"WARANCADDE SIDA UU MARXUUM AXMED CABDI GODANE KU TILMAAMAY MAAHA EE WAA GEESI U DHINTAY DIINTIISA OO IIIAAHAY AGTIISA SHARAF WEYN KU LEH.....GODOBTA UU GALAY-NA QOYS AHAAN WAANU...MUJ: BAASHE CABDI GODANE,

0
Wednesday September 10, 2014 - 19:26:01 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 724
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "WARANCADDE SIDA UU MARXUUM AXMED CABDI GODANE KU TILMAAMAY MAAHA EE WAA GEESI U DHINTAY DIINTIISA OO IIIAAHAY AGTIISA SHARAF WEYN KU LEH.....GODOBTA UU GALAY-NA QOYS AHAAN WAANU...MUJ: BAASHE CABDI GODANE,

    Hargaysa(xogreebnews.com-Mujaahid Baashe Cabdi Godane ayaa si kulul uga jawaabay kalmad uu Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde uu ku sifeeyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(xogreebnews.com-Mujaahid Baashe Cabdi Godane ayaa si kulul uga jawaabay kalmad uu Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde uu ku sifeeyey Hargaysa(xogreebnews.com-Mujaahid Baashe Cabdi Godane ayaa si kulul uga jawaabay kalmad uu Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde uu ku sifeeyey Walaalkii Illaahay ha u naxariistee Marxuum Sheekh Axmed Cabdi Godane oo Isniintii toddobaadkii hore ay Maraykanku ku dileen duqayn ay ka gaysteen deegaanka Baraawe, waxaanu Warancadde Marxuumka ku tilmaamay inuu ahaa Daalin, isla markaana ay Xaq tahay in Daalinka la dilo, hase yeeshee Mujaahid Baashe Cabdi Godane ayaa eraygaas ku tilmaamay mid gardaro ah oo aan Walaalkii qaban, waxaanu sheegay in Walaalkii uu ahaa Geesi u shihiiday Diintiisa iyo Dhaqankiisa suuban. Mujaahid Baashe Cabdi Godane waxa uu shaaciyey in Ergayga Warancade ka soo yeedhay uu yahay dambi uu ka galay Calaamul islaam oo dhan, isla markaana ay Qoys ahaan ay tahay Godob uu ka galay oo ay u hayaan,sidaasna waxa uu kusheegay mar uu manta uwaramayay shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews , waxaanu hadalkiisii ku bilaabay "Axmed Cabdi Aw Mxumed waxa uu ahaa Geesi u dhashay Ummadda Islaamka, waxa uu u dhintay Diintiisa ILLaahay agtiisana sharaf ayuu ka leeyahay, laakiin waxa hoog leh Ninka u adeegaya Gaal, ninka u adeegaya wax yeelada Diintiisa, ninka u adeega wax yeelada dadkiisa, ninka ku farxaaya dhimmashada dadkiisa. Ninkaasi ayaa hoog leh camalkiisa iyo tacabkiisuna khasaare ku sugan yihiin."Cali Maxamed Warancadde hadalka aad ku tidhi Marxuumku Daalin ayuu ahaa oo Daalinka waa Xaq in la dilla, waxa aad ogaataa inaad Caalamul Islaam aad godobtaa ka gashay oo ay kuu hayaan. Qoys ahaan hadaanu nahay waxanu u ragnaa erayga aad Walaalkay ku sifaysay inuu Godob dushaada saaran yahay oo aan kaa hadhi doonin." Ayuu yidhi Baashe Cabdi Godane oo ka hadlaayey erayo uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ku sifeeyey Marxuum Sheekh Axmed Cabdi Godane Illaahay naxariistii jano haka waraabiyee. Mujaahid Baashe Cabdi Godane waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi "Marxuum Axmed Cabdi Godane maaha sida aad adigu u sheegtay wuu ka sharaf badan yahay, waxa aad ku tilmaamantay dhaqan iyo asal midna umalaha, waase la yaqaannaa oo Ummadda islaamku way garanayaan kaalinta uu ku jirey iyo waxa uu la god-galay labadaba; Walaalkay-na Illaahay naxariistii jano haka waraabiyo" ayuu yidhi Baashe Cabdi Godane.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured