XISBIYADA MUCAARADKA AH EE WADANI IYO UCID OO SHEEGAY IN XUKUUMADDU KAGA BAXDAY WADA HADALADII AY LA FURTAY.

0
Tuesday September 16, 2014 - 21:00:01 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 798
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XISBIYADA MUCAARADKA AH EE WADANI IYO UCID OO SHEEGAY IN XUKUUMADDU KAGA BAXDAY WADA HADALADII AY LA FURTAY.

    Hargaysa(xogreebnews.com-Xisbiyada Mucaaradka Ah Ee Wadani Iyo UCID Ayaa Sheegay In Xukuumaddu Ay Kaga Baxday Wada Hadaladii Ay La Furtay. waxa ay sheegeen in wada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(xogreebnews.com-Xisbiyada Mucaaradka Ah Ee Wadani Iyo UCID Ayaa Sheegay In Xukuumaddu Ay Kaga Baxday Wada Hadaladii Ay La Furtay. waxa ay sheegeen in wada Hargaysa(xogreebnews.com-Xisbiyada Mucaaradka Ah Ee Wadani Iyo UCID Ayaa Sheegay In Xukuumaddu Ay Kaga Baxday Wada Hadaladii Ay La Furtay. waxa ay sheegeen in wada hadalkan oo salka ku hayay in ay dhinacyadu kaga wada hadlaan xeerka diiwaan gelinta madaniga ah oo maalmihii ugu dambeeyay dhaq-dhaqaaqiisii ay ka socdeen magaaladda Hargeysa.ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay xoghayaha Guud ee xisbiga Wadani Maxamed Cabdilaahi Uur-Cade waxaana uu sheegay in Xukuumada kaga Baxday balamihii ay la gashay Asxaabta mucaaradka. Waxa uu cadeeyey In xisbiga ucid iyo wadani ay go’aamo midaysan ka gaadhi doonaan,Kaas Shacabka u sheegay cida diidan diwaan galinta Madaniga ah waxaana uu yidhi”“Shacabka Reer somaliland Waxa ay Ogayeen in wada hadal u socday Xukuumada Iyo Asxaabta mucaaradka,Maanta oo ahayd Maalintii loo balan Sanaa in lasoo gaba-gabeeyo Khilaafkaasi,Ayaa Xukuumadu Waxa ay noo sheegtay in Arintaas Lagu Wareejiyay Xisbiga Kulmiye.Xog-hayaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani Ayaa sheegay inaanu xisbigii Kulmiye Kasoo Xaadirin Balantii ay wada lahayeen,isla markaas ay Goobtii lagu balan Sanaa ku sugayeen Saacado Badan Waxaana uu yidhi“Xisbigii Kulmiye iyo Xukuumadii Labadiiba,Midna Muu Iman,Labadayadii Xisbi Mucaaradna Waa Nagaas ilaa xiligaas goobta ku sugan,Arintaas Xukuumada Iyo Xisbiga kulmiye ku kacaysna Aad iyo aad ayaan uga xun nahay,Waxaanu Doonaynaa Waxa ay Ahayd uun in dalka doorashadu si wanaagsan ugu qabsoonto,Diwaan galinta madaniga ahna Qabsoonto.Sidoo kale waxa uu carab dhabay Maxamed Cabdilaahi Uur-cade in Go’aamo midaysan ka gaadhi doonaan Arintaas ay Xukuumadu iyo xisbigii Kulmiye uga baxeen Balayntii ay wada lahayeen.ku simaha Xog-hayaha Guud Ee Xisbiga Wadani oo isna shirkaas Jaraa’id ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in Wasiirada kusoo war galiyeen in Xisbiga kulmiye ay isla kulmi doonaan,Balse taasina ay noqotay Mid Xukuumadii iyo xisbiga Kulmiye Ka baxeen waxaana uu yidhi“Waxaanu Doonaynaa inaanu dib iskugu noqono Asxaab mucaarad ahaan,Kana tashano Go’aamada ay Xukuumada ku doonayso In ay Dalka Madaw Badan galiso,Waxaanan ka tashan doonaan Wixii aanu ka yeelayno arinkan diwaan galinta,Go’aamo cad-cadna waanu ka gaadhi doonaa.Waxa uu shacabka u iftiimiyay Cid diidan diwaan galinta Madaniga ah,Kaas oo carab dhabay in ay xukuumada balantii ay lalahayeen Ay ka baxday kana soo xaadiri wayday Fadhigii ay ku balan sanayeen waxaana uu yidhi”“Xisbiyada Mucaaradka Diwaan galinta madiidana,Doorashada madiidana,lakiin xukuumada ayaa diidan oo balantii aanu lalahayn ka baxday,Wali waxaanu sii adkaynaynaa Heshiisyadii ay xukuumada asxaabta mucaaradka la-gashay.Si kastaba ha ahaatee Xukuumada ayaa maanta ku cidlaysay asxaabta mucaaradka Garoon madhan,waxaana ay asxaabta mucaaradka ku doodeen in ay xukuumada kaga baxday balamihii ay wada lahayeen,daliilna uga dhiga In ay xukuumada Doonayso In ay samayso Mudo kordhin.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured