Talo Xumaanta Iyo Tayo Darnaanta Xukumadda Siilaanyo

0
Wednesday September 17, 2014 - 16:50:24 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 947
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Talo Xumaanta Iyo Tayo Darnaanta Xukumadda Siilaanyo

    Talo Xumaanta Iyo Tayo Darnaanta Xukumadda Siilaanyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talo Xumaanta Iyo Tayo Darnaanta Xukumadda Siilaanyo
Diwaan gelinta madaniga ahi waa in shacbi weynaha Somaliland warqad aqoonsi ( National identity card) rasmi ah loo sameeyo soow maaha? Dee maaha mid xukuumada maanta jirta oo qudha u taala. Waa mid min dawladaha hoose, ilaa labada gole ee guurtida iyo baarlamaanka, ilaa laamaha kale ee qaran, aqoon yahanka kale sida macalimiinta jaamacadaha, ciidamada nabad gelyada, laamaha socdaalka, IWM oo dhami ay tahay inay ka soo wada doodaan oo ka soo talo bixiyaan oo salka ka soo dhisaan qaabka uugu haboon ee hawshaas qaranku u gudo geli karo mustaqbalkaDalkan UK labaatan sano in ka badan ayay doodaasi socotay ilaa hadana looma samayn ID card, waayo weli boqolkiiba boqol lama bislayn wax yacyacood ahna talada qaranka laguma dhiso. Mida kale xukuumadihii hore ee Somailand ka hano qaadayba waxaa jirtay inay mararka qaar isku dayeen ama sameeyeenba warqad aqoonsi hadana may shaqayn. Waayo? Maxay tahay sababtu?Dhinaca kale hadii laga eego, inagu waxaynu nahay beelo iyo reero kooban oo is yaqaana kolkaas cidiba inaguma dhex dhuuman karto horena doorashooyin ay ka mid tahay tuu Siilaanyo kursiga ku yimi ayaa warqad aqoonsi la`aan inoo qabsoomay. Kolkaas maxaa maanta shuruuda adag ee lama dhaafaanka ah looga dhigayaa ayadoo weliba waqtigii doorashadu inagu soo dhaw yahay? Fii Shii!
Dalkani doorashooyin hufan oo baarlamaan, mid guurti iyo mid madaxtooyo oo waqtigooda ku dhaca ayuu u baahan yahay, waxaana ku xidhan xasiloonidiisa iyo kalsoonidiisa umadeed, Sidaas darteed diiwaan gelin cod bixineed ayuun baa sidii horeba loo samayn jiray daruuri ah maanta. Balse ta madaniga ah waqti kasta waa wax la samayn karo ayadoo aan loo baahnayn inaan cidina dabada ka riixin lana mudaynin, lana siyasadayn oo aan laga dhigin sidii wax xisbi gaar ah u adeegaysa kuwa kalena cabudhinaysa
Dawladu waa in aanay is karaamo ridin, umadana fooda isu gelin, shacbigana qasin, caamadana kala dilin oo ay fahamtaa inay umada oo dhan ayadu dawlad u tahay macaa kuwa mucaaridka ah. Waa in aanay arimaha masiirka umadu ku xidhan yahay ka dhigan kubad garoon taala oo ay laba kooxood oo mucaarid iyo muxaafid la kala yidhaahdaa wada dheelayaan kalana jiidanayaan. Dawladu waa inay kalsooni yeelataa oo ay balankeeda fulisaa, gaar ahaan wixii ay heshiis xisbiyada kale la gashay. Waa in carabkeeda iyo ficilkeedu is wafaqsanaadaa. Waa in ay ka shaqaysaa sidii ay cadaaladu u meel mari lahayd dhankii doonaa natiijadeeda ha ku guulaystee! Waa in aanay isku deyin inay talaabo kasta oo qaranku qaado ay ka soo baxdo maxsuul dhinac qudha, sida xukuumaada, guusha siinayaa. Taasi waa astaamaha diktaatoorka iyo maamulada daaquudada ah ee aan la soo dooran lagu yaqaanaa
Dawladu waa in ay haybad, miisaan iyo deganaansho lahaataa oo ay aqoon, xikmad iyo waayo aragnimo umada uugu adeegtaa oo xilkeeda ku gudataa, Xifaaltankan iyo wax iska celintan faraha badana iska daysaaDawlada Somaliland waa inay xaga hore soo marisaa masuuliyiinteeda wax garadka ah ee miisaanka leh umaduna xishmada, karaamada iyo maamuuska u hayso, ee la isu soo taagaayo ( Waaba haday ku jiraanee) oo aanay kuweeda sufahada ah ee guul wadayaasha iyo macaan jecesha is barkan ah, sida Xirsi Tooriile, Waran cade, Jano ka bood, Cukuse, Saleebaan Bakhaar, Nacnacle, Waabeeyo iyo hebel Mareexaan keenin. Waayo wixii aragoodu ku deeqo ayay oontooduna ku deeqdaa
Bashe Qulumbe, London
bqulunbe@yahoo.co.uk



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured