulo laba xeer oo kala duwan islamarkaana ay kala madaxbanaanadaan.

Masuuliyiinta xukuumadda ayaa dhinacooda ku dooday in xeerka diiwaangelinta madaniga ah yahay mid faa’iido u leh qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, loona baahan yahay in dhan looga soo wada jeesto, kaasoo ay ku doodeen in aannu wax caqabad ah ku noqon karin qabsoomida doorashooyinka.

Sida tibaaxaha kala duwan xaqiijiyeen, waxa gunnaanadkii kulanka ka dhacay xarunta madaxtooyada shalay la isla qaatay in mar kale labada dhinac shir isugu yimaadaan Axadda manta, iyadoo madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo ay wehelinayaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID la sheegay inay kulankooda maanta isla eegi doonaan waxyaabaha xisbiyada mucaaridka ah diidan yihiin, lagana wada shaqayn doono sidii xeerka diiwaangelinta madaniga looga saari lahaa qoddobbada loo arko inay caqabad ku noqon karaan qabsoomidda doorashooyinka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured