Xildhibaanada Masiirkooda Madaxtooyada Ka Gatay Oo Wada Mooshin Gud. Ciro Ka Dhan Ah

0
Monday September 15, 2014 - 08:30:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 809
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanada Masiirkooda Madaxtooyada Ka Gatay Oo Wada Mooshin Gud. Ciro Ka Dhan Ah

    Hargeysa(xogreebnews.com-Dagaalka u dhexeeya xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka Somaliland, ayaa gaadhay in la diyaariyo mooshin ka dhan xilka Guddoomiyaha Golaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-Dagaalka u dhexeeya xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka Somaliland, ayaa gaadhay in la diyaariyo mooshin ka dhan xilka Guddoomiyaha Golaha Hargeysa(xogreebnews.com-Dagaalka u dhexeeya xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka Somaliland, ayaa gaadhay in la diyaariyo mooshin ka dhan xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).Xarunta Golaha Wakiillada oo labadii maalmood ee u dambeeyey wax aka taagnaa xamaasad ka dhalatay meelmarinta xeerka Diiwaangelinta Madaniga, ayaa la sheegay in xildhibaannada muxaafadku diyaarinayaan mooshin xilka lagaga qaadayo Guddoomiye Cirro, kadib markii uu is hortaagay qorshe xildhibaannada xisbul-xaakimku ee masayrkooda madaxtooyada ka iibyay ay ku doonayeen inay ku meelmariyaan xeerka Diiwaangelinta ee xukuumaddu ku doonayso inay ku hirgeliso diiwaangelinta muwaadiniinta fadhigii maalintii Sabtidii.Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan mudanayaasha xisbiga WADDANI, ayaa shaaca ka qaaday jiritaanka mooshinno ka dhex socda golahooda.“Saaka (shalay) waxa iswaydaaranaya Golaha Wakiillada mooshinno isdabajoog ah oo ku saabsan meelmarinta xeerka diiwaangelinta ee sharci-darrada ah, waa ayaan-darro aqlabiyaddii Golaha Wakiillada oo maanta u biyaysatay inay xeerkaa ku meelmariyaan sifo sharci-darro ah. Mooshidanu mushkilad ma leh oo dawadoodu waxay tahay in loo gudbiyo La-taliyayaasha sharciga oo haddii uu saxyahay wuu socon doonaa, haddii aannu ahayn waxa ku ceeboobi doona gole waynaha baaxaddiisu israacday, waxaanan qabaa oo aan aaminsanahay in ay ku ceeboobayaan,” ayuu yidhi Md. Qabile oo warbaahinta la hadlayey shalay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured