Dagaal Dhexmaray Maayir ku xigeenka Burco Iyo Xildhibaan Golaha Deegaanka Ah Oo Dhaliyey Dhaawac Muran Dhuleed ka dib iyo Xaaladooda Cirka Ku shareeran–

0
Saturday September 13, 2014 - 16:42:09 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 760
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal Dhexmaray Maayir ku xigeenka Burco Iyo Xildhibaan Golaha Deegaanka Ah Oo Dhaliyey Dhaawac Muran Dhuleed ka dib iyo Xaaladooda Cirka Ku shareeran–

    Burco(xogreebnews.com-Dagaal gacan ka hadal oo dhaliyey dhaawac ayaa dhexmaray Maayir ku xigeenka burco muxumed xasan xoday iyo xildhibaan ka mida golaha deegaanka burco oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco(xogreebnews.com-Dagaal gacan ka hadal oo dhaliyey dhaawac ayaa dhexmaray Maayir ku xigeenka burco muxumed xasan xoday iyo xildhibaan ka mida golaha deegaanka burco oo
Burco(xogreebnews.com-Dagaal gacan ka hadal oo dhaliyey dhaawac ayaa dhexmaray Maayir ku xigeenka burco muxumed xasan xoday iyo xildhibaan ka mida golaha deegaanka burco oo lagu magacaabo xildhibaan cabdikariim waxaana uu dagaalkan gacan ka hadalkaa ka dhacay xafiiska maayir ku xigeenka wakhti lagu muransanaa dhul la sheegay inay dacwadiisu socotay 6_ bilood, waxaana dhulkaasi isku haystay laba reer oo ay kasoo kala jeedaan laba xildhibaan.Khasaaraha ka dhashay dagaalkan gacan ka hadalkaa ee dhexmaray masuuliyiinta ayaa ahaa dhaawac soo gaadhay maayir ku xigeenka dhaawacaas oo kasoo gaadhay gacanta iyo qoorta islamarkaana uu u geystay xildhinbaan cabdikariim maxamuud cabdilaahi, iyadoo jeelka loo taxaabay laba nin oo ay isku jifi hoose yihiin xildhibaan cabdikariim.Maayirka burco maxamed muraad oo isagu goobta joogay wakhtigii dagaalku dhacaayey ayaa gudi xildhibaano ah u saaray labada xildhibaan ee isku fara saaray Xafiiska xili ay socotay hawsha qaranka oo ay xafiiska joogeen dad shacab oo loo adeegaayey, is farasaarista laba xildhibaan ayaa ka yaabisay dadweyne badan oo markaas joogay goobta dagaalka, waxaana si weyn looga hadal hayaa goobaha inta badan bulshadu isugu timaado.Gudiga xildhibaanada ah oo ka kooban 5_xildhibaan islamarkaana loo xilsaaray xalinta dagaalkaasi dhex maray labada xildhibaan ayaan wali wax xala laga gaadhin, wakhtiga haatan la joogo waxay arintu isu bedeshay reer reer, waxaana fiintu dhexmiranaysaa laba beesha ay kasoo wada jeedaan labada xildhibaan .
Dhulka muranka dhaliyey ayaa labada reerba sheeganayaan hasa yeeshee sida warar xogagaali tilmaamayaan maayir ku xigeenka ayaa u xagliyey dhankooda, dhulkiina kasoo qaaday wado halka qolada kale ku doodaysay inaanu dhulkaas wado ahayn ee iyagu iska leeyihiin lagana duudsiyaayo, inta badan maayir ku xigeenka burco muxumed xasan xoday ayaa lagu xantaa nin aad ugu dheereya dhinaca dhulka meela badana iibsaday intii uu xilka hayey halka uu kuwo kalena ka qaatay xogaa kharashaada.
Dagaalkan gacan ka hadalkaa ayaa dhabar jab ku noqonaaya golaha deegaanka degmada burco oo loo doortay inay qabtaan hawlaha loo igmaday iyo masuuliyada degmada balse haatan iyagu noqday kuwo sida caruurta la kala weedho, ilaa iyo hada wax lagama gaadhin waxaana arinku gaadhay maamulka gobolka iyo taliska bilayska.
Dawlada hoose dhexdeeda waxaa widhiidh ka ah samaynta geydhadhka guryaha banaynta dhulalka loo yaqaan beeraha ee laga jaro danta guud sidoo kale waxaa dadka qaarkii laga iibiyaa meelo wadooyin ah oo sifo khaldan lacag looga qaato, dhulka loogu talo galay danta guud inta badan waxaa kala qeybsada xildhibaanada sida aanu ka warsanay madaxda ugu saraysa dhanka cabirka dhulka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured