MAAYARKA CAASIMADDU WUXUU XAQDHAWRAY GANACSATADII WADHATADA AHAYD

0
Thursday September 11, 2014 - 20:41:02 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1054
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAAYARKA CAASIMADDU WUXUU XAQDHAWRAY GANACSATADII WADHATADA AHAYD

    Tan iyo maalintii uu xilka qabtay Maayar Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Sotelco) waxa dawladda hoose ku yimid isbadal balaadhan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tan iyo maalintii uu xilka qabtay Maayar Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Sotelco) waxa dawladda hoose ku yimid isbadal balaadhan Tan iyo maalintii uu xilka qabtay Maayar Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Sotelco) waxa dawladda hoose ku yimid isbadal balaadhan oo lataaban karo oo dhinacyo badan leh, haddaba qormadii hore waxaynu ku eegnay jidadka la dhisay, biriijyada iyo qalabka tirade ban ee muddadaas sanadka ah ee dawladda hoose soo iibsatay, sida dabdamisyada, cagafyada, iskaragooyinka iyo ambalaasyada oo dhamaantood waxtar wayn u leh caasimadda.
Haddaba, qormadan manta waxaynu ku eegaynaa waxa iska badalay haw-gallada lagu bannaynayo jidadka badhtamaha caasimadda Hargeisa, intii ka horreysay maamulkan hadda jooga waxa subax walba arkaysay gaadhiga dhaynaha ah dawladda hoose iyo Askarta oo guraya ama dhex qaadaya ganacsatada danyarta ah iyaga oo inta ay ka rrogaan waxa guudka u saran haddana qaadanaya gaadhi gacanta ama kaaryoonaha, wakhtiyada qaarna hawl gallo culus ayaa dawladda hoose samayn jirtey, iyada oo u adeegsanaysa Cagafyada, waxaanay ku baabiin jireen meherado ay ku shaqaysanayaan dad muwaadinin danyar ah, iyada oo aanay jirein qorshe iyo nidaam lagu dajinayo dadkaasi iyo meelo lagu talo galay toona. Waxa kaliya ee hawl galkaasi keeni jirey burbur ku dhaca dadkaasi danyarta ah waxaabay ahady uun (Maanta dumi berina waan dhisane)

Subax hore ayaa waxaan dawladda hoose kula kulmay ugu yaraan konton kaaryoone oo ranji lagu marinayo xayn daabka dawladda hoose, balqabsa oo waa wixii laga soo ururiyey wadhatada suuqa, markaan su’aalayna waxay iigu jawaabeen waa lala wareegay dawladda hoose ayaa isticmaalaysa, markaasi waxaan u fahmay si dadkii lahaa aanay ugaranin calaamadda Kaaryoonahooda in ranjiga loo marinayo
Waxba yaanu qalinku ilasii fogaanine, markaan usoo noqodo dulucda maqaalkan waxaad arkaysaa in maayarka caasimadda Cabdiraxmaan Soltelko uga dabacsanyahay dadka danyarta ah ee suuqa ku shaqaysta ee nolol maalmeedkooda raadinaya, waana wax mudan in lagu bogaadiyo isaga iyo golaha deegaanka
Runtii way jiraysaa in dadka qaar ay imikaba dhib soo gaadho laakiin wax badan ayaa iska badalay sidii hore ee loola dhaqmi jirey.
Dalkeena waynu ognahay duruufta dhaqaale ee ka jirtaa siday tahay, in dadakaasi lagu xaq dhawro meeshooda ayaa ah masuuliyad wayn oo ay garteen golaha deegaanku.
Waxa jiraysa meelo ama dhul aan looga maarmayn in labaneeyo oo kutalagalka iyo nidaamka dawladda hoose uu taabanayo, tusaale ahaan dhawaan waxa labaneeyey barxadda hore ee wasaaradda caafimaadka oo dad badani si khaldan u fahmeen waxaana goobtii laga dhisay dayr wayn oo ay leedahay wasaaradda caafimaadku si ay ula mid noqdaan qurxinta dhismayaasha wasaaradaha ee imika socda.
Haddaba waxaan odhan karnaa Cabdiraxmaan Soltelko wuxu ku shaqeeyey balanqaadyadaii uu ku galay ololaha doorashada
Waxaan ka xasuustaa ereyadii uu u jeedin jirey taageerayaashiisa {walaalayaal maalin kaliya waqtigiina isiiya ana kun maalmood ayaan idiin shaqaynayaa), waxa kale oo aan xasuustaa heestii uu olalaha doorashada ku galay, waxaana midhaheedii kamid ahaa
Danyartaa cadceediyo
Cawadaranta yuurara
Laga guro cashuurtee
Caku meheraddoodii
Jiidhsiiya cagaftoo
Cagta mariya mooyee
Cidi aanay wax u qaban
Ka caddilan waxqabadkee
Urursada cashuurtoo
Cuna lacagta moyee
Cidna aanay wax u qaban
Marka ay sidaasi tahay waxa xaqiiqo ah wixii uu doorashadda uu ku galay iyo sida uu u shaqaynayaa ay is waafaqsanyihiin.
QORAA: Maxamed Axmed Wadaadyare
Zakimaxamed1999@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured