Hogaanka Xisbiga Kulmiye Oo Ka Hadlay Eedaynta Xisbiyadda Mucaaradku U Jeediyeen
Hargeysa(Xogreebnews) Hogaanka Xisbiga Kulmiye, ayaa sheegay inaanay jirin Ballan ay Mucaaradka la lahaayeen oo ay kaga baxeen ka dib markii Xisbiyada Mucaaradka ahi Xalay Iclaamiyeen in Xukumadda iyo xisbigeeda Kulmiye ka baxeen Ballan ahayd in lagaga wada hadlo Muranka Diwaangalinnaha.
Hargeysa(Xogreebnews) Hogaanka Xisbiga Kulmiye, ayaa sheegay
inaanay jirin Ballan ay Mucaaradka la lahaayeen oo ay kaga baxeen ka dib markii
Xisbiyada Mucaaradka ahi Xalay Iclaamiyeen in Xukumadda iyo xisbigeeda Kulmiye
ka baxeen Ballan ahayd in lagaga wada hadlo Muranka Diwaangalinnaha. Gudoomiye xigeenka 1-aad ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, ayaa
sheegay in Kulmiye diyaar u yahay Wada hadalka Arimaha doorashada balse aanay
jirin Ballan rasmi ah oo dhex martay Mucaaradka “Waxaa jirtay Inay Shalay
Galabtii nala soo xidhiidheen Xisbiyada Mucaaradka oo ay Ballan noo qabteen
laakiin, anagu waxaanu u soo jeedinay inay arintu degdeg tahay sidaas darteedna
aanu Xisbi ahaan iska arkayno. Islamaanu meel dhigin Ajandaha Shirka iyo goobta
lagu kulmayo midna.waxay xalay soo saareen Eedayn ah inaanu kaga baxnay Ballan”
ayuu yidhi Maxamed Kaahin. Gudoomiyaha oo sii hadlaya waxa uu intaasi raaciyay “ Xisbiga
Kulmiye waxa uu Umadda u caddaynayaa inuu diyaar u yahay Wada hadalka.waxa uu
Kulmiye isagoo danaynaya Maslaxadda Umadda, In Doorashadu wakhtigeedii ku
dhacdo iyo In Asxaabta taladoodu isku dhamaato in wada hadal lagu dhameeyo
wixii jira” Xisbiyadda Mucaaradka ah ayaa goor dambe oo xalay ahayd sheegay
in Hogaanka Kulmiye Oo Xukumaddu u soo igmatay Wada hadal ku saabsan Muranka
Diwaangalinta ay kaga baxeen Kulan ku dhex mari lahaa Hotelka Ambasador. Leave a comment |
|
Hogaanka Xisbiga Kulmiye Oo Ka Hadlay Eedaynta Xisbiyadda Mucaaradku U Jeediyeen
Hargeysa(Xogreebnews) Hogaanka Xisbiga Kulmiye, ayaa sheegay inaanay jirin Ballan ay Mucaaradka la lahaayeen oo ay kaga baxeen ka dib markii Xisbiyada Mucaaradka ahi Xalay Iclaamiyeen in Xukumadda iyo xisbigeeda Kulmiye ka baxeen Ballan ahayd in laga