Shirkii Dib uheshiisiinta Kismaayo iyo khudbadii madaxweyne Xasan(warbixin kooban)

0
Tuesday September 16, 2014 - 17:55:23 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 855
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkii Dib uheshiisiinta Kismaayo iyo khudbadii madaxweyne Xasan(warbixin kooban)

    Kismaayo(xogreebnews.com-Waxaa maanta si habsami leh magaalada Kismaayo uga furmay shirweynihii dib uheshiisiinta beelaha Jubooyinka kaas oo ay kasoo qeyb galeen wafuul kala gedisan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kismaayo(xogreebnews.com-Waxaa maanta si habsami leh magaalada Kismaayo uga furmay shirweynihii dib uheshiisiinta beelaha Jubooyinka kaas oo ay kasoo qeyb galeen wafuul kala gedisan. Kismaayo(xogreebnews.com-Waxaa maanta si habsami leh magaalada Kismaayo uga furmay shirweynihii dib uheshiisiinta beelaha Jubooyinka kaas oo ay kasoo qeyb galeen wafuul kala gedisan.Wafuudii shirka ka qeyb gashay waxaa kamid ahaa wafdigii ka socday Dowlada Federaalka oo uu hogaaminayay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,wafdi ka socday qaramada midoobay gaar ahaan xafiiska UNSOM oo ay horkacaysay kuxigeenka ergayga xoghayaha qaramada midoobay uqaabilsan Somalia Fatiha Serour,wakiilo ka kala socday EU,Italy,Ethiopia,Jaamacada Carabta,AU iyo qaar kale.Wafdiga madaxweynaha waxaa kamid ahaa wasiirada kala ah Cabdulaahi Goodax Bare,Xuseen Cabdi xalane,Faarax Sheekh cabdiqaadir,la taliyaha madaxweynaha Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo agaasimihii Hay’ada sirdoonka ee xilka laga qaaday Cabdulaahi sanbaloolshe.Arimaha ugu xiisaha badnaa khudbooyinkii madasha laga jeediyay waxaa kamid ahaa in madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Cabdulaahi Sheekh ismaaciil(Fartaag) uu aad uga farxiyay wafdigii madaxweynaha kadib markii uu madasha ka sheegay in Jubbaland ay maqashay in madaxweynuhu musharax yahay doorashada soo socota shacabka Jubbaland-na ay dooran doonaan madaxweyne Xasan arintaas oo aad uga farxisay madaxweynaha iyo wafdigiisii.Farxadii madaxweynaha ayaa waxaa laga dheehaynay khudbadii dheereed ee uu halkaas ka jeediyay isagoo madasha ka cadeeyay inay garab taagan yihiin maamulka Jubbaland iyo dhamesytirkiisa.Dhanka kale taliyihii hore ee Hay’ada sirdoonka qaranka Cabdulaahi sambaloolshe oo kamid ahaa wafdiga madaxweynaha ayaa umuuqday nin shaqadiisi wali sii wata oo aysan saameynin xil ka qaadistii


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured