War qad Furan Oo Ku Socota Wasiirka Wasaaradda Wax-barashadda: Wasiir Miyaanad Ogeyn Musuq-Maasuqa Baah-san Ee Hadheeyey Shaqaale Hoosaad-yadda Ee Gudida Liiska Guneynta Shaqaaleysinta!

0
Saturday September 20, 2014 - 17:05:59 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1008
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War qad Furan Oo Ku Socota Wasiirka Wasaaradda Wax-barashadda: Wasiir Miyaanad Ogeyn Musuq-Maasuqa Baah-san Ee Hadheeyey Shaqaale Hoosaad-yadda Ee Gudida Liiska Guneynta Shaqaaleysinta!

    Anaago ah macaalimiinti ay wasaaradda wax-barashadda Somaliland uga soo bax-day dalka itoobiya,waxanu wasaaradda waxbarashadda.ka haysaanay balaan qaad ,aad uu weyn oo kasoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Anaago ah macaalimiinti ay wasaaradda wax-barashadda Somaliland uga soo bax-day dalka itoobiya,waxanu wasaaradda waxbarashadda.ka haysaanay balaan qaad ,aad uu weyn oo kasoo

Anaago ah macaalimiinti ay wasaaradda wax-barashadda Somaliland uga soo bax-day dalka itoobiya,waxanu wasaaradda waxbarashadda.ka haysaanay balaan qaad ,aad uu weyn oo kasoo baxay af-ka wasiirka wasaaradda,oo wakiil ka ahayd dawladda Somaliland. Waxaanay wasaaraddu noogu balan qaaday inay na siin-doonto gunooyin,iyo shaqaaleysiin.

Wasaaradda waxaanu ka fileynay in aannu noqon doonno kuwaa ugu horeeya ee ay shaqaaleysiiso,maadaama oo aannu nahay ardeydii macaaliniimadda kaga soo qalin-jebiyeey dalka itoobiya, iyaado xukuumaddu no balan qaaday hadana wali kamaanaan arag- wax daadaal ah oo wali ka yimmaadda wasaaradda, oo anaga nalaagu shaqaaleysiinayo marka laga reebo sadeex-macaalimiin ah oo naga mid ahaa,iyaaddo kuwaas lagu shaqaaleysiiyey qaab qaraabo ah:.

Hadaba mudane wasiir aanaga oo tix-gelin weyn kugu haynaa hawlaha shaqo ee aad qaranka uu haysoo,hadana wasiir,aniigo ah gudoomiyihii gudiida macaalimiinta Cabdi qaadir jaamac Maxamed.mudane wasiir markaan kula soo xidhidhey,waxaad ii fartay in aan u tago, gudiidi aad uu xil saartay hawshaas .waxaananu kala kulaannay,wax aanaan ka fileyn oo ahayd hawshaasi way-dhammaatay oo waanu gudbiney liiskii shaqaaleysiinta,mudane wasiir taasi waxaay nagu noqotay waji gabax iyo af kala qaad, uu qaadan waa.

Mudane wasiir maanta waad oog-tahayo oo dhalinteenni badaha ayeey ku id-laadeen wax yaabaha ku kaliffa tahriibta waxaa ka mid ah cadaalad daraadda iyo qababka guraacan ee shaqaaleysiinta wax- is-daba marinta baah-san ee la hadhay qarankeenna,iyadda oo aanuu dhaxaal-keedu wanaag-saneyn taas.

Mudane wasiir anagoo oo og-soon kaalintaa wadaniyadda badan ee aad kaga jirto qaranka,wax-qabadka badan,ee aad samaysay mudaadi aad xilka haysay. Hadana waxaanu ka dhereg-sanay in aanad arrintaas waxba kala socon oo aad mudaadaas dalka ka mqneyd.

In kasto aad tahay daacad wasiir ma weydiid cid wax is-daba mariisaa, waxaana aadiga kugu waajib ah inaad sameyso cadaaladda waanad sameyn doonta insha allah, wasiir waxaanu ka sugeynaa inaad dhegaha noo furto oo sidii aad noo balaan qaaday,aad uu oofiso, mudane wasiir sam-sam cabdi aadan,adiigu dadka waxaad kaga duwaan tahay,waxaad tahay Hooyo wanaad dareemi kartaa in aannu nafahayaagga ka hor-taagan-nahay tahriibta oo aanu geed cidla ah la hoos fadhiinno Tacliintii aannu soo barannay.Hooyo wasiir waxaannu ka fileynaa inaad wax- badan ka qaban doonto cabashada —yada,oo aad na dhegeysan doonto. Mudane wasiir alle waxaanu kaga beryeeynaa inuu xilka qaranka kugu as-tuuro oo aad ku guuleysaato hawlahaagga waanu ku duceynaa hooyo salad walbaa.

Waxaanu kusoo gabo-gabeynaaya gabay-gaan oo aan ku cabiirey maraaxilka wadankeennu maanta,maraayo.

Waaxidoo allahayoo

Wadnahayguu dhawr jeer ii yidhii waxaad tahay wadani

War kastaa oo la sheegaba

Wanaag-guun ka raaco wax ka sheegin madax-da

Wadaad waa sidee Weegere maanta

Wax intaanan odhan

Waxaa ii afeef ah

Waxbaa dooni mayo

Waxaan ahay

wadaad wakhtigu ku yidhii hadal.

Wayehee dadkeygoow waxaan oo wasaaradda midkeeba wax-qabadlo daanta hoos uu eegto da”yartana uu wacan?

Waxaay tahay su”aal kale idiil-kood wasiiraaddu shiraar weeklye u qabtaan agaasime iyo dhamaan waax-yaha oo idiile.

Wax-tarkoodu mid iyo laba walle dhaafi waaye.

Wasiirada dalka oo dhami Wax kastay qabteenno iyaagu way daadaale

Wayahee dadkaygoow wadankeennu waa hodan Wax kastaaba yaallaan

Dhalintii maxaa wadaa Wadaamadda shisheeye wadoo dheer uu mara yidhii?

Waxaay tahay jawaabtu

Wadaadaas kuwii maray ee wadaa tahriiba xoogga kasoo helay wadaamayadda shesheeye

Xoogga yar dabadeed aqal waafiyoo wacan wac kasiiyeey dhalintii waalid-kood direy.

Waxaa taas kasii daraan warar kiyo web-set-yadda wax ka qoray kuwaas tagay Wadamadda shisheeyaha wararkooda fidinaaya

Wadankana kuwii joogay

Waxbaa lama su’aallo wax soo saar sameeya wali laguma goobaabin.

Gudoomiyaha macaalimiintii schooler ship itobiya

Cabdi Qaadir jaamac maxamed

Tel: 063-4336392

Hargeisa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured