Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Oo Beeniyey Hadal Kasoo Baxay Masuul Ka Tirsan Xisbiga WADANI

0
Monday September 15, 2014 - 20:25:21 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 696
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Oo Beeniyey Hadal Kasoo Baxay Masuul Ka Tirsan Xisbiga WADANI

    Hargeysa (xogreebnews.com-— Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali X. Xasan ayaa beeniyey hadal ka ka soo baxay masuul ka tirsan Xisbiga wadani Cabdirashiid Riyo raac oo khuseeya Diiwaan galinta Madaniga ah waxaanu Wasiirku sidaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (xogreebnews.com-— Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali X. Xasan ayaa beeniyey hadal ka ka soo baxay masuul ka tirsan Xisbiga wadani Cabdirashiid Riyo raac oo khuseeya Diiwaan galinta Madaniga ah waxaanu Wasiirku sidaasi ku sheegay Qoraal
Hargeysa (xogreebnews.com-— Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali X. Xasan ayaa beeniyey hadal ka ka soo baxay masuul ka tirsan Xisbiga wadani Cabdirashiid Riyo raac oo khuseeya Diiwaan galinta Madaniga ah waxaanu Wasiirku sidaasi ku sheegay Qoraal uu soo dhigay Bar kulanka Bulshada ee Facebook-ga waxaanu kubilaabay sidan:
Ma Jirto Wax Aanu Ku Heshiinay Axsaabta Mucaaradka, Cabdirashiid Riyo-Raacna Maanu Kulmin, Gudoomiye-yaashana Waxaanu Isugu Nimi Dood , Wax Heshiis Ahna Kamaanu Gaadhin Ee Waxaanu U Balanay In Aan Dood Iyo Falanqayn Ku Aadan Diwaangelinta Maddaniga ah Markale Isugu Nimaadno!
“ Waxaan la yaabay Sida Cabdirashiid Riyo-Raac War aan Jirin uu Miciin u Mooday ee uu u yidhi Wasiir Xirsi ayaa nala qaatay in Diiwaan-gelinta Maddaniga “Civil Registration-ka Wax ka Qaldan Yihiin!!-
Waxay ahayd xalay kadib markii dood lagu falanqaynayo xeerka Diiwaan-gelinta Maddaniga ah ay marti galiyeen Telefishanka Madaxa banaan ee Horn-Cable TV
Falanqaayntaas ayaa waxaa ka qayb qaadanayey xubno ka socday Axsaabta mucaaradka iyo Xildhibaan Golaha Wakiilada ka socday oo metalayey xukuumada talada haysa
Hadaba waxaan la yaabay ama wax aanan filayn igu noqotay in Masuul sheeganaya magaca Xisbi Qaran “Waddani” oo la yidhaa Rashiid Riyo-raac uu si kas ah uu uuga been abuuray dood iyo falanqayn aanu aniga iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo gudoomiye-yaasha labada Xisbi Mucaarad ku kulanay isla markaana uu ku sheegay in aan ka garaabay in khaladaad ku jiraan Xeerka Diwaan-gelinta Maddaniga ah! Waa siduu hadalka u dhigee
Oo ma waxaan ka garaabi ama aan khalad ku sheegi in Muwaadiniinta dalka la diwaan geliyo oo aynu doorashada kahor kala garano yaa muwaadin ah oo u qalma in uu codeeyo iyo yaan ahayn oo aan mudnayn in uu go’aamiyo cida talada dalka qabanaysa?!
Waxaan dareemayaa in ay tahay su’aal ay ka jawaabi karaan cid walba oo dareenka dalnimo iyo damaca doorasho ku jirto!
Waxaan leeyahay; Masuulka looga fiican in uu war aan jirin saxaafada ka sheego isagoo uuga dan leh in Kambayn uu wato ku Majara habaabiyo bulshada, wuxuuse ilaaway in ay beentu lug kaliya leedahay isla markaana cimri yar tahay.
Wa Bilaahi Tawfiiq
Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland
Xirsi Cali Xaaji Xasan



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured