Sababta Keentay Askari Toogasho Ku Dilay Abaanduulihii guutada 17-aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Madaxii Hawl galinta
Hargaysa(Xogreebnews)Nin askari ah ayaa toogasho ku dilay Abaanduulihii iyo sarkaalkii hawlgalinta guutada 17aad ee Ciidaanka Qaraka Somaliland oo fadhigeedu ahaa duleedka magaalada Qurulugud oo ka tirsan degmooyinka Buuhoodle xalay.
Saraakiil ka tirsan ciidanka qaranka oo ku sugan jiida hore,
Hargaysa(Xogreebnews)Nin askari ah ayaa toogasho ku dilay
Abaanduulihii iyo sarkaalkii hawlgalinta guutada 17aad ee Ciidaanka Qaraka
Somaliland oo fadhigeedu ahaa duleedka magaalada Qurulugud oo ka tirsan
degmooyinka Buuhoodle xalay. Saraakiil ka tirsan ciidanka qaranka oo ku sugan jiida hore,
ayaa WargeyskaJamhuuriyau xaqiijiyey dilkaas foosha
xun ee loo gaystay Allaah ha u naxariistee marxuum Maxamed Yuusuf oo ahaa
Abaanduulihii guutadda 17aad ee ciidanka qaranka iyo madaxii hawlgelinta guutadaas
allaah ha u naxariistee marxuum Jaamac Bidaar. Sida saraakiishaas ciidanka oo magacooda ka gaabsaday sheegeen,
askariga dilka gaystay, waxa uu u xidhnaa falal la xidhiidha dhinaca
dhisibiliinka ciidanka, balse inta uu ka baxsaday goobtii uu ku xidhnaa oo
ahayd xerada guutada, ayuu fal toogasho ah ku dilay labada marxuum, kaasoo
markii uu hawshaas fuliyey baxsaday, ilaa xalayna aan gacanta lagu dhigin,
laguna hawljiro sidii loo soo qaban lahaa. Ma jiro wax war ah oo dhacdadan la xidhiidha oo ka soo abxay Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland iyo taliska ciidanka qaranka, balse sida ilo-wareedyo kala duwan tibaaxeen, waxa lagu jiraa baadhis la xidhiidha falka lagu dilay Abaanduulihii guutadaha 17aad ee cidianka qaranka ee fadhigoodu yahay degaanka Quruludug iyo madaxii hawlgelinta guutadaas. Leave a comment |
|
Sababta Keentay Askari Toogasho Ku Dilay Abaanduulihii guutada 17-aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Madaxii Hawl galinta
Hargaysa(Xogreebnews)Nin askari ah ayaa toogasho ku dilay Abaanduulihii iyo sarkaalkii hawlgalinta guutada 17aad ee Ciidaanka Qaraka Somaliland oo fadhigeedu ahaa duleedka magaalada Qurulugud oo ka tirsan degmooyinka Buuhoodle xalay. Saraakiil ka t