Qormo Gantooban -Seerogoyntaa waxaa lagu sababayn karaa dhawr arrimood oo aan ka astayn karo saddexdan qodob. W/Q. Xasan Maxamed Yusuf

0
Wednesday September 17, 2014 - 18:47:21 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 877
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qormo Gantooban -Seerogoyntaa waxaa lagu sababayn karaa dhawr arrimood oo aan ka astayn karo saddexdan qodob. W/Q. Xasan Maxamed Yusuf

    Hoogooyinka Internetka isticmaala ee Soomaalidu waxay hirgeliyeen labo Gef oo maansada la xidhiidha, welina cid waar ka daaya tidhi illaa hadda maan arag. Gefka koowaad waa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoogooyinka Internetka isticmaala ee Soomaalidu waxay hirgeliyeen labo Gef oo maansada la xidhiidha, welina cid waar ka daaya tidhi illaa hadda maan arag. Gefka koowaad waa
Hoogooyinka Internetka isticmaala ee Soomaalidu waxay hirgeliyeen labo Gef oo maansada la xidhiidha, welina cid waar ka daaya tidhi illaa hadda maan arag. Gefka koowaad waa isticmaalka ereyada dhaxalgal, halkudheg, mahadho iyo ereyo kale oo kuwaa la ujeeddo ah marka laga hadlayo maanso uu ruux Soomaali ahi tiriyey. Mararka qaarkood, si munaasab ah ayaa ereyadaa loo isticmaalaa oo maansada dhaxalgal, halkudheg ama mahadho lagu sheegayaa hubaashii sidaa way noqon kartaa ama meerisyo sidaa ah ayaa ku jira. Marar badanse si xadgudub ah ayaa tilmaamahaa loo siiyaa maanso bajal iyo booshaaq ah oo aan mudnayn in meeqaankaas lagu jimeeyo.
Seerogoyntaa waxaa lagu sababayn karaa dhawr arrimood oo aan ka astayn karo saddexdan qodob.
Midda hore waa qiimaynta iyo qalomadhka maansada ee Soomaalida oo aan lahayn qaaciddo-miisaaneed ku dhidban caddaalad iyo dhexdhexaadnimo.
Midda labaad waa qofka maansada qiimee is leh oo aan garasho iyo aqoon hoose oo uu ku axadho ama ku jimeeyo aan midna u lahayn.
Midda saddexaad waa nin jeclaysi ku dangiiga isir iyo abtirsiiyo koolkoolin, Oo reernimo iyo xigaalnimo salka ku haysa.
Gefka labaad ee ay hoogooyinka Internetka adeegsada ee Soomaalidu hirgaliyeen waa aragtida odhanaysa maansadii dhimatay, durraamadkeeduna waa aakhirotoosin, luggooyo iyo wax aan dhaamin. Qoraalada sidaa lagu sheego waxa ku jira qaar dux leh laakiin dulucdoodu daxalaysan tahay, waxayse kuwaasi soo butaaciyeen kuwo badan oo aan ambabax lahayn oo haaheeyoraac ah. Runtuse waxay tahay Doodda iyo cilmibaadhistu, haaheeyoraacnimo iyo darabudhle midna kuma dararaan waxna kuma dhiiqaan.
Xasan Maxamed Yuusuf



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured