Dowlada Somaliya Oo Ka Digay Basaborka Cusub Ee Somaliland Kuna Tilmaantay Somaliland Wadan Aan Jirin”

0
Thursday September 11, 2014 - 19:12:20 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 777
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlada Somaliya Oo Ka Digay Basaborka Cusub Ee Somaliland Kuna Tilmaantay Somaliland Wadan Aan Jirin”

    Hargeysa(xogreebnews.com-Dawladda Somaliya ayaa si weyn uga xumaatay Basaborka Elektarooniga ah ee ay dawladda Somaliland si

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-Dawladda Somaliya ayaa si weyn uga xumaatay Basaborka Elektarooniga ah ee ay dawladda Somaliland si
Hargeysa(xogreebnews.com-Dawladda Somaliya ayaa si weyn uga xumaatay Basaborka Elektarooniga ah ee ay dawladda Somaliland si rasmi ah u hirgelisay qaadashadiisa. Safaaradda Somaliya ee wadanka Maraykanka, ayaa ayaa ka digtay Basaboorka cusub ee Somaliland oo ay ku tilmaantay inuu yahay mid foorjari ah. “Wargelin: Waxa jira baasaabooro foorjari oo ay soo saareen maamulka la yidhaahdo Somaliland. Ka digtoonaada.” Ayay safaaradda Somaliya ee Maraykanku ku tidhi qoraal ay gelisay barta ay twitterka ku leeyihiin.
Waxay intaas raaciyeen “Baasaaboorku waa dhukumenti lagu socdaalo, sida caadiga ahna waxa bixisa dawlad qaran, oo cadaysa sumada iyo dhalashada. Somaliland waa wadan aan jirin.”Picture112
Safaarada Maraykanka ee Somaliya waxa safiir ka ah Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo mar raysalwasaare ka soo noqday dawladaha tamarta daran ee Somaliya soo maray.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Salaasadii xadhiga ka jaray furitaanka Basaborka cusub ee Somaliland oo ah Eelektaroonig, kaas oo ah saddex nooc oo loogu tallo galay diblomaasiyiinta, shaqaalaha dawladda iyo dadka shacabka ah. Qoraal kooban oo la geliyay barta uu Madaxweyne Siilaanyo twitterka ku leeyahay wuxuu ku sheegay in la hirgeliyay basaborka Elektarooniga ah ee Somaliland oo uu tilmaamay inuu yahay mid tayo leh. “Waxaanu bulshada caalamka ugu baaqaynaa inay aqoonsato guulaha.” Ayuu ku yidhi Madaxweyne Siilaanyo, sida qoraalka lagu sheegay.
Madaxweyne Siilaanyo hadal kale oo uu ka je ediyay furitaankii Basaborkiisa cusub ee Somaliland, wuxuu ku sheegay inuu ku faraxsanyahay in la furo Basaborka Elektarooniga ah ee Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured