Labada Xisbi Mucaarad Waddani iyo Ucid oo si rasmiya u qaadacay Diiwangelinta Madaniga ah iyo Sababahay u sibirsaariyeen

0
Thursday September 11, 2014 - 19:31:48 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 882
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Labada Xisbi Mucaarad Waddani iyo Ucid oo si rasmiya u qaadacay Diiwangelinta Madaniga ah iyo Sababahay u sibirsaariyeen

    Hargeisa-(xogreebnews.com_Shir jaraa’id oo ay goor dhaweyd wadajir ugu qabteen labada xisbi mucaarad ee Waddani iyo Ucid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa-(xogreebnews.com_Shir jaraa’id oo ay goor dhaweyd wadajir ugu qabteen labada xisbi mucaarad ee Waddani iyo Ucid
Hargeisa-(xogreebnews.com_Shir jaraa’id oo ay goor dhaweyd wadajir ugu qabteen labada xisbi mucaarad ee Waddani iyo Ucid Xarunta Xisbiga Waddani ee Hargeysa ayey ku sheegeen inay gebi ahaanba qaadaceen Diiwangelinta Madaniga oo xukumada Siilanyo hore u baahisey inay bishan gudaheeda bilaabi doonto.

Labada xisbi mucaarad ayaa ku dooday ama ku sababeeyay qaadicidooda ka dib markii xukumada Kulmiye ka baxday ama darjiidhay heshiisyo ay hore u wada saxeexdeen oo ku saabsanaa hanaanka diiwangelinta Madaniga loo hirgelinaayo, taas oo sadexda xisbi Qaran iyo xukumadu meel ku tiiriyeen balse dhanka xukumada Siilanyo wax ka soo noqdeen oo Heshiiskii ka baxday.


Taa ka sakow waxay labada xisbi mucaarad ee Waddani iyo ucid si wadajira ugu eedeeyeen xukumada Siilanyo inay raadinayso marmarsiiyo ay doorashada Madaxtooyada oo wax sanad ka yar ka hadhsan tahay dib ugu riixdo iyadoo u soo dhexmaraysa Diiwangelinta madaniga ah, taas darted ayey sheegeen inay u qaadaceen diiwangelinta Madaniga,Sidoo kale waxay labada xisbi mucaarad ka cdosadeen Bulshoweynta reer Somaliland iyo taageerayaashoodaba inay qaadacaan diiwangelinta la fool eryaayo.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured