FAALLO: Maxaa Ku Xiga Baastooladaha Ay Xildhibaanada Golaha Deegaanka Boorama U Adeegsanayaan Khilaafkooda?

0
Tuesday September 16, 2014 - 18:40:23 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 984
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FAALLO: Maxaa Ku Xiga Baastooladaha Ay Xildhibaanada Golaha Deegaanka Boorama U Adeegsanayaan Khilaafkooda?

    Wararka ka soo baxaya Golaha Deegaanka Boorama ayaa sheegaya in xildhibaano ka tirsan golahaasi baastoolado ku weerareen guddoomiyaha golaha degaanka ee Boorama Suleymaan Xasan Xaddi. Inkastoo aanay Maayarka wax dhibaato ahi ka soo gaadhin weerarkaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka soo baxaya Golaha Deegaanka Boorama ayaa sheegaya in xildhibaano ka tirsan golahaasi baastoolado ku weerareen guddoomiyaha golaha degaanka ee Boorama Suleymaan Xasan Xaddi. Inkastoo aanay Maayarka wax dhibaato ahi ka soo gaadhin weerarkaasi kana Wararka ka soo baxaya Golaha Deegaanka Boorama ayaa sheegaya in xildhibaano ka tirsan golahaasi baastoolado ku weerareen guddoomiyaha golaha degaanka ee Boorama Suleymaan Xasan Xaddi. Inkastoo aanay Maayarka wax dhibaato ahi ka soo gaadhin weerarkaasi kana badbaaday hase yeeshee waxay taasi muuijnaysaa khatarta dhinaca ammaanka ee ka soo socota xildhibaanda golahaasi iyo degmada Booramaba, kaddib muddo sannad iyo badh ku dhawna golahaasi ka dhigay golaha ugu khilaafka badan leh marka la barbardhigo golayaasha degaanka ee degmooyinka dalka ka jira.Inkastoo aan la sheegin arrimaha sababay weerarkan, haddana war kooban oo ka soo baxay maayarka Boorama ayaa waxa uu ku sheegay inuu yahay mid ka dhashay wada shaqayn la’aan ka dhex jirta ciidamada amniga ee Booliska, iyo golahaasi, iyadoo haatanna sida la sheegay golahaasi la soo dul-dhigay cutub ka tirsan ciidanka qaranka oo xarunta dawladda Hoose fadhiyi doona ilaa inta la sugayo ammaankiisa.dowlada hoose ee booramaWeerarkan baastooladaha ah ee muddo sannad ah laba jeer lagu qaaday maayaarka Boorama ayaan ilaa imika cidna loo xidhin waxana socda dhaqdhaqaaq ay wadaan qaar ka mid ah odayaasha kooxda wax weerartay iyo maayarka ka soo kala jeeda si loo daweeyo dhaawaca iyo dheg-xumada ka dhalatay weerarada noocan oo kale ah.Su’aasha meesha taal ayaa nopqon karta maxaa ku xigi kara weerarada baastooladaha ay isticmaalayaan xildhibaanada golaha degaanka Boorama? Maxaase ka iman kara hadii hubkaasi dhinacyada adeegsanaya u keeno waxyeelo dhimasho ama dhaawacba leh

Cid kastaa wey garanaysaa in dhibaatada falkaasi ka dhalata isu keeni karto gacan ka hadal dhexmara beelihii soo doortay xildhibaanada golahaasi, kuwaas oo aaminsan in dhibaato loo geysto xildhibaan ka tirsan golahaasi, tahay dhibaato ma gaadhsiiyey beelaha uu ka soo jeedo taas oo saameyn ku yeelan karta ammaanka guud ee dadweynaha magaalada ama meelo ka durugsanba.Khilaafka golaha degaanka Boorama oo muddo soo jiray ayaan ilaa imika daawo loo helin, inkastoo wasiirka Daakhiligu xidhay fadhiyadii golahaasi ku kala aargoosan lahaayeen, dhawaana uu u furay ayaa dhinaca kale laga yaabaa in xidhitaanka ama furitaanka fadhiyada golahaasi waxba ka beddelayn jawigii uu ku bilowday, iyo afkaarta xildhibaanada qaarkood marka horeba ku soo gaaleen golahaasi ama lagu soo doortay ilaa dawladda dhexe faragelin ku soo samayso, isla markaana dadka loo sheego waxa waajib ku ah iyo waxaan waajib ku ahayn ee dhaafsan shaqadooda, mana dhici karto in gole intaa le’eg oo aan ku soconayn sharci kala haga xaalkiisu ka sii dari doono maadaama qaar ka mid ah xildhibaanadaasi ay ka dhaadhacsan tahay inaan la xidhi karin, lana ganaaxi karin hadday galaan fal-dembiyeed, arrintaasi ama sharcigaasi noqon karo mid isku sii dira waxyeelana sii gaadhsiiya maamulka golahaasi, waxana xukuumadda dhexe looga fadhiyaa sidii ay u meelmarin lahayd sharci kala haga oo kan khaldanna xeerkiisa marinaya kan kalena xaal marinaya

Wariye Maxamed Cumar Sh Ibraahin (Hyena)
Boorama/ Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured