Daawo xogreeb Tv:: Jahawareerka Ka Dhextaagan Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Iyo Hadalo Isburinaaya Oo Kasoo Baxay

0
Sunday September 14, 2014 - 10:58:05 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 831
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo xogreeb Tv:: Jahawareerka Ka Dhextaagan Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Iyo Hadalo Isburinaaya Oo Kasoo Baxay

    Hargeysa(xogreebnews— Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Xasan Maxamed Yuusuf, ayaa sheegay in la kala diray Guddidii qabanqaabada shirweynaha 5-aad ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews— Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Xasan Maxamed Yuusuf, ayaa sheegay in la kala diray Guddidii qabanqaabada shirweynaha 5-aad ee
Hargeysa(xogreebnews— Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Xasan Maxamed Yuusuf, ayaa sheegay in la kala diray Guddidii qabanqaabada shirweynaha 5-aad ee Solja ka dib markii 3 xubnood iska casishay midna xanuusnayo
“ Saaka waxaa la ii keenay Warqad saddex xubnood oo guddida ka mid ahi isku casileen.runtii Ninkii guddida ugu weynaa ee Odayga ahaana wuu xanuunsanayaa oo dhakhtarka ayuu Yalaam Maxamuud Cabdi Jaamac(Xuuto).marka afar xubnood ka maqantahay saddex kaliyi waxba ma qabanayaan, waxaana ii muuqatay in arinta dib u eegis lagu sameeyo.” Ayuu yidhi Xasan Maxamed Yuusuf Waxa uu sheegay Xasan Maxamed Yuusuf in guddidaasi la kala diray“Guddidii fulinta saaka waanu iskugu yeedhnay, waxaanu soo saaray go’aan, waxaanu kala dirnay Xubnihii 5-aad ee Ururka Solja oo ka koobnaa 7 xubnood”
Warka hore ee ku saabsan Khilaafka Maanta soo shaac baxay
Guddida qabanqaabada Shirweynaha 5-aad ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa maanta ku dhawaaqay wakhtiga uu qabsoomayo Shirweynahaasi. Guddida oo Shir jaraa’idku qabtay Hargeysa ayaa sheegay in 20-ka bishan(20/09/2014) oo ku beegan Sabtida soo socota la qabanayo Shirweynahaasi.Gudoomiyaha Guddida qabanqaabada Shirweynaha SOLJA Maxamed Maxamuud Ilkacase, oo Shir Jaraa’id oo guddidu Hargeysa ku qabatay ka hadlay ayaa sheegay in boqol qof ka qayb galayaan Shirka oo 80 ka mid ahi yihiin Ergada saxaafadda oo iskaga imanaysa Gobolada Dalka.
Maxamed Maxamuud ilkacase waxa uu u soo jeediyay Ergada Shirka ka qayb galaysaa inay u soo diyaar garoobaan ka qayb galka Shirka.
Dhinaca kale saddex ka mid ah 7-da xubnood ee Guddida qabanqaabada oo kala ah Gudoomiye xigeenka Guddida qabanqaabada Shirka Solja Najax Aadan Cunaaye, Cabdifataax Maxamuud Caydiid iyo Aadan Cabdi Ciidle ayaa sheegay inay iska casileen Xubinimada guddida ka dib markii sida ay sheegeen xubnaha kale ka leexdeen Dastuurkii Guddida.
“Waxa aanu maanta oo ay taariikhdu Tahay September 13 2014 aanu iska casilnay Xubinimadii guddida qaban-qaabada shirweynaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja.
Runtii sida magaca ku cad ururka SOLJA waxa iska leh oo ku midaysan saxafayiinta Somaliland ee meel kasta oo ay joogaan, ergaduna waxa ay ka imanaysaa uun iyaga, laakiin xubno han ka fog ka guddida qaban qaabada ayaa marin habaabiyay, waxaanay u leexiyeen oo ay xuquuqdii suxufiyiinta madaxa banaan u leexiyeen dhinaca xarumaha warbaahinta.
Waxa aanu maanta laga bilaabo u cadaynaynaa cidii ay khusaysay hawshii baaxada lahayd ee aanu haynay in aanu iska casilnay” ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka saddexda xubnood isku casishay



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured