Xog Qarsoodi Ah Oo U Soo Bandhigay Xildhibaan Cabdi-Kariin Maxamud Cabdi-Laahi Taasi Oo Ku Adan Khilaafkii Ay isku Qabteen Mayar Ku Xigeenka Degmada Burco.–

0
Saturday September 13, 2014 - 19:01:55 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 778
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog Qarsoodi Ah Oo U Soo Bandhigay Xildhibaan Cabdi-Kariin Maxamud Cabdi-Laahi Taasi Oo Ku Adan Khilaafkii Ay isku Qabteen Mayar Ku Xigeenka Degmada Burco.–

    Burco(xogreebnews.com- Xildhibaan Cabdikariin Maxamed Cabdillaahi oo ka mid ah Xildhibaanada goolaha deegaanka degmada burco ayaa Maanta warbixin u Siyeey warfaafinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco(xogreebnews.com- Xildhibaan Cabdikariin Maxamed Cabdillaahi oo ka mid ah Xildhibaanada goolaha deegaanka degmada burco ayaa Maanta warbixin u Siyeey warfaafinta Burco(xogreebnews.com- Xildhibaan Cabdikariin Maxamed Cabdillaahi oo ka mid ah Xildhibaanada goolaha deegaanka degmada burco ayaa Maanta warbixin u Siyeey warfaafinta ku sheegay halka ay salka ku hayso khilaafkii ay gacanta isku saareen Mayar ku xigeenka Degmada Burco Muxumed Xasan Jaamac Xoday, taasii oo u ku tilmaamay siday u bilaabantay iyo halka ay haatan wakhtigan la joogo ay marayso, waxanay u dhignayd sida tani. “Runtii Horta waxaa xaqiiqo ah oo aan la ilaabi Karin inay xildhibaanadu u yihiin xildhibaano Dadka wixii dulman Xaqooda u dhiciyaan. Xildhibaanadu uma aha xildhibano, kuwa dulmiga wada, inay ku tageeraan dulmiga ee waa inay ka qabtan cid kasta oo dulmi wada bulshadii soo dooratay, haday ka qaban kari wayaana, xildhibaanadu xildhibano uma noqonayaan.Qisadani aanu hada gacanta isku saarnay waxaa u ahaa mid soo taxnaa mudo laga joogo Sanad ka hor.Ayaa Maalin maalmaha ka mid ah waxaan u quraac tagay hotelka la yidhaah Golis, Waxaana igu yimid halkaas, gudoomiye Ku Xigeenka Degmada Burco Xoday, Oo Isaguna Goobtaas Igala Quraacday.Intii aanu halkaasi joognay waxaa noo yimid taliyihii Qaybta ee wakhtigaasi joogay oo ahaa Axmed Cabdiraxman Ilka Case, waxay markaas ilka case iyo Xoday markaas iska waydiiyeen ilka case iyo Xoday, mawduuc ku saabsan, Wado Cigaal iyo Dhul ku yaal Halkaas, dhinacana ku haya Beerta Ilma Haybe Dheere.Aniga ayaa markaa waxaan ku yidhi, Wado Cigaal miyaanay ahayn tii barigii hore la isku laayey.Wanay sheegeen meesha ay hadal hayaan inay tahay meeshaaas. Ninka ay markaasna isku tilmaameena, aan garanaayaba.Ilka Case ayaa waxaa u yidhi mid yar oo dibjir ah ayaa ku maran, Dhul kan dhinaca igu haya?.Aniguna waxaan ugu jawaabay Adeer Dibjir Mahaa.Markaas Waxaa u igu yidhi Muxuu Ka Shaqeeya?Waxaan Ugu Jawaaabay Meheradna Waa Leeyahay, Waana Wastaad.Waxaanu iska soo raacnay saddexdayaadiiba, Golis, waxaanan soo istaagnay Aloore Hotel Hortiisa.Halkaas oo uu isagoo lugaynaya uu nagu dhaafay, Ninkii Markaasi ay hadal hayeen ee laha dhulkii ay soo hadal qaadeen.Waxaan u sheegay ninkan na dhaafay inuu yahay, ninkii ay hadal hayeen.!Ilka Case ayaa Xaajiyadii Anu saarnayn oo u marka waday isagu ka daba Dhaqaajiyey, kuna yidhi, Intuu Joojiyey, Waar ma waxaad tahay Ninka Sheegta Dhulka Ku Yaala Wado Cigaal Ee Noocaas Ah!.Waxaanu ugu jawaabay. Adigu Ma Dawladii Hoose Ayaad Tahay, Mise Mid Igu Haysta Ayaad tahay?. Dhulkaas aad tilmaamayso.Waxaanu ugu jawaabay. Miyaan lagugu qabsan Karin. Aduun Wax Waliba Wuu Ka dhacaaye.Isna waxaa Uu ugu jawaabay. Qaar Hore-ba way igu qabsadeenoo, way iskaga tageene, Iskuguba keen keen, halkiibaanu kaga dhaqaaqay ninkii.Waxaanu u Dhaqaajinay oo aanu gaadhnay, Dhulkii laftiisii. Halkaas oo aanu gaadhiga ka dagnay, si gaar ahaaneedna isaga iyo xodayna u indho indheeyeen. Aniga laftayduuna ka bogtay. Waanan iskaga soo noqonay.Waxay markaas is yidhaahdeen iyo waxay iska waydiiyeen meeshaas iyada ah. Dhagaygu may maqal. Sidaasbaanan iskaga tagay meeshii.Saddex Cisho Ka dib. Dhulkii Cagafbaa la galiyey, taasi oo u waday Xildhibaan Rashiid Faarax, oo Amar markaas lagu soo siiyey. Kuna soo amray Xoday.Dhibanaha Imika Dhulkani sheeganaya ee hada xidhani, markuu ogaday in cagaf la galiyey meeshii, aniga ayuu isoo ogaysiiyey.Aniguna markaas waxaan wax ka waydiiyey xildhiban rashiid faarax. Waxaanu ii sheegay inay meeshaasi tahay wado.Markaas waxaan ku war celiyey dhibanaha hada u xidhan, in gudoomiyihii dhulku meshaas ku sheegay wado.Dhibanahani isagu dhiska ayuu wax badan ka yaqaana. Waxaanu ku kalsoona aqoontiisa, sheegaysay inay iyadu tahay dhul. Iyaduna aanay ahayn wado, waxaanu igu yidhi, arinta cabdi karinoow intaas ka balaadhiyoo. Ha u dhamaadeen Cidii hawlaha dhulka iyadu shaqo ku leh. Haday tahay joomitiro iyo haday tahay xildhibaanaba.Goobtaas iyada ah. Waa lagu noqnoqday, oo xildhibanadii hore iyo qaar kaleba way tageen meeshii. Iyagoo bixiyey warbixino kala kaan kaan ah. Taasi oo ahayd Xili ku beega Horaantii Bishii ramadaan ee ina dhaaftay. Ayaa waxaanu gaynay godomiye ku xigeenka degmada Xoday, Xildhibaan Axmed Afyare, Xildhibaan Maxamud Xasan Dhago lab, iyo Xildhibaan Rashiid Faarax.Xildhibaan Dhago lab oo markaas ahaa ninka odhaahdiisa u dambeysa lagu qancayey, markii wax laga waydiiyey waxaa u ku jawabay, meeshani Dhula way noqotaa, Wadana way noqotaa.Fulinta dawlada hoose ayeey ku xidhantahay hadba ta ay ka dhigayso.

Arintaasi Xoday aadbu uga qayliyey ugu dambeystiina ina dhago lab waxaa u ku yidhi, waar hadaad meesha u sii daynaysana usii daa, hadii kalena nagala tag.
Halkaas markay maraysay ayaa dhibanahani waxa u u yeedhay odayaal u abtiyaal u ah. Xodayna Soddog iyo Seediyo U ah. Xoday wuu la balamay odayaashaas waxaanu ku yidhi waa inoo ramadaan dabadeed.
Ramadaan way dhamaatay, Balantiina way wakhti dhaaftay, Maalintan dhawayd ee iyadu isku dhacu yimid nimankii la socday dhibanahan waxay ahayeen Lix Nin oo reer Abtigii ah, Ergana ah. Iyo dhibanaha kale ee la xidhan inankaWaxaa kale oo goobtaasi joogay mayer ku xigeenkii hore maxamed cabdi falay ee golaha degaanka.kaasi oo goobtaasi ka makhraati kacay wixii goobtaasi ka dhacay. Odayaasha ergada ahana ay hada diyaar u yihiin markii loo baahdo inay iyaguna wixii arintaas ku saabsan ee laga waydiiyo ay sida ay tahay uga jawaabayaan.Hadaba waxaa halkaas ka muuqata sharci ku tumasho, iyo Awoodihii maamulka degmada. Oo iyada si khaldan loo adeegsanayo. Waxaa taas cadayn u ah. Warbixintaas kor ku xusan. Iyo dhibanayaashaas xidhan ee ku xidhan Saldhiga Burco. Mudo Ka Badan Intii Dastuurku u muwaadinka uu siyey in lagu hayn karo. Xabsi Intaan la keenin Maxkamad Dastuuri ah horteed. Dhibanayaashaasi waxay Xidhanyihiin, Mudo Ku Dhaw Afar Cisho. Waxaana muuqata in loogu Talo Galay Intay Xidhnaadaan ilaa iyo inta ay u hogaansamayaan danaha laga leeyahay”.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured