Xisbiga WADANI Oo Lagu Soo Qulqulayo Iyo Xaflad Balaadhan Oo Bristol Loogu Sameeyay Qaar Kamida Haldoorka Gobolada Awdal, Salal Iyo Hawd Oo Kusoo Biiray (Daawo Sawirada)

0
Monday September 15, 2014 - 08:35:32 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 796
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga WADANI Oo Lagu Soo Qulqulayo Iyo Xaflad Balaadhan Oo Bristol Loogu Sameeyay Qaar Kamida Haldoorka Gobolada Awdal, Salal Iyo Hawd Oo Kusoo Biiray (Daawo Sawirada)

    Bristol(xogreebnews.com-— Waxa Xalay ka dhacday Magaalada Bristol, UK, Xaflad aad u balaadhan oo Xisbiga Wadani laantiisa Bristol , UK ay ku soo dhaweysay taageerayaashii ugu badanaa ee Xisbiga Kulmiye oo ka soo jeeday gobolada Awdal, Salal iy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bristol(xogreebnews.com-— Waxa Xalay ka dhacday Magaalada Bristol, UK, Xaflad aad u balaadhan oo Xisbiga Wadani laantiisa Bristol , UK ay ku soo dhaweysay taageerayaashii ugu badanaa ee Xisbiga Kulmiye oo ka soo jeeday gobolada Awdal, Salal iyo Hawd oo si Bristol(xogreebnews.com-— Waxa Xalay ka dhacday Magaalada Bristol, UK, Xaflad aad u balaadhan oo Xisbiga Wadani laantiisa Bristol , UK ay ku soo dhaweysay taageerayaashii ugu badanaa ee Xisbiga Kulmiye oo ka soo jeeday gobolada Awdal, Salal iyo Hawd oo si mug iyo miisaan leh ugu soo biirayXisbiga Wadani Bristol, Uk.

Goobta xaflada ayaa ahayd goob bilicsan, waxaana ka qeyb galay aqoonyahano, waayeel, dumar,fanaaniin iyo madaxda Xisbiga Wadani ee Bristol iyo Uk. Waxa jawiga xaflada si qurux badan u daadihinayay Mahad Abdullahi bare, Waxaana aayado quraan ah furitaanka xaflada ka dib hadalo soo dhaweyn ah iyo mahad naqba ah goobta ka jeediyey odayga xisbiga wadani laantiisa Bristol Hasan Harruun iyo guddoomiyaha xisbiga wadani Bristol, Mustafe Ahmed cige, waxayna bogaadiyeen tageerayaasha cusub ee ku soo biiray xisbiga wadani Bristol iyaga oo sheegay in xisbiga u yahay xisbigoodii ayna gacamo furan iyo qalbi niyadsan ku soo dhaweyenayaan.

Sidoo kale, waxa ka hadlay madasha Abdi diiriye, gudoomiyhii hore Xaqsooree Bristol oo hogaaminayay Tageerayaasha cusub ee ku soo biiray ee Xisbiga wadani ee gobolada Hawad, Awdal iyo Salal oo sheegay in ay maanta laga bilaabo ay hiil iyo hooba ay garab is taagi doonan Xisbiga Wadani halganka ugu jiro in dalkan iyo bulshada Somaliland loo badbaadin lahaa.

Waxa goobta ka hadlay Mahmed saleeban weyne, Wasiirkii hore ee warshadaha , iyo guddoomiyaha xisbiga Wadani ee UK Xuseen Aden Cade, oo ku dheeraday waxqabadka Xisbiga wadani iyo sida loogu baahan yahay in muruq iyo maskaxba la is garab taago xisbiga wadani si dalkeena horumar loo gaadhsiin lahaa, waxayna carabka ku dhufteen sida Xisbiga Kulmiye iyo Xukumada Silaanyo ay ugu fashilantay wixii ay bulshada Somaliland u balanqaadeen.

Waxa isla goobta ka hadlayEng. ilyaas muhmed jama ( kenyati) iyo guddoomiye xigeenka Wadani Uk kenadiid abdikarinJama iyaga oo labadooduba ku dhawaaqeen in ay yihiin musharixiinta Xisbiga Wadani doorashada Golaha Wakiilada 2015 Inshaa allah.

Ugu danbeyntii, Waxa Xaflada soo afmeeray oo hadalo gubaabo ah ka jeediyey Xoghayaha Siyaasada Xisbiga Wadani Mahmuud Raage, Waxaana uwarbixin guud ka bixiyeyXaalada u dalka u ku sugan oo u dhawaan ka soo laabtay iyo xisbiga wadani intba, waxaana u bulshada Somaliland uga digay diwaangelinta madaniga ah ee xukumada silaanyo ku carqaladaynayso doorashooyinka la filayo in ay sanadka danbe ay ka qabsooman dalka.

xogreebnews.com- London Office




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured