Maqnaanshihii Madaxda KULMIYE, Saluuqii Madaxda Mucaaridka Iyo Ballan Qaadkii Wasiiradda.

0
Monday September 15, 2014 - 20:15:04 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 770
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maqnaanshihii Madaxda KULMIYE, Saluuqii Madaxda Mucaaridka Iyo Ballan Qaadkii Wasiiradda.

    Hargeysa(xogreebnews.com-— Gudoomiyayaasha xisbiyada mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID iyo xubno ka tirsan golaha wasiiradda ayaa la sheegay sabtidii doraad inay kulan wada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-— Gudoomiyayaasha xisbiyada mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID iyo xubno ka tirsan golaha wasiiradda ayaa la sheegay sabtidii doraad inay kulan wada
Hargeysa(xogreebnews.com-— Gudoomiyayaasha xisbiyada mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID iyo xubno ka tirsan golaha wasiiradda ayaa la sheegay sabtidii doraad inay kulan wada hadal ahaa ka yeesheen xeerka diiwaan gelinta ee horyaala golaha wakiiladda, kaasoo siyaasiyan muran xoog leh oo ilaa haatan nool ka dhex shiday somaliland.
Ma jiraan warar si toos ah kulankaa uga soo baxay, hase yeeshee siday tibaaxeen xogo uu wargeyska Ogaal ka soo xigtay illo lagu kalsoon yahay, kulankaa waxa ka qayb galay Gudoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo isla markaana ah Gudoomiyaha golaha wakiiladda, Gudoomiyaha xisbiga Ucid faysal Cali Waraabe, Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali X Xasan, Wasiirka Arrimaha gudaha Cali Warancade, Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani iyo sarkaal kale oo ka tirsan xisbiga Ucid. Xoguhu waxay intaa ku dareen in labada dhinac uu dhex maray wada hadal adag oo la xidhiidha qoonsimaadka iyo qalooca ka dhashay xeerka diiwaan gelintu, isla markaana dood adag kadib ay is faham guud gaadheen.
Xogahaasi waxay tibaaxeen, in labada dhinac ay aakhirkii isla qaateen, in xeerka diiwaan gelinta ee golaha wakiiladda hor yaala laga saaro wixii caqabad ku ah diiwaan gelinta codbixiyayaasha, si doorashadu u dhacdo xiligii loo qorsheeyay. Xoguhu waxay intaa raaciyeen, in si loo fuliyo taas ay u balameen kulan danbe salaasada beri, isla markaana qorshuhu yahay in Wasiiraddu soo kaxaystaan gar yaqaanka xukuumadda, xisbiyadda mucaaridkuna soo kaxaystaan gar yaqaan.
Dhinaca kale, masuuliyiinta mucaaridka ayaa sida xoguhu iftiimiyeen, waydiiyay labada wasiir sababta loogu yeedhi waayay masuuliyiinta xisbiga Kulmiye, maadaama wada hadalada mawduucani yihiin hore iyo hadaba qaar ay wadaagaan sadexda xisbi, xukuumadda iyo komishanka doorashooyinku. Xoguhu waxay intaa ku dareen in masuuliyiinta mucaaridku ay soo jeediyeen, in aanay masuuliyiinta Kulmiye ka maqnaanin kulanka danbe, taasoo wararku sheegeen in wasiiradduna balan qaadeen.
Xogahaa xigashada illo wareedyada ka sokow, ma jiraan warar madax banaan oo ka soo baxay labada dhinac oo rumaynaya xaqiiqada jiritaanka kulankaa iyo waxyaabihii layskula qaatayba. Qaadhaan bixiyayaasha iyo daneeyayaasha somaliland, ayaa dhawaan ugu baaqay jilayaasha siyaasadda somaliland, inay dib isugu noqdaan oo wada hadlaan gaadhaana heshiis qaneecaad leh oo suura geliya inay doorashadu ku dhacdo waqtigii loo qoondeeyay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured