Wasiir XIrsi Oo Dafiray Hadalkii Madaxweyne Siilaanyo ““Anigu Raysal Wasaare Ma Ihi”

0
Thursday September 11, 2014 - 19:18:16 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 935
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir XIrsi Oo Dafiray Hadalkii Madaxweyne Siilaanyo ““Anigu Raysal Wasaare Ma Ihi”

    Hargeysa(xogreebnews.com-Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ka hadlay warar been abuur ahaa oo lagu sheegay in Madaxwaynuhu uu u Magacaabay Raysal-wasaare.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ka hadlay warar been abuur ahaa oo lagu sheegay in Madaxwaynuhu uu u Magacaabay Raysal-wasaare.
Hargeysa(xogreebnews.com-Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ka hadlay warar been abuur ahaa oo lagu sheegay in Madaxwaynuhu uu u Magacaabay Raysal-wasaare.
Qoraal kooban oo uu maanta ku baahiyey Facebook, ayuu ku yidhi “Anigu Raysal-Wasaare Ma Ihi, Madaxweynuhuna Iima Magacaabin Sharcigana Kuma Jirto, Hadii Qoladii mucaaradka ahayd jahadii ka luntay oo ay waayeen wax ay dadka u sheegaan waxaan leeyahay siyaasad noqonmayso hebal baa caynkaa yidhi iyo hadalka madaxweynaha turjumada khaldan aad ka samaysaan.
Waxay ahayd madashii loo dhamaa ee lagu marti qaaday Maamulada gobolada iyo degmooyinka dalka waxaanu ahayn 4 xubnood oo wasiiro ah, waxaana dhinaca Madaxweynaha noogu xigay Cali Warancade hadalkana isagaa noogu horeeyey, markii uu madaxweynuhu qaatay hadalka wuxuu ku hadal qabsaday Warancade oo yidhi “Sidaa Wasiirku yidhi, kadibna raaciyey wasaradu isagoo uuga gol le in laba wasiir goobta ka hadleen. Balse ninka shaydaan qaato beentana sheegayaa xaqiiqada uma baahdo ee wuxuu yidhaahdaa wixii uu doono, ” فأن لم تستحي فأصنع ماشئت “.
Waxaa muuqata in hadalkii inta laga dhex-saaray intii isku xidhaysay in laga dhigay Been cad oo odhanaysa “Wasiirka Wasiirada” Bal waxaad eegtaa waxaa meesha Fadhiyey Afar Wasiir ee maxaa Xirsi Gaar u tilmaamay? Dee kuwa siyaasada ku saaqiday ee aan garnayn wax aan qabyaalad ahayn ayaa shaqo ka dhigtay Xirsi Madaxweynaha ayay isku reer-yihin iyo wax aan macno wayn lahayn.!!
Gabagabadii waxaan leeyahay Axsaabta Mucaaradka: Aynu ku tartano waxqabad dalkuna doorasho ayuu galayaa ee u soo diyaar garooba hana
carqaladaynina.!
Wa Bilaahi Tawfiiq.
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland
Xirsi Cali Xaaji Xasan



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured