MADAXWAYNE EEXDA IYO CADAALAD DARADA WASIIRKA MAALIYADA CABDICASIIS SAMAALE AYAA KOW KA HA TAHRIIBTA DHALINYARADEENA BADAHA IYO SAXARAHA KU LEEDAY

0
Monday May 13, 2013 - 19:37:36 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1370
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MADAXWAYNE EEXDA IYO CADAALAD DARADA WASIIRKA MAALIYADA CABDICASIIS SAMAALE AYAA KOW KA HA TAHRIIBTA DHALINYARADEENA BADAHA IYO SAXARAHA KU LEEDAY

    Waxaan marka hore u mahad naqayaa ilahay oo umadeenii ka dhigay umad xumaantana iska reebta wanagana is farta marlabadka waxaan halkan uga mahad naqayaa warbaahinteena oo runtii si hagar la’aan ah umada ugu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan marka hore u mahad naqayaa ilahay oo umadeenii ka dhigay umad xumaantana iska reebta wanagana is farta marlabadka waxaan halkan uga mahad naqayaa warbaahinteena oo runtii si hagar la’aan ah umada ugu MADAXWAYNE EEXDA IYO CADAALAD DARADA WASIIRKA MAALIYADA CABDICASIIS SAMAALE AYAA KOW KA HA TAHRIIBTA DHALINYARADEENA BADAHA IYO SAXARAHA KU LEEDAY

Waxaan marka hore u mahad naqayaa ilahay oo umadeenii ka dhigay umad xumaantana iska reebta wanagana is farta marlabadka waxaan halkan uga mahad naqayaa warbaahinteena oo runtii si hagar la’aan ah umada ugu shaqaysa oo habeen iyo malinba heegan ugu jirta ilaalinta iyo dhawrida wadan kooda..
Runtii hore umaan caadaysan in aan maqaalo aan warbahinta ku soo qoro lakin waxa maanta igu kaliftay in aan maqalkan soo gudbiyo markii aan warbaahinteena ku arkay wiigan iyo dhamaadka wiigii hore in Wasiirka Wasaarada Maaliyadu Mudane Abdiasis Mohamed Samaale shaqaale aan sifihiii sharciga ahaa la soo marin shaqaalaysiyay, waan markii ugu horaysay ee

aan maqalo taariikhda Somaliland soo jirtay in shaqaale tiradaa leeg oo aan sifihii sharciga ahaa ee shaqaalaynta la soo marin loo qaato wasaarad ama haayad. Waa run waanay jirtaa in ay dhacdo in hal ama laba qof oo ay isku reer yihiin wasiir ama maamule haayadeed uu si sharci daro ah u siiyo shaqo aanu soo marin nidaamkii shaqaalaysiinta ee saxda ahaa, laakiin waxa inagu cusub oo taariikhda Somaliland aan lagu araga oo maanta kow ah in shaqaale tiradiisu (40)afartan qof tahay hal mar wasaaradi wada qaadato iyada oo aan la soo marin nidaamkii shaqalaynta ee saxda ahaa . Hadaba waxaan la is waydiinayaa sababta ku kaliftay Wasiirka wasaarada maaliyada Cabdicasiis M Samaale oo runtii lagu tuhmaayay diin iyo in uu cadaalad ku maamulo masuuliyada qaran ee loo igmaday in uu ku kaco cadaalad daro intaa leeg oo uu ku shaqaalaysiiyo cida gaara oo uu dano gaara ka leeyahay, ha ahaato mid beeleed oo uu beeshiisa ugu sad burinayo ama mid uu dano gaara ka leeyahay
Taariikhdu markay ahay 14 January 2013 waxay haayada shaqaalu qaaday imtixaan laga qaaday shaqaale ku dhaw 290 qof oo dhawr grade iskugu jira waxay wasaaradu shaqaale ahaan u qaadatay 19 qof oo grad A ah, 19 Grade B ah, iyo 14 Grade C ah oo total koodu isku noqonaayo 52 qof shaqaale ah taasi oo dadkii kale ee aan nasiibka u yeelan in ay ka mid noqdaan 52 kaa qof ee la shaqaaleeyay logu balan qaaday in hadii wasaaradu shaqaale kale u baahato iyaga laga qaadan doono
hadaba Waxyaaba lala yaaban yahay waxa ka mida hadii wasaaradii maaliyadu shaqaale intaa leeg u baahan tahay oo ay marka horeba qaadan karto tiro intaa leeg maxaa looga dhex qaadan waayay dhalin yaradii imtixaanka laga qaaday ee loogu balan qaaday in iyag laga dhex qaadan doono hadii shaqale dheeraad ah loo baahdo
waxay qisadani i xasuusisay wasiirkii ka horeeyay Wasiirka hada ee Cabdiasiis Mohamed Samale oo ahaa Mohamed Xaashi Cilmi oo runti ah shakhsi looga bartay cadalad, waxa tar iyo eex la’aan. Waxa dhacday waxay wasaarada maliyadu u baahatay in ay samayso Registration dagmooyinka magaalada Hargiesa. Registration kaan oo socday 9 July 2011 ilaa 23 august 2011 wax fuliyay 16 arday oo jamacadaha dalka dhiganaayay oo si tabarucaad ah ugu shaqaynaayay hawshaasi markii ay hawshii dhameeyeen ayay wasiirkii ka cod sadeen in la shaqaalaysiiyo oo shaqale rasmi ah laga dhigo runtii waxa uu ugu jawaabay oo uu u sheegay in aanu isagu lahayn awooda uu shaqo cid ku qori karo hadii uu loo baahdo in wasaarada shaqaale loo qaato uu haayada shaqaalaha u gudbiyo tirade shaqaalaha uu u baahan yahay iyo qualification koodaba markaa hadii aanu shaqaale u baahano waxaad ula sinaan doontaan ardayda kale ee jamacadaha dalka ku jira ee hawshan qaban kara anagu waanu soo advertise garanaynaa dee nasiib kiina ka qaada oo tartama idinku waliba khibrad ayaad dheeranaysaan qolooyinkaa hada soo Codsada ee imtixaan idin la gala. Subxaanallah!!!!!!!.
Hadaba waxaad barbar dhigtaa Wasiir Cabdiasiis Mohamed Samaale oo ahaa wasiirkii ku xigay Wasiir Mohamed Xashi ILmi oo runtii sheikh ah oo kitaab qur’aan ah gacanta ku saaray in uu
qaranka ugu shaqayn doono si sinaan ah oo aanu ku shaqayn doonin xeex iyo qaraabo kiil iyo in uu dano gaara uga faaiidaysto hantidii umada iyo xilkii uu u hayay umada oo uu inta uu doonana ku shaqaalaysiinaayo inta uu doonana ku dulmiyo. Hadaba su’aasha is waydiinta le waxay tahay sidee ninka shaqaale yar oo wasaaradee u cadaalad samayn kari waayay oo xeerkii iyo qawaaninkii uu masuulka ka ahaa ee la doonaayay in umada ku kala hago ixtiraami waayay oo nin jeclaysi iyo reernimo kala waynaatay Qaran dhan cadaalad ugu fali karaa runtii waa waxa laga murugoodo…Sheikhnimadu towlo Ma la jiifiyaana Banaan baa..Isbaranay Cabdiasiisow oo Dhado Roob noqon wayday
Waxaanu madaxwaynaha Somaliland ugu baaqayna madaxwayne umadani adiga ayay ku dooratay wax kasta oo cadaalad daro ah oo ay la kulantana adiga ayaa lagaala xisaabtamayaa adiga ayaa u keenay oo u magacaabay cid kasta oo dulmida ama cadaalad daro kula kacda if iyo aakhrana dhibaato ayaa kaa soo gaadhaysa ee madaxwayne shaqaalihii aad umada u dirtay waxay umadii kula kacayaan waa in aad dib u baadhaa oo aad ka bad baadisaa eexda iyo qaraabo kilka aya wasiiradaada qaaarkood kula kacayaan umadii ku soo dooratay..
Madax wayne shalay halku dhigyadii aan is ticmali jirnay waxa ka mid ahaa UDUB WAY TAGAYSAAYE HA TAHRIIBIN madaxwayne waxaad ogaataa in maanta tahriibkii iyo is miidaamintii ay sii libin laabantay oo ay meel xun marayso taasna waxa sabab u ah umadii shaqada aad u diratay oo aan dhalin yaradii u cadaalad samaynayn oo ninkay doonan iyo kay qaraabada yihiin uun shaqadii siinaay
Waxaan maqaalkaygan ku soo gabo gabaynayaa Sacaadatu wasiir hamigaagu waa ka sareeyaa halka aad maanta hayso ee ah wasiirnimo bari cida aad cod ka doonayso maaha kuwa aad iskugu dhawdihiin ee waa umada Somaliland oo dhan wax lagugu doorto oo aad umada sii gashatayna ma jirto markaa waxaan ku leeyahay qalad ayaad umada ka gashay ee cadaalad ayaa umada deeqdee cadaalad uun ku maamul inta aad xilka umadau hayso
Wabilahihi tawfii
Ahmed Mohamed Gabdoon
Hargeisa Somaliland
Ahmedgobdoon@hotmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured