Xubnaha Kasoo Horjeeda Madaxweyne Cabdi Iley Oo La Sheegay Inay Dirdhabe U Qaxeen

0
Monday September 15, 2014 - 08:28:15 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1019
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xubnaha Kasoo Horjeeda Madaxweyne Cabdi Iley Oo La Sheegay Inay Dirdhabe U Qaxeen

    Jigjiga(xogreebnews.com-Wararka ka imanaya Jigjjiga ayaa sheegaya in xubno badan oo ka mid ah gollaha dhaxe ee ESPDP ay ku xeroodeen caasimada DDSI iyada oo la tuhunsan yahay in uu madaxweyne Cabdi Cumar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jigjiga(xogreebnews.com-Wararka ka imanaya Jigjjiga ayaa sheegaya in xubno badan oo ka mid ah gollaha dhaxe ee ESPDP ay ku xeroodeen caasimada DDSI iyada oo la tuhunsan yahay in uu madaxweyne Cabdi Cumar Jigjiga(xogreebnews.com-Wararka ka imanaya Jigjjiga ayaa sheegaya in xubno badan oo ka mid ah gollaha dhaxe ee ESPDP ay ku xeroodeen caasimada DDSI iyada oo la tuhunsan yahay in uu madaxweyne Cabdi Cumar si xeladi ku dheehan tahay ugu baaqay xubanahan oo qaarkood gobolo durusan ka yimid.Xubnahan oo la dajiyey guriga martida ayaa la xakameeyey dhaqdhaqaaqooda iyo xidhiidhka ay la leeyihiin bulshada ku dhaqan Jigjiga.
Lama hubo ujeedada loogu yeedhay laakiin waxaa loo badinaya in madaxweynuhu doonayo in xurgufta u dhaxeysa gudiga fulinta uu u wareejiyo gollaha dhaxe isaga oo rumaysan in uu taageero ka heli karo.Talaabada loogu yeedhay gollaha dhaxe ayaa dhalisay in ay si degdeg ay xubnihii 7-da ahaa ee saluugsana siyasada madaxweynaha ay jigjiga uga hayaamaan, Waxaa la sheegaya in xubnahaasi ku sugan yihiin Dirdhaba hadda, balse ay suurtagal tahay in ay u sii dhaafan Addis Ababa.

Waxaa kale oo soo baxay in tiro badan oo gollaha dhexe ay xalay saqdii dhexe si qarsoodi ah ugu ambabaxeen Dirdhaba iyaga oo ku biiray 7-dii xubnood ee isabadal-doonka ahayd.
Warar aan la hubin ayaa tibaaxaya in kooxda Dirdhaba isugu tagtay doonayan in ay qabtaan shirkii gudida fulinta iyo kii gollaha dhaxe ee xisbiga ESPDP.
Lama oga talabaada ay qaadi doonaan madaxweyne Cabdi Cumar iyo xubnaha taageera, balse waxaa la sheegaya in ay suurtagal tahay in Dirdhaba ama Addis Ababa u baxaan.
Dhanka kale, ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa noo xaqiijiyey in la hakiyey dhaqdhaqaaqi maaliyadeed ee maamulka kililka k adib markii uu go’aankaas qaatay madaxweynuhu. Waxaa xaalada sii cusleyey markii xukuumada federaalka ahi iyaduna dhankeeda ka xanibtay
Wasiirkii maaliyada iyo madaxii hanti-dhawrka, oo sharciyan masuul ka ah dhaqdhaqaaqa lacagaha, ayaa horey u xanibay lacagaha dawlada.
Xaraarada siyaasadeed ee gobolkaasi ayaa meeshii ugu sareysay mareysa iyada oo aan wali la saadalin karin jihada ay qaadi doonto iyo cidda gacanta sare yeelan doonta.
Waxaa aad loo hadal haya in murankii siyaasintu DDSI in uu galay wajiga lagu kala bixi lahaa iyada oo saacadaha soo socda xogo dheeraad ah laga heli doona natiijada xurgufta.Saraakiil ka mid ah xukuumada dhexe ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay aad ugu mashquulsana xidhiidh ay la sameeyaan dhinacyada is-haya, balse lama sheegi karo wixii ka soo baxay xidhidhadaas
Waxaa Xusid mudan, in madaxweynaha Jimcihii la kulmay guurtida deegaanka isaga oo uga waramay xaalada siyaasadeed ee DDSI. Waxaa la sheegya in kulankaas ayna ka soo bixin natiijo ka farxisa Cabdi Cumar oo duqayda uga baahna hiil iyo tageero.
Odayaasha ayaa si xushmad leh ugu sheegay madaxweynaha in ayna faragalin karin arrimaha siyaasada ee gobolka iyo khilaafka xisbiga toona.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured