QISO CAJIIB AH: Danjire Ali Ameerica oo 21 sano kadib helay ninkii DILAY gabadhiisa, Muxuuse sameeyey?

0
Thursday September 11, 2014 - 19:36:34 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 957
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QISO CAJIIB AH: Danjire Ali Ameerica oo 21 sano kadib helay ninkii DILAY gabadhiisa, Muxuuse sameeyey?

    Kenya(xogreebnews.com-Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa ka sheekeeyey dhacdo xanuun leh oo qabsatay, taasi oo ah dilka gabadhiisii yareyd.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kenya(xogreebnews.com-Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa ka sheekeeyey dhacdo xanuun leh oo qabsatay, taasi oo ah dilka gabadhiisii yareyd.
Kenya(xogreebnews.com-Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa ka sheekeeyey dhacdo xanuun leh oo qabsatay, taasi oo ah dilka gabadhiisii yareyd.

Mr. Ameeriko, ayaa bartiisa facebook, waxa uu soo dhigay inuu dhowr iyo labaatan sano kaddib Muqdisho ku arkay ninkii dilay gabadhiisa, oo isaga uusan aqoon, balse ugu yimid xeebta Liido ee Muqdisho.


Ali AmeericoAmeeriko, waxa uu yiri:- “Galabta anigoo shaah ka cabaya Maqayad ku taal Lido, ayaa waxaa ii yimid nin, wuxuu igu yiri “waan ku raadinayay maalmahaan, waxan rabaa inan wax ku sheego kaddibna wax kaa codsado.”, haye ayaan ku dhahay. Wuxuu yiri” waxaan ka imid oo layga soo tarxiilay Sacudiga oo aan ku xerna 21 sano, 1992dii aniga iyo wilal ayaa guriga Aabaha soo weerarnay, lacag iyo alaab badan baan ka dhacnay, lacagtaas ayaan qaybsanay oo aan Sacudiga ku aaday, Laba ka mid ah wilashi waa la dilay. Waxan maqlay in Gabadh aad dhashay oo jirtay Hal sano ka yar ku dhimatay markan guriga soo weerarnay, Allaha u naxaristo, walaalow waxaan kaa codsanayaa inaad i CAFISO.” Aad baan u carooday, gabadhaydi yarayd ayan soo xasustay, haddana waan is dejiyay, haduuba gartay inuu i horyimado oo cafis i waydisto, waxan ku dhahay “WAAN KU CAFIYAY.” Ayuu qoraalkiisa kusoo xiray Danjire, Ali Ameeriko.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured