“Reer Gabiley Iyo Boorama Oo Tacsi U Fadhiyeey Ayuu Rasaas Ku Kala Dareerinayaa,War Dadku Miyaanay Muwaadiniin Ahayn Mida Kale Waa Maxay Sababta Uu Madaxweyne Siilaanyo U Tacsiyadey Waayey Saraakiisha Xaq-daradda Lagu Diley”Xog hayaha Maaliyadda Xisbiga Ucid Faadumo Siciid Ibraahin.

0
Friday September 19, 2014 - 22:45:20 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 914
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “Reer Gabiley Iyo Boorama Oo Tacsi U Fadhiyeey Ayuu Rasaas Ku Kala Dareerinayaa,War Dadku Miyaanay Muwaadiniin Ahayn Mida Kale Waa Maxay Sababta Uu Madaxweyne Siilaanyo U Tacsiyadey Waayey Saraakiisha Xaq-daradda Lagu Diley”Xog hayaha Maaliyadda Xisbiga Ucid Faadumo Siciid Ibraahin.

    Hargeisa(xogreebnews.com_Xog-hayaha maaliyadda xisbiga cadaaladda iyo daryeel ka ee Ucid Faadumo siciid ,ayaa si adag uga hadaashay dilkii foosha xummaa ee lagula kacay xubno ka mid ahaa saarakiisha ciidamadda qaran ee jiidda Hore ku sugan .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com_Xog-hayaha maaliyadda xisbiga cadaaladda iyo daryeel ka ee Ucid Faadumo siciid ,ayaa si adag uga hadaashay dilkii foosha xummaa ee lagula kacay xubno ka mid ahaa saarakiisha ciidamadda qaran ee jiidda Hore ku sugan .
Hargeisa(xogreebnews.com_Xog-hayaha maaliyadda xisbiga cadaaladda iyo daryeel ka ee Ucid Faadumo siciid ,ayaa si adag uga hadaashay dilkii foosha xummaa ee lagula kacay xubno ka mid ahaa saarakiisha ciidamadda qaran ee jiidda Hore ku sugan . faadumo siciid ayaa nasiib daro weyn ku tilmaantay sidaa ar-xan darradda ah ee ciidamadda RRU-du ulaa dhaqantay shacabkii tacsida u fadhiyeey Gabiley.faadumo oo ammuurahaas ka hadleysaana waxay tidhii
“Marka hore waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa, shacabka reer gabiley iyo boorama oo ahaa eheelladda saraakiisha ciidamada qaranka ahaa ee gacanta ka xaq-daraani dishey iyo ciidamadda, shacabka ay ka baxeen waxaan leeyahay illaahay bedel khayr qabba ha inaagga siiyo iyaagganna jano Fardawsa haka waraabiyo , balse waxaa aan aad ulaa yaabaney xukuumadda dadka geerida u fadhiyaa ee u baahnaa in dareenka laala wadaago,iyaaddu dumarkii iyo caruuraha asay-da qaaday ee aanay odhan samir iyo iimaan alle haa idiinka siiyo,hadaanna waxay u dal-batay,ciidamadda lo yaqaan YUUR YUUR ee caruuraha ka saasiiya”
Faadumo waxa kale oo ay su”aallo weydiisay wasaaradda arrimaha gudaha iyo taliyaha bileyska oo ay sheegtay in aanay garaneyn sababta lo isticmaali la’yahay qalabkii haya’da UNDP ku caawisay Somaliland wakhtigii ay hayadaas madax-da ka ahayd iyaaddo ka hadleysaana waxay tidhii
” hortaa wasaaradda arrimaha guduhu iyo taliyaha bileysku , maxay uu istcimaali la’yihiin qalabka markastaa nala su’aale ee dawladaha iyo hayaduhu naga caawiyeen ee is-toodhada ku caaryeeystay, ee loogu tallo galay in lagaaga hor taggo mudaharaadada salmiga ah, intaa xabad nool laala dhacaayo maatida iyo dhalinyaradii kasoo hadhay tahriibta, maalin walbaa dhawacoodi ayaa dhakhtarada yaalla, war reer gabiley iyo boorama waa maxay cadaawadda ay u hayso xukuumadani taladda haysaa ileyn waatan maalin iyo habeen aanay dhib mooye dheef ka hayniin war dadku miyaaney muwaadiniin ahayn”
Sidaas ayeey tidhii marwo faadumo waxaanay intaas sii raacisey “ gabiley waxaay ahayd meeshii uu siilaanyo kur-siga ku fuulay ee codkii ugu badnaa u ka helay, hadaana wali maanu garan cadaawadaasi halkay kasoo baxday,garan waynay waxaay galab-sadeen ummadaasi oo dhan islaam iyo mid bini’aadanimo midna kumaanaan arag cid sidaas loola dhaqmo”
Xog-hayaha maaliyadda xisbiga Ucid waxaay ay calaamad su”aal saartay,amusnaanta madaxweyne siilaanyo ee xata uu tacsi kala bakhay-lay ummaddi ay ka geeriyoodeen labadii taliye ee gacanta ka xaq-darani ku dishey Qori-lugud,iyadoo ka hadlaysaana waxaay tidhii”
“Madaxweynaheenni dhamma wali kamu hadal masiibaddi dishey saraakiisha dalka difaacaayeey ee or-yahoodi ka door-bidey inay dhaxanta uu hoy-daan oo ay difaacaan qarankan uu isaagu halkii u sareysay fadhiyo, bal mujiisaddan eegga lama aragta ah waxaa dadkii lagu wareeriyeey diiwaan gelin dan laga lee-yahay ,kuwii qaranka duurka u galaynaa laamaba ogga waxaay ku dhinteen,xukuumadda waxaa looga fadhiyaa inay deg-deg sahrciga u hor keento gacan ku dhiiglihii dalkaas geystay”
Waxaa ay hadalkeeda kusoo gunaanaday marwo faadumo siciid dar-daaran ay shacabka u jeedasay ,iyaddo sheegtay inay xukuumaddu rabto qas inay wadanka geliso,faadumo oo khadka Telephonka kula soo xidheedhay shakadda warar ee xogreebnews.com-waxaa ay hadal-keeda kusoo xidhey
“Xukumadani qasbay diyaar u tahay ee laakiin shacabkeennu nabadda ayeey la dhasheen oo iyaagga ilaaliya wali waxay la’dahay cid la qasaata”sidaas ayeey tidhi xog-hayaha maaliyadda xisbiga Ucid marwo faadum siciid
xogreebnews.com office Hargeisa/somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured