“Degmadu malaha baabuur aanu ku shaqayno, lug ayaanu ku shaqaynaa, tuulooyinka haddii aanu tegayno waanu lugaynaa, miyigeedda haddii aanu tegayno waanu lugaynaa, bilaa gaadiid ayaanu nahay, “Shidista dhuxusha ayaa faro baas nagu haysa, wax-na ka qaban Karno degmo ahaan, ciidan yaraan iyo gaadiid la’aan na haysata aw geed, waanu ku dhibaataysanahay sidii aanu ula dagaalami lahayn dhuxusha awoodeedi ma hayno, …. guddomiye ku xigeenka degmadda Laaso-dacawo,

0
Saturday September 20, 2014 - 16:36:16 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 773
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “Degmadu malaha baabuur aanu ku shaqayno, lug ayaanu ku shaqaynaa, tuulooyinka haddii aanu tegayno waanu lugaynaa, miyigeedda haddii aanu tegayno waanu lugaynaa, bilaa gaadiid ayaanu nahay, “Shidista dhuxusha ayaa faro baas nagu haysa, wax-na ka qaban Karno degmo ahaan, ciidan yaraan iyo gaadiid la’aan na haysata aw geed, waanu ku dhibaataysanahay sidii aanu ula dagaalami lahayn dhuxusha awoodeedi ma hayno, …. guddomiye ku xigeenka degmadda Laaso-dacawo,

    Laaso-dacawo(xogreebnews_Masuuliyiin iyo dhalinyarro ka socday ururka Dhaymoole oo ah ururka shaqeeya arrimaha horumarinta, isla markaana ay wehelinayeen xubno ka socday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laaso-dacawo(xogreebnews_Masuuliyiin iyo dhalinyarro ka socday ururka Dhaymoole oo ah ururka shaqeeya arrimaha horumarinta, isla markaana ay wehelinayeen xubno ka socday Laaso-dacawo(xogreebnews_Masuuliyiin iyo dhalinyarro ka socday ururka Dhaymoole oo ah ururka shaqeeya arrimaha horumarinta, isla markaana ay wehelinayeen xubno ka socday warbaahinta madax-banaan ayaa todbaadkan socdaal ay ugu kuur-gelayeen xaaladaha nololeed iyo duruufaha ka jira, waxay ku soo mareen degmadda Laaso-dacawo ee gobolka Saaxil iyo tuulooyinka hoos yimaadda.Dhalinyaradan iyo masuuliyiinta ka socday ururka Dhaymoole oo isagu ka shaqeeya horumarinta adeegyadda arrimaha bulshadda ee gobolka Saaxil gaar ahaana degmadda Laaso-dacawo iyo deegaamadda hoos yimaadda, kaasi oo xaruntiisa dhexena ay ku taallo caasimadda Hargaysa.U jeedadda kormeerkan ay dhalinyaradda ka socday ururka Dhaymoole ku tegeen degmadda Laaso-dacawo iyo deegaamadda hoos yimaadda ayaa lagu sheegay in uu ahaa mid ay ku soo qiimaynayeen baahiyaha kala duwan ee ka jira deegaankaasi iyo sidoo kale xaaladda dhabta, waxyaabaha horumar iyo dib-u-dhac ah ee ka jira.Waxaanay xubnahan ka socday ururka Dhaymoole, ay kormeerkoodda ka bilaabeen degmada Laaso-dacawo, iyaga oo sidoo kale kormeerkoodaasi ku soo maray tuullooyin badan oo ay ka mid yihiin Bureeqa, tuulladda Dhaymoole, Laas-wiileed iyo deegaamo kale isugu jira dhulka miyiga ah ee ku teedsan deegaamadda hoos yimaadda degmadda Laaso-dacawo ee gobolka Saaxil.Dhalinyaradan ka socday ururka Dhaymoole, ayaa kormeerkoodda ka bilaabay degmadda Laaso-dacawo, waxaanay warbixin ka dhegaysteen guddomiye ku xigeenka degmadaasi Md. Maxamed Ismaaciil Gacmo-dheere, oo faahfaahin ka siiyay guud ahaanba xaaladaha nololeed ee degmadda iyo duruufaha ku gedaaman bulshadda ku dhaqan dgmadda Laaso-dacawo iyo tuulooyinka ay xukunto. Md. Maxamed Ismaaciil Gacmo-dheere, guddomiye ku xigeenka degmadda Laaso-dacawo, ayaa xubnahan ka socday ururka Dhaymoole si kooban ugu sharaxay guud ahaanba xaaladda degmadda, waxaanu sheegay in xaalada degmaddu ay xiligan la joogo wanaagsan tahay, gaar ahaana xagga nabadgeliyadda iyo sidoo kale waxbarashadda iyo caafimaadka. Hase yeeshee waxa uu tilmaamay Md. Gacmo-dheere, in ay jiraan waxyaabo badan oo ka dhiman degmadda, isla markaana u baahan in wax laga qabto kuwaasi oo aanay degmo ahaan iyagu keligood wax ka qaban Karin cid ka caawisana aanay helin.Waxana uu sheegay md. Gacmo-dheere, in baahiyaha ugu daran ee degmadaasi haysta gaar ahaana maamulka in ay koow ka tahay gaadiid la’aan haysata maamulka degmadda, iyada oo aanay jirin haba yaraatee hal baabuur oo ay shaqeeyan, isla markaana xiliyadda ay tuulooyinka tegayaan in ay lugeeyaan, isla markaana gaadiid la’aanta haysataa ay curyaamisay in ay hawlahooda si fiican u qabtaan.Waxa kale oo u tilmaamay guddoomiye ku xigeenku dhibaatooyinka kale ee degmadaasi haysta in ay ka tahay Waddo xumaan, iyada oo labadda Waddo ee degmadda soo gala labaduba ay yihiin kuwo aad u xun oo aan la mari Karin, taasi oo uu sheegay in ay caqabad ku tahay gaadiidka mara. Maxamed Ismaaciil Gacmo-dheere, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Xaaladda degmaddu waxay fiican tahay nabadgeliyadeedu ha ugu horayso, xagga waxbarashadda, caafimaadka imika aad ayay u fiican tahay. Wax badan oo noo dhimanina way jiraan oo aanaan gaadhin, hase yeeshee waxaan odhan karaa imika tubtii toosnayd in aanu hayno ama aanu ku dhacnay, markaa degmadda arrimaheedu waa sidaasi. Laakiin hadana degmadda weli baahiyaheedu way iska badan yihiin, waxyaabo ay haystaana way jiraan waxyaabo aanay haysan oo ay u baahan tahayna way jiraan, inta badan baahideedda ayaana badan, oo weli degmaduna dhaqaale may yeelan, cid naga caawisana maanaan helin., markaa haddii aan soo gaabiyo baahiyaha degmadu waa sidaasi”.Mar uu ka hadlayay kuwa ay yihiin baahiyaha ugu daran ee haysta degmo ahaan iyo sidoo kale xaaladda nooleed ee dadka reer miyiga ah, waxa uu yidhi “Baahiyaha ugu sii daran ee aanu dareemayno waxaa ka mid ah Wadadda waad soo marten ayaa filayaa oo waad aragteen caynka ay tahay, waa laba Waddo, oo midna ay ka baxdo magaaladda, midna ay soo gasho, labaduba waa isku mid, aad iyo aad ayaanu xagga wadooyinka uga dhibaataysanahay. Waxa kale oo iyadna jirta degmadu malaha baabuur aanu ku shaqayno, waxayagu waa lug uun oo aanu ku shaqaynaa, tuulooyinka haddii aanu tegayno waanu lugaynaa, haddii aanu miyigeedda tegayno waanu lugaynaa, haddii aanu magaaladda gudaheedda joognana waanu lugaynaa, bilaa gaadiid ayaanu nahay, Markaa halkaasina baahiyahayaga waa ka mid. Dhinaca xaaladda dadka reer guuraaga ah, inkasta oo ay imika ka guureen degaamaddani, oo ay abaar xumu ka jirto, abaartaasi ayay dadkii ka guureen oo xagga galbeedkana qaar ayaa u guuray, xagga dacalka ee bariga oo ay roobab ka da’een dhawaan qaar ayaa u guuray, markaa imika saxmadii miyigu way kooban tahay abaarta ay uga guureen awgeed. ” Guddomiye ku xigeenka degmadda Laaso-dacawo, ayaa ka dayriyay shidista dhuxushu o uu sheegay in ay faro baas ku hayso deegaanka,isla markaana ka maamul degmo ahaan aanay waxba ka qaban Karin ciidan la’aanta iyo gaadiid la’aanta haysata awgeed. Waxaana uu tilmaamay guddoomiye ku xigeenku in sida keliya ee dhibaatadda shidista dhuxusha wax looga qaban karaa ay tahay in la helo gaadiid iyo sidoo kale ciidamo ku filan oo la keeno dgmadda.Waxa kale oo uu intaasi ku daray md. Gacmo-dheer in ay jiraan cuduro ku dhacay xoolaha nool, kaasi oo ay dadka reer miyiga ahi si weyn uga soo cabanayeen beryahan dambe. “Waxa kale oo jirta bahashan dhuxusha oo faro baas nagu haysa, taasi oo aanaan waxba ka qaban Karin degmo ahaan, iyada oo ay jirto ciidan yaraan na haysata, ciidanka aanu haysanaana waa laba askari oo keliya, xagaasina waanu ka dhibaataysanahay sidii aanu ula dagaalami lahayn dhuxusha awoodeedi ma hayno, maadaama oo aanaan haynin gaadiid aanu u isticmaalno la dagaalanka dhuxusha oo ah sida keliya ee aanu kaga xoog weyaan lahayn, mar ayaanu weerar ku qaadnay, oo ay dadka xoolo dhaqatadda ahi muddo ka yarro raysteen, hadana kolayba imika taasi waad hibaato jirta. Waxa kale oo jirta in beryahan danbe dadka reer miyiga ahi ay soo sheegayaan cuduro jira oo xoolaha ku dhacay, sida Sambab, Hiinkaar iyo Kuur-kuur, saddexdaasi cudur ayay ii soo sheegeen, oo dadka reer miyiga ahi way ka cabanayaan. Laakiin markii hore xooluhu way u wanaagsanaayeen dadka reer miyiga ah, balse imika ayuunbay cuduradasi soo galeen deegaanka,cuduradaasi ayay imika dhibaatadoodu reer miyiga haysaa, oo ay aad ula qaylinayaan, sidii ay dhakhaatiir dhinaca xoolaha ahi ugu iman lahaayeen ee ay xoolaha uga daawayn lahaayeen. Xalka keliya ee dhibaatada dhuxusha wax lagaga qaban karaa waa ciidan iyo gawaadhi in la helo” ayu yidhi guddoomiye ku xigeenka degmadda Laaso-dacawo.md. Gacmo-dheer, waxa kale oo uu sheegay in dhinaca dhaqaalaha iyo dakhliga degmadu uu ku tiirsanaa xoolaha nool magaaladda lagu iibin jiray, hase yeeshee ay taasi imika hoos u dhacday ka dib markii dadkii xoolo dhaqatadda ahaa ay ka guureen deegaanka., isla markaana meesha keliya ee ay hadda wax ka soo galaan ay tahay dumarka suuqa ku ganacsadda ee khudaarka iyo waxyaabaha kale iibiya iyo sidoo kale meheradaha ganacsiga ee magaaladda ku yaalla. Sidaas darteedna wakhtigan la joogo aanu jirin dakhli meel kale ka soo galla degmadda. Hase yeeshee Waxa uu xusay Gacmo-dheer in dhaqaalaha kooban ee xiligan meelahaasi ka soo baxaa uu ku filnaado mushaharka macaliminta dugsiyadda degmadda iyo shaqaalaha caafimaadka.Dhinaca kale, Guddomiye ku xigeenka degmadda Laaso-dacawo, waxa uu sheegay in degmaddu ay aad ugu horayso dhinaca beeraha, isla markaana deegaamadda ay xukunto ay ku yaalaan beero aad u badan, hase yeeshee wax soo saarkoodu uu yahay mid ku kooban ama ku xidhan cimilo gooreeka deegaanka, iyada oo xiliga qaboobaha oo qudha ay wax beraan, halka xiliga kulaylahana aanay waxba beerin. Isaga oo ka hadlayay arrimahaasi iyo biyo yaraan uu sheegay in ay magaaladda haysato, Waxa uu yidhi “Xagga beeraha boqolkiiba boqol aad ayay degmadda ugu faro badan yihiin, laakin waa xili qudha waxa ay wax beeran, taasi oo ay ugu wacan tahay xagga cimiladda deegaanku, imika ayaanay bilaabayaan wax beersita, oo xiliga qaboobaha ayay wax beeran, laakiin marka uu kulaylku soo galo waxba ma beeraan oo way joojiyan, waayo geeduhu u kici maayaan. Waxyaabaha kale ee ay degmadu u baahan tahay wax aka mid ah biyaha ayaa nagu cidhiidhi ah, oo mishiin yar ooh al bastoon ah wuu gaadhsiin waayay, oo magaaladdii way ka badatay, sariibadda oo kale sida ay biyo ku tagaan way adag-tahay oo taangigii ayaa ka dheer, maxaa yeelay taangigu meel tag ah ayuu ku yaalaa, mishiinadda yar yare e aanu isticmaalno mid waliba lix bilad ayuu shaqeeyaa, mid wax ka badan shaqeeyaa ma jir. ” guddoomiye ku xigeenka degmadda Laaso-dacawo, waxa uu sheegay in aanay taageero dhaqaale ka helin xukuumadda dhexe wixii ka danbeeyay markii ay degmo-nimadda qaateen, taasi oo sabab u tahay maadaama oo ay degmo qaateen oo ay tuulo-nimadii ka baxeen in ay iyagu ka degmo ahaan is-mamulaan dhinaca dhaqalaha.Geba-gebaddii md. Gacmo-dheer, ayaa fariin u diray qurba jooga u dhashay deegaanka, kuwaasi oo uu ugu baaqay in kaalintoodii ay si weyn u tebayaan, isla markaana looga baahan yahay in ay degmadda wax la qabtaan. Isaga oo dhinaca kalena si weyn ugu mahad naqay dhalinyaradda ka socotay ururka Dhaymoole ee booqashadda iyo kormeerka ugu yimid.“Bulshadda deegaanka u dhalatay ee qurbaha ku nool baahidda aanu imika la ooyayno kuwa wax nooga qaban karaa waa iyaga, xukuumadda waxa naga soo gaadhaa wuu iska kooban yahay, oo degmo ayaad tihiin ee is-maamula ayay nagu yidhaahdeen, maadaama oo aad degmo qaadateen oo aad tuulo-nimaddii ka guurteen, haddii ad tuullo tihiin wax baanu idinla qaban lahayn ayay leeyihiin. Sidaas darted mar haddii aad degmo noqoteen is-maamula oo isku filnaadda, oo wax la soo baxa. Laakiin cida ay imika u furan tahay in ay wax ka qabtaan baahiyaha degmadda waa dadka qurbaha jooga ee u dhashay degmadda, sababta oo ah kaalintoodii ayaanu tebaynaa, markaa waa in ay dadkaasi deegaankooda u soo jeestaan oo ay wax ka qabtaan. maanta ka hor maanaan arag dhalinyaradiinan noo timid oo kale, waayo waxaad tihiin caqligi cusbaa iyo dad dhalinyaro ah, waxaanad tihiin aragtida cusub ee wax deegaankooda ka qaban kara, aad iyo aad ayaanan ugu farax sanahay dhalinyaradiinan noo timid ee na waraysanaya, maadaama oo ay maskaxdiinu cusub tahay idinka ayaa waddo walba wax marin kara, oo wada tashan kara, oo wax baad ururin kartaan, oo wax badan ayaad deegaanka baahiyihiisa gacan ka geysan kara, oo halka u baahan in wax laga qabtana waad arki karaysaan, markaa waxaanu idinka ka dhalinyaro ahaan idinka codsanaynaa, in cidii wax na tari kartaba aad nagu soo hogaamisaan” ayuu yidhi Gacmo-dheer. Intaasi ka dib xubnahan dhalinyaradda ah ee ka socday ururka horumarinta ee Dhaymoole waxay kormeerro ku soo mareen qaar ka mid ah tuulooyinka hoos yimaadda degmadda Laaso-dacawo iyo sidoo dhulka miyiga ah ee ay xukunto degmaddu, waxaanay warbixino ku saabsan xaaldaha deegaamadaasi iyo duruufaha nololeed ka dhegaysteen masuuliyiinta iyo wax-garadka ku nool deegaamadaasi kala duwan ee isugu jira tuulooyinka iyo miyiga.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured