Xildhibaan WADDANI Ka Tirsan Iyo Badhasaabka Berbera Oo U Heshiiyey Fidnada Ka Taagan Deegaanka Faradeero ee Gobolka SAAXIL

0
Monday September 15, 2014 - 21:05:00 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 838
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan WADDANI Ka Tirsan Iyo Badhasaabka Berbera Oo U Heshiiyey Fidnada Ka Taagan Deegaanka Faradeero ee Gobolka SAAXIL

    'Hargeysa(Xogreebnews)Waxa mudooyinkii danbe buuq ka taagan yahay deegaanka FARADEERO ee gobolka SAAXIL,waxana fidno ka abuuray deegaankaasi xildhibaan ka tirsan xisbiga Mucaaradka ah ee WADANI oo lagu magacaabo Naasir Cali Shire,isagoo gacan sa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

'Hargeysa(Xogreebnews)Waxa mudooyinkii danbe buuq ka taagan yahay deegaanka FARADEERO ee gobolka SAAXIL,waxana fidno ka abuuray deegaankaasi xildhibaan ka tirsan xisbiga Mucaaradka ah ee WADANI oo lagu magacaabo Naasir Cali Shire,isagoo gacan saar la yeedhay badhasaabka gobolka SAAXIL ninka lagu magacaabo FAHMI BIDAAR.

Hargeysa(Xogreebnews)Waxa mudooyinkii danbe buuq ka taagan yahay deegaanka FARADEERO ee gobolka SAAXIL,waxana fidno ka abuuray deegaankaasi xildhibaan ka tirsan xisbiga Mucaaradka ah ee WADANI oo lagu magacaabo Naasir Cali Shire,isagoo gacan saar la yeedhay badhasaabka gobolka SAAXIL ninka lagu magacaabo FAHMI BIDAAR.

Waxa la isku haystaa magacaabida gudida deegaankaasi oo uu soo dhisay Caaqilka deegaankaasi Maxamed Cabdi Faarax oo ah ,Caaqilka deegaankaasi balse waxa ka horyimid mawqifkaasi Xildhibaan ka tirsan xisbiga WADANI ee mucaaradka ah,waxana uu xildhibaankaasi keenay gudi uu isagu wato oo uu doonayo in ay u shaqayso halka caaqilkii deegaankuna soo magacaabay gudida sharciga ah,iyadoo meel kasta ama deegaan kasta sharcigu u fasaxayo oo kaliya in uu caaqilka deegaankaasi oo magacaabo gudida deegaanka, balse arintan ayaa ah mid la ayaab ku noqoday dadka deegaanka oo uu caaqil u yahay Maxamed Cabdi Faarax.

Hadaba waxa deegaankaasi ka taagan xaalad fidno lagu tilmaami karo oo uu horsed u yahay xildhibaanka mucaaardka WADANI ka tirsan ee Lagu magacaabo Naasir Cali Shire isaga oo kuraako la noqday ninka badhasaabka ah ee lagu magacaabo FAHMI CABID BIDAAR waxana la sheegay in uu xildhibaanku badhasaabku ku yidhi waxaan ku siinayaa dhul ee la riix gudida aan doonayo inay maamusho deegaanka FARADEWERO,sidaasina uu badhasaabkii gobolki ku raacay Xildhibaanka ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee WADANI.

Hadaba doorka uu badhasaabka gobolka SAAXIL ka ciyaarayo fidnada halkaasi ka taaga ayaan ahayn midi uu badhasaab dawlada u shaqeynayaa sameyn lahaa,waayo badhasaabku marka dadka deegaanka uu ka raaco xisiba WADANI dee dadka deegaanka miyaanu ka eryeyn dawladii ay taageersanaayeen? Xukuumada Somaliland ayaan weli arintaasi talaabo ka qaadi iyado oo ay u muuqato hadii la kala gaadhi waayo ololaha uu xildhibaanka xisbiga WADANI deegaankaasi ka wado in lag ayaabo in iska hor imaad halkaasi ka dhaco,taasina aysan cidna dan u ahayn.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka ayaa waxa maalin dhaweyd uu xildhibaanku halkaasi kaanay gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADANI C/raxmaan Cirro waxaanu u sheegay in deegaankaasi laga taageersan yahay xisbiga mucaaradka ah ee WADANI balse xaqiiqada halkaasi ka jirta ayaa ah in dadka deegaankaasi taageersan yihiin xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE.

Lama oga talaabada ay xukuumadu ka qaadi doonto carqalada deegaanka FARADEERO ku hayo xildhibaanka xisbiga Mucaaradka ee WADANI ka tirsan ee NAASIR CALI SHIRE.

Qore:Cali C/laahi Ibraahim

Email:calicabdilaahi@hotmail.com

Berbera/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured