Xukuumadda Siilaanyo Oo Ku Fashilantay In Ay Gurmad U Fidiso 47-Qof Oo Ku Dhaawacmay Waqooyiga Burco iyo Xaaladooda Oo Si Weyn Looga Dayriyay.

0
Wednesday September 17, 2014 - 16:46:58 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 873
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Siilaanyo Oo Ku Fashilantay In Ay Gurmad U Fidiso 47-Qof Oo Ku Dhaawacmay Waqooyiga Burco iyo Xaaladooda Oo Si Weyn Looga Dayriyay.

    Burco-(xogreebnews.com_Qaar ka mid ah eheladda dad badan oo dhawaan ku dhaawacmay Shil Baabuur oo ka dhacay Waqooyiga Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa ka dayriyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco-(xogreebnews.com_Qaar ka mid ah eheladda dad badan oo dhawaan ku dhaawacmay Shil Baabuur oo ka dhacay Waqooyiga Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa ka dayriyay Burco-(xogreebnews.com_Qaar ka mid ah eheladda dad badan oo dhawaan ku dhaawacmay Shil Baabuur oo ka dhacay Waqooyiga Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa ka dayriyay xaalada dadkaasi iyo qaababka Loola Tacaalayo Mida kale Dadka ku waxeeloobay Shilkan Baabuur oo tiradoodu gaadhayso 47-Qof oo lagu dabiibaayo Cusbitaalka Burco ayaa xubnahan u hadlay sheegeen habayaraatee Xukuumada Siilaanyo wax gurmad ah oo ay u fidisay in aaney jirin isla markaana taasi ay sababtay in qaar ka mid ah dhaawacani geeriyoodaan. Cabdisamad Axmed Boon oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa yidhi. “ Waxaanu si weyn uga xunahay Qaabka loola tacaalay Aafo qarantii ka dhacday Gaadhigii Gidhays ee Waqooyiga Burco ku qalimay,kaasi oo ay ku dhaawacmeen 47 Qof ,oo 35 ka mid ahi ku jiraan xaalad khatar ah ,kuwaasi oo yaala Cusbitaalka Burco isla markaana aan la haynin daawo ku filan ,waar waxa dadkaasi loo waayay Amblancyo qaada ,waar waxa la layahay Dhakhaatiir ,waar waxa la la’yahay Daawo ,waar waxa la La’yahay Nursing xanaanaysa .xiitaa dadkaasi qaar ka mid ah oo la qaaday markii Daawadu ka go’day ayay dhex-da ku dhinteen markaa taasi ayaanu cambaaraynaynaa “ Sidaasi ayuu yidhi Cabdisamad waxaanu intaasi raaciyay . “ Maayirka Burco iyo Xoghayaha Dawladda Hoose , inta ay Cusbitaalka tageen ayay dadkan shilku ku dhacay Macawiso u geeyeen iyagoo daawo u baahan ,maryahana Qof bad-qaba ayaa loo geeyaa ,Waxaanan halkan ka cadaynayaa meeshaasi afaada Qaran ka dhacday wax alaale wax gurmad ah oo Wasaaradda Caafimaadka iyo Dawlada sare toona u samaysay ma jiraan ,markaa Dawladda Siilaanyo ee Shil Baabuur waxba ka qaban-kari-wayday ,wax kale-na waxba ka qaban-kari-mayso ,xaalkeeduna waa ka qaado Cashuurta wax-na hawqaban “ Sidaasi ayuu hadalkiisa kaga baxay Cabdisamad Axmed Boon. Sidoo kale Faysal X. Cabdilaahi oo ka mida hehelada Bukaankani ayaa isna yidhi “ Waxaanu halkan ka cambaaraynaynaa Maamulka Dawladda Hoose ee Burco iyo Wasaaradda Caafimaadka waayo dadkii markii aanu Cusbitaalka keenay cid alaale cid soo eegtay iyo cid u timi ma jirto ,waxa loo geeyay Macawiso yar yar ,waar dadkani Macawiso uma baahna ,waxay u baahanyihiin Daawo iyo Gurmad Caafimaad ,markaa waxaanu leenahay Maayirka iyo Xog-hayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Burco ,waad ku guuldaraysateen in aad umadda gobolka sidii ay ahayd ugu shaqaysaan ,lacag’uun ayaad eryanaysaan “ Dhinaca kale ilaa iyo hada Masuuliyiinta Caafimaadka Burco kama hadal cabashadan dadkan iyo xaalada ay ku suganyihiin . Geesta kale Cabashadda dadkan ayaa ku soo beegantay xili ay dhawaan Xukuumadda Siilaanyo soo bandhigtay sida ay sheegtay Miisaaniyad aad u badan isla markaana Cusbitaalkii Burco ay ka dhacday Mushar La’aan dhanka shaqaalaha ah iyo waliba daawo la’aani . Mida kale Aadeegyadda iyo Dhaqaalaha Cusbitaalka Burco oo ay gacanta ku haysay Hay’adii baxday ee MSF ayaa mudadii ay sii maqnayd waxa soo wajahay Duruufo adag kuwaasi oo Xukuumadda Siilaanyo ka muquuratay in ay Gacan ka gaysato ,cid ay ku eegaysana aan la garanaynincource qarannews.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured