Gudoomiye CIRO Oo Cambaareyay Talaabadii Xukumaddu Ku Weerartay Shacbi Mudaharaad Salmi Ah Cabashadooda Ku Muujinaya

0
Saturday September 20, 2014 - 17:00:57 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 849
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye CIRO Oo Cambaareyay Talaabadii Xukumaddu Ku Weerartay Shacbi Mudaharaad Salmi Ah Cabashadooda Ku Muujinaya

    Hargeysa(xogreebnews.com_Gudomiyaha Xisbiga WADDANI Ahna Gudomiyaha Aqalka Wakiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulaahi CIRRO oo la hadlay qaar kamid ah warbaahinta Madaxa banaan ee somaliland ayaa xukumadda ku cambaareeyay sida ay u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com_Gudomiyaha Xisbiga WADDANI Ahna Gudomiyaha Aqalka Wakiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulaahi CIRRO oo la hadlay qaar kamid ah warbaahinta Madaxa banaan ee somaliland ayaa xukumadda ku cambaareeyay sida ay u Hargeysa(xogreebnews.com_Gudomiyaha Xisbiga WADDANI Ahna Gudomiyaha Aqalka Wakiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulaahi CIRRO oo la hadlay qaar kamid ah warbaahinta Madaxa banaan ee somaliland ayaa xukumadda ku cambaareeyay sida ay u wajahday dhalinyaro mudaharaad salmi ah shalay magaalada gabiley ku muujinyay cabashadooda.Gudomiye CIRRO waxa uu tacsi u diray eheladda iyo qaraabadda qoysaska ay ka baxeen labaddi sarkaal ee todobaadkii lasoo dhaafay lagu dilay tuuladda Qori-lugud.“Inaa lilaahi wa inaa Ileyhu raajicuun, waxaan tacsi u dirayaa Qoyaysaska labada Sarkaal ee katirsan Ciidamada Qaranka Somaliland ee lagu dilay, Tuulada Qorilugud,anigoo ilaahay uga baryaya in uu janadii fardowsa ka waraabiyo,gacan ka xaq daranbaa dishaye ilaahay ka abaal mariyo,waxaanan tacsidan u gudbinayaa dhamaanba Ciidamada Qaranka ee ay kabaxeen iyo shacbiga Reer Somaliland guud ahaanba, waxaanan sigaar ah uga tacsiyaynayaa dadweynaha Reer Gabiley iyo Dilla ee ay kasoo jeedeen iyo qoysaskoodii, .Ayuu Yidhi gudoomiye CIRO Oo ugu horaynba tacsi udiraya Ciidamada Qaranka, Shacbiga reer somaliland iyo qoyska ay ka baxeen labadaasi marxuum ee Saraakiishan ahi.Geesta kale gudomiye Ciro ayaa si kulul u cambaareyay sida xukumadu u wajahday daminta mudahraad salmi ah oo Reer Gabiley cabshadooda ku muujinyeen,Waxanu Yidhi”waxaanan si adag u cambaareynayaa, sida ay Xukuumadu ula dhaqantey shacbiga Reer Gabiley ee tacabka ku lahaa dhaawacyada soo gaadhay dhalinyarada mudaharaadayay ee Reer Gabiley aad ayaan uga xunahay, waxaanan leeyahay ilaahay nabar gardaro ha idiinka dhigo,waxa kale oo aan tacsi u dirayaa ilmaha yar ee ku dhintey rabshadaasi,iyo qoyaskiisa,waxaanan ilaahay uga baryayaa in uu janadii fardowsa ka waraabiyo shacabka Reer Gabileyna, waxaan ugu baaqayaa in ay nabadgelyada ilaashadaan, oo ay dareenkooda si salmi ah ugudbiyaan”


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured