Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar Oo Ka Hadlay Wax Wakhtigan Ku Soo Beegay Tabashada Awdal Iyo Qodobada Bud-dhigga U Ah Tabashadooda

0
Friday September 12, 2014 - 19:41:51 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 729
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar Oo Ka Hadlay Wax Wakhtigan Ku Soo Beegay Tabashada Awdal Iyo Qodobada Bud-dhigga U Ah Tabashadooda

    Hargeysa(xogreebnews.com-Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar, oo ka mid ah Salaaddiinta Gobolka Awdal ee Madaxweyne Siilaanyo u gudbiyey tabashada ay qabaan dadka Gobolada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar, oo ka mid ah Salaaddiinta Gobolka Awdal ee Madaxweyne Siilaanyo u gudbiyey tabashada ay qabaan dadka Gobolada
Hargeysa(xogreebnews.com-Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar, oo ka mid ah Salaaddiinta Gobolka Awdal ee Madaxweyne Siilaanyo u gudbiyey tabashada ay qabaan dadka Gobolada galbeed ayaa sheegay inaanay wali la kulmin Guddidii Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay baadhista Tabashada Awdal. Waxa uu sheegay inaanay iyaga waxba uga dan ahayn Guddidaasi balse Madaxweyne Siilaanyo ay ka sugayaan war rasmi ah oo ku saabsan Cabashada ay hor dhigeen. waxa uu sidan ku sheegay Suldaanku waraysi uu siiyay Radio Hirad oo Fadhigeedu yahay Hargeysa.
Suldaanka Oo la waydiiyay sida ay u arkaan Guddida darsaysa tabashadooda waxa uu yidhi “ Tabashadayadii waxaanu u gudbinay Madaxweynaha, Madaxweynuhuna wuu garawsaday, waxaanu u saaray guddi,anaguna waxaanu nidhi Madaxweynaha iyo madaxweyne xigeenka ayaanu la gar naqsanay oo aanu ka sugaynaa Jawaab ama iyagu guddi ha samaystaan ama cid ha u dirtaane anagu Madaxweynaha uun baanu kala xisaabtamaynaa wixii aanu hor dhignay”
Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar Oo la waydiiyey in guddidaasi ay kulmeen waxa uu yidhi “may may, anagu guddidii ismaanu arag ba, anaga wuxuun baa naloo soo gudbiyey guddi baa la magacaabay laakiin, anagu guddi wax umaanu dhiibane anagu Madaxweynaha iyo Madaxweyne xigeenka ayaanu u dhiibnay, iyaga markaa ama guddidu ha u soo baadhaan ama wax u sameeyaan ee anagu iyagaanu war ka sugaynaa”
Suldaanka oo la waydiiyey waxa wakhtigan ku soo beegay tabashadooda ayaa sheegay inay jiraan ballamo laba sano soo taxnaa oo madaxweyne Siilaanyo ay la lahaayeen kuwaasi oo suuro gali waayay, balse ay dhawaan oo uu Boorama kaga qayb galay Qalin jabin ay hor dhigeen waxa uga meel yaal ballamahaasi, kadibna madaxweynuhu Hargeysa kula ballamay.
“ Waxa weeye Muddo ba way jirtay, waxaa jiray Ballamo Madaxweynaha aanu la lahayn oo kolba dib nooga dhacayay uun baa wakhtigan soo gaadhsiisay ee maaha xilli lagu beegay ee waxaa qabsoomi waayay dhawr jeer oo Madaxweynuhu nala ballamay muddo laba sano ah, dhawr jeer oo Madaxweynuhu qalin jabin u yimid Boorama oo uu balan noo qabtay Ballankii Ma suuro galin” ayuu yidhi Suldaanku
Suldaanka oo la waydiiyey qodobada Bud-dhigga u ah Tabashadoodu waxa uu ku jawaabay“ Waa Saami Qaybsi guud ahaan, Saami qaybsigii Somaliland ayaan Caddaalad ahayn oo aan sidiisii u dhicin, waxaana jira Sad-bursi fara badan. Gaar ahaan marka la eego dhinaca wasiirada oo Wasiiradii ugu tayada lahaa Meel kaliya ay ku Urursan yihiin oo Beel kaliyi wada hayso, taasina Dawlad-nimo maaha, Janannadii Ciidamada oo Beel Kaliya wada ah baa laba ka ah, waxa kale oo ka mid ah Dhaqaalihii dalka ama Maaliyaddii oo dhinac kaliya ka wada raran”.
Guddida Madaxweynuhu u saaray Tabashada Reer Awdal ayaan wali wax war ah ka soo saaran hawlaha ay qabteen. Waxa uu madaxweynuhu ku sifeeyay cabashada awdal mid culus.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured