Wasiirka warfaafinta Somaliland Oo Ka Hadlay Kulan Dhexmay Gudoomiyaha UCID Eng faysal iyo Madaxda Somaliya.

0
Monday May 13, 2013 - 19:28:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1002
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka warfaafinta Somaliland Oo Ka Hadlay Kulan Dhexmay Gudoomiyaha UCID Eng faysal iyo Madaxda Somaliya.

    Hargeysa(xogreebnews.com--Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com--Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland Wasiirka warfaafinta Somaliland Oo Ka Hadlay Kulan Dhexmay Gudoomiyaha UCID Eng faysal iyo Madaxda Somaliya.
Hargeysa(xogreebnews.com--Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland Md Abiib Diiriye Nuur (Abiib Timadcad) ayaa sheegay in kulankii dhexmaray Gudoomiyaha Xisbiga Ucid iyo madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee ka dhacay Waddanka Uk oo ahaa mid aan sharci ahayn oo gaf ku ah bulshada Somaliland iyo Xukuumadiisa Xaqna aanu u lahayn Arrintan oo ay shacabku u xilsaarteen Xukuumada maanta talada haysa, sheegayna in Xukuumaddu talaabo ka qaadayso Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng: Feysal cali Waraabe oo uu sheegay inuu ku talaabsaday arrin gef ku ah qaranka Somaliland, taas oo ah kulankii uu la yeeshay Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamud.

Waiirku waxa kale oo uu sheegay Xukuumaddu marka uu dalka ku soo laabto inay talaabo ka qaadi doonto, sidaasna waxa uu ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Wasaaradda Warfaafinta, kaas oo uu u qabtay warbaahinta .
Wasiirka Wasaaradda Warfaafintu waxa uu sheegay in Guddoomiyaha Xisbiga UCID uu ku talaabsaday Arrin Nasiib daro ah isagoo sheegay in uu baal maray Siyaasadii Somaliland ka lahayd Gooni isu taaga Somaliland.
Wasiirka Warfaafintu waxa uu intaas ku daray in aanu Guddoomiyaha UCID u lahayn awood Dastuuri ah, cid u igmatayna aanay jirin kulanka uu la yeeshay Madaxweynaha Somaliya.
Waxaa kale oo wasiir Abiib sheegay in kulanka Guddoomiyaha UCID la yeeshay Madaxweynaha Somaliya, kaas oo bulshada Reer Somaliland jahawareer ku abuuray, isla markaana waxa uu ku wargaliyay dadweynaha in ay ilaashadaan qarannimadooda oo ay u fiirsadaan cida wax yeelaynaysa oo ay ka feegjignaadaan.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured