Ingiriisku Meesha Uu Awr Marinaayo Irbad buu Ku Dayaa Siilaanyo-na Deegaamaynta Berbera Waxay La Gashay Masaajidkii Dekeda.
Maah maah soomaaliyeed baa jirta oo tidhaahda Maalintii Hareerahaagaa La eegaa Haabeenkiina Waa La Gaagaabsadaa. maah maah kalena waxay
Ingiriisku Meesha Uu Awr Marinaayo Irbad buu Ku
Dayaa Siilaanyo-na Deegaamaynta Berbera Waxay La Gashay Masaajidkii Dekeda. Qormadii 8 aad: Maah maah soomaaliyeed baa jirta oo tidhaahda
Maalintii Hareerahaagaa La eegaa Haabeenkiina Waa La Gaagaabsadaa. maah maah
kalena waxay tidhaahdaa Maalintii Waa Odey Odey Habeenkiina Waa Habar Habar. hadaba saaxiibayaal waxaa is weydiin mudan marka
maalintii inta cadceedu soo jeedo oo dhan aynu ka wada hadalno qaranimada
somaliland,wada hadaladii aynu la galnay sonaliya iyo dabaal dega xuska sanad
guurada 22 aad ee ka soo wareegtay markii ay somaliland la soo noqotay
madaxbanaanideeda, arimahaasi aan soo sheegay wax ka bedelan baa yimaada marka
ay cadceedu dhacdo oo waxaa la odhanayaa habeenkii waa habar habare inteena ba
heblooyo xagan inoo soo saara. hadaba siilaanyo hadii anyu maalintii aragno
isaga oo madaxweyanaha somaliland ah marka ay cadceedu dhacdo wuxuu noqdaa oday
habar jeclo ah, lamana odhan karo wuxuu u cadaalad sameeyaa habar jeclo
gudaheeda waayo qabyaaladu maaha wax meel fadhiista oo waxay laba magac u kala
bixisaa laba nin oo walaalo ah oo aabo wada dhalay oo kala hooyo ah oo la
yidhaahdaa ba heblaayo iyo ba heblaayo. hadaba go'aamada dalka lagu maamulaana waxay soo
baxaan habeenkii markaa go'aan aan ku salaysan rabitaan beeleed iyo deegaamayn
masaajido wadata, sideebay ugu dhaqmi karaan umada somaliland inteeda kale. hadaba
akhristow waxaad is weydiisaa halbeega uu madaxweyne siilaano hayso ee uu ku
go'aan qaato ma waxaa saldhig u ah qarannimada somaliland mise waxaa saldhig u
ah rabitaanak beeshiisa iyo danihiisa khaaska ah, markaa ka dibna waxaan
xasuustay qisadan soo socota. sanadihii lixdamaadkii iyo horaantii
todobaatanaadkii ganacsiga badeecadaha kala duwan ee Hargeysa ama somalilandba
yimaada waxay ka iman jireen magaalada Cadan ee yementii koonfureed waxaana
xiligaasi jiray hooyooyin ama dumar ganacsato ah oo loo yaqaanay shaar shaari
oo badeecado kala duwan ka soo raran jiray dekeda magaalada Cadan kana soo
dejin jiray dekeda berbera. hadaba hooyo ka mid ahayd dumarkii shaar shaarida
ahayd ee Cadan ka keeni jirat Alaabta oo
reer Hargeysa ahayd ayaa marka ay badeecad keento ee badeecada ama alaabtaa
qayb ka mid ah iibiso ee ay safarka danbe u baxayso wixii hadhay waxay kaga
tegi jirtay odeygeeda, Alaabtana waxay u goyn jirtay sixir ama qiime go'an oo
uu ku iibiyo alaabat waxaanu odaygu markiiba ku xisaab tamay hadii uu alaabta
ku iibiyo qiimihii ay islaantu alaabta u goysay in isaga aany dilaal ugu dhex
jirin waxaanu odeygii u yeedhay nin ay saaxiib ahaayeen oo dilaal ahaa waxaanu
kala tashaday oo uu ku yidhi islaantii alaabtan ayay igaga tagtay qiimana way u
goysay inaan anigu wax ka dhex helana waan doonayaa ee sideebay arintaasi u
suuroobaysaa, ninkii dilaalka ahaa wuxuu odeygii ugu jawaabay qiimahan ay
islaantu ay alaabta u goysay waa qiimaha marka alaabta kaash ama naqad lagu
iibinaayo waxaynu samaynaynaa arin ay adiga iyo anigaba dani ugu jirto alaabta
hadii aynu abaah ku iibino waxaa la siisanayaa qiimo ka badan qiimahan ay
islaantu kuu sheegtay alaabta amaah ayaynu ku iibinaynaa qiimaha dheeraadka ah
ee inoo soo baxana waynu kala qaybsanaynaa odeygiina arintaasu ogolaaday waxaanu
dilaalkii ugu jawaabay afkeenu waa isu amaan. hadaba marka uu ninkii dilaalka ahaa soo galo
istoodhkii ay alaabtu taalay ee uu odeyguna joogay wuxuu dilaalku odhan jiray
xaaji intaasi oo kartoon ama bundadood ayaan qaadayaa odeyguna markiiba wuxuu
ugu jawaabi jiray IMISAA INOO SAARAN MARKAASUU DILAALKUNA ODHAN JIRAY INTAASAA
INOO SAARAN. Hadaba marka alaabtii la raro wax yar kadibna
waxaa la soo qaadi jiray oo qaydhinkana lagu qaybsan jiray lacagtii dul socodka
ahayd ee ay ku heshiiyeen dilaalka iyo odeygu, ileyn waatii hore loo yidhi laba
qaydhin ku qaybsatay biseyl isuma cawridee, lacagtii islaantana cidiba ismay
weydiin jirin. hadaba islaantii waxay Cadan ka soo noqotay
istoodhkii alaabtu taalay oo madhan ama faaruq ah iyo iyada oo wax lacag ah
aanu odeygu u hayn oo wixiiba ay amaah ku maqan yihiin. hadaba halkii islaantii markaa taagnayd waxaa
maanta taagan dadweynaha reer somaliland oo istoodhadii madaxtooyada iyo
wasaaradaha dawlada sadex sanno ka dib ay islahaayeen waxaa ka buuxsamaya
sinaan iyo cadaalad balse ay arkeen in waxa istoodhada ka buuxaaba ay tahay
qabyaalad aan loo cumaamadin, halkii markaa uu taagnaa odeygii hantidiisa kula
shuraakoobay ninka dilaalka ahi waxaa maanat taagan madaxweyne siilaanyo oo
wuxuu masuuliyadii umadu ay u dooratay isaga kula shuraakoobay Dumar iyo
Caruur aan la Dooran. Halkii markaa uu taagnaa ninkii dilaalka ahaana
waxaa maanat taagan ninkan uu Siilaanyo Sodoga u yahay ee la yidhaahdo Moorgan, oo safar kasta oo uu siilaanyo dalalka dibada ku tegayo u raaca iyada oo
xil muuqda oo uu xukuumada ka ahyaana aysan jirin. hadaba hadii aynu is bar bar dhigno Moorgankii
Siyaad Barre iyo Moorgankan Siilaanyo aadbay u kala duwan yihiin oo moorgankii
siyaad barre xil muuqda ayuu ka hayey dawladii markaa jirtay weligiina kaam mid
noqon wafti dal dibadeed u baxaya oo uu siyaad barre hogaaminayo xataa markii
uu Moorgan ahaa wasiirkii Hawlaha Guud iyo Guriyeynta ee Dawladii Somaliya ,
Moorgankan siilaanya-na isaga oo aan xil muuqdaba ka hayn xukuumada ayuu hadana
noqday xabadii turubka ahayd ee la odhan jiray meel walba gale. talow siilaanyo iyo moorgankiisu hadii ay wax
kale xeerin waayeen miyey garan waayeen in is raacida iyo jid wada marka dadka
xididka ah ama xilka isu leh laga wanaagsan yahay sidii ninkii isaga oo ay
sodohdii wada socdaan dhabarka la isugu xidhay labadoodii ee yidhi waar dadku
siduu isu qabanaayo isugu xidha. Markaa madaxweyne siilaanyo iyo beeshiisu waxay
dadaal ugu jiraan sidii ay hantida umada u boobi lahaayeen isla markaana ay
deegaamaynta xaaraanta ah ugu fidin lahaayeen magaalada berbera oo ay hadaba si
weyn ay uga dhex muuqdan iyaga oo isu dayaya inay hantida qaranka ka dhistaan
guryo badan oo loogu talo galay shaqaalaha badan ee laga shaqaalaysiiyey dekedu
inay galaan. Hadaba isku soo wada duuduuboo
Ingiriisku Meesha Uu Awr Marinaayao Irbadbuu Ku Dayaa Siilaanyo-na Deegeemaynta
Berbera Waxay La Gashay Masaajidkii Dekeda: Hadaba saaxiibayaal waxaan idinku
dhaafayaa mid ka mid ah heesihii ku jiray riwaayadii shabeel naagood ee uu
curiyey Abwaankii Xasan Sheekh Muumin codkoodana ay ku wada qaadaan Abdi
Muxumed Aamiin iyo Hibo Maxamed( Hibo Nuura) oo khusaynaysa mwduucan aynu ka
hadlayno iyo tayo la aanta xukuumada siilaanyo. DAB DHAXMOODAY!!! Doc kastoo la eego Nolosha dunidu waa dabkee Haddu dabkii dhaxmoodo Maxaa lagu diiriyaa? Waa tilmaan la daahoo Degdeg kuma haboonee! Adoo deggan u fiirsoo Ujeedada ideeqsii. Ruux haddii la doortoo Darajada la saariyo Xilkii daryeeli waayo Dab dhaxmooday weeyee Waa su aal da weynoo Madaxa daalinaysee! Wixii lagu diirinaayo Dad weynahaa la weydiin DUR DUR OOMAY !!! Durdurkaa laga cabbaa Biyihiis lagu dabaashaa Hadduu harraad dareemo Darkee laga waraabshaa? Waa tilmaan la daahoo Deg deg kuma haboonee Adoo degan ufiirsoo Ujeedada ideeqsii! Ruuxa duunyo haystee Dahabkana barkanayee Wixiisii deeqi waayaa Durdur oomay weeyee Waa su aal da weynoo Madaxa daalinaysee! Darkii laga waraabin Dadweynahaa la weydiin. DAWO BUKOOTAY !!! Qofkii cudur dilaayo Dawadaa bogsiisee Haday dawo bukooto Maxaa lagu dabiibaa? Waa tilmaan la daahoo Degdeg kuma haboonee Adoo degan ufiirsoo Ujeedada ideeqsii. Dalaalimada diintiyo Distoorka iyo xeerka Haddii dabool lasaaro Dawo bukootay weeyee Waa su aal da weynoo Madaxa daalinaysee Wixii lagu dabiibi Dadweynahaa la weydiin DUFAN BASAASAY !!! Subaga dufankiisa Dadku ku dhaashadaane Hadduu dufan basaaso Maxaa duxdii ka qaaday Waa tilmaan la daahoo Deg deg kuma haboonee Adoo deggan ufiirsoo ujeeddada i deeqsii Isku soo wada duuboo La Soco Taxanaha qormooyinka danbe. Qalinka:C/risaaq Suudi Nuur Tel:4425243 Email:suudi88@gmail.com Hargeysa/Somaliland Leave a comment |
|
Ingiriisku Meesha Uu Awr Marinaayo Irbad buu Ku Dayaa Siilaanyo-na Deegaamaynta Berbera Waxay La Gashay Masaajidkii Dekeda.
Maah maah soomaaliyeed baa jirta oo tidhaahda Maalintii Hareerahaagaa La eegaa Haabeenkiina Waa La Gaagaabsadaa. maah maah kalena waxay