Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland Oo Helay Walxo Loo Malaynayo Gantaal iyo Burbur Diyaaradeed

0
Sunday September 21, 2014 - 10:25:14 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 882
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland Oo Helay Walxo Loo Malaynayo Gantaal iyo Burbur Diyaaradeed

    Hargeysa(Xogreebnews) Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland Admiral Axmed Aw-cismaan, ayaa sheegay in Ciidankiisu Badda xeeligeeda ka helay Walax la Aaminsan yahay inay tahay Gantaal Diyaaradeed oo aan wali qarxin iyo qaybo ka mid ah Burbur diyaaradde

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews) Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland Admiral Axmed Aw-cismaan, ayaa sheegay in Ciidankiisu Badda xeeligeeda ka helay Walax la Aaminsan yahay inay tahay Gantaal Diyaaradeed oo aan wali qarxin iyo qaybo ka mid ah Burbur diyaaraddeed. Waxa uu sheegay in loo malaynayo in Walxahani Badda ka soo Caaryeen islamarkaana wakhti kooban ku jireen Biyaha Badda.

“Waxa ay maanta ciidanka ilaalada Xeebuhu badda Ka heleen ooka soo caaryay Bada, wax u eeg ama ahba gantaal,waana gantaalka ay diyaaradahu ugu waawayni ee dagaalku ay qaataan,Waxaana uu kasoo Caaryay Xeebta Dheer Ee Ceel Sheekh” ayuu Taliyuhu ku yidhi Shir Jaraa’id maanta

Taliyaha oo Sharaxaya Xajmiga Gantaalku waxa uu yidhi “Gantaalkan dhararkiisu waa 8 mitir baladhkiisuna waa hal mitir iyo toban senti mitir ayaanu ku qiyaasnay,markay ugu badato muddo yar oo kooban oo ilaa sideed cisho ah ayuu badda ku jiray”

Waxaanu intaasi sii raaciyay “waxaa kale oo la socda oo aanu agtiisa ka Helnay dabo yar oo baal diyaaradeed u eg oo ah ta leex leexata, marka diyaaradda isteerinkeeda la duduwo,waxa kale oo aanu samaynay in aanu ood ku wareejinay oo aanu dadka ka agdhaw uga dignay una sheegnay in ay ka durkaan oo ay ka fogaadaan.”

Taliyaha Xeebaha ayaa sheegay in halkaasi loo diri doono Khubaro baadhis ku samaysa Walxaha la helay “Waxaanu u diraynaa khubaro baadhitaan ku soo samaysa oo soo caddaysa isla markaana baadhitaan buuxa ku soo sameeya gantaalkan” ayuu yidhi Taliye Axmed Aw-cismaan

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

featured