Sucuudiga Oo Ka Hadlay Warar Sheegaya In Qabrigii Nebi Muxamed CS Dib Loo Soo Faqayo

0
Wednesday September 10, 2014 - 16:16:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 866
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sucuudiga Oo Ka Hadlay Warar Sheegaya In Qabrigii Nebi Muxamed CS Dib Loo Soo Faqayo

    London(xogreebnews.com-Afhayeenka maamulka sare ee arrimaha Masaajidka Kacbada iyo Masjika Nebiga (SCW), Axmed Mansuuri ayaa si rasmi ah u caddeeyey in wararka la isla dhex marayo ee ku saabsan in qolkii Nebi Muxammed (SCW) iyo qabrigiisa laga saaro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

London(xogreebnews.com-Afhayeenka maamulka sare ee arrimaha Masaajidka Kacbada iyo Masjika Nebiga (SCW), Axmed Mansuuri ayaa si rasmi ah u caddeeyey in wararka la isla dhex marayo ee ku saabsan in qolkii Nebi Muxammed (SCW) iyo qabrigiisa laga saaro masaajidku ay London(xogreebnews.com-Afhayeenka maamulka sare ee arrimaha Masaajidka Kacbada iyo Masjika Nebiga (SCW), Axmed Mansuuri ayaa si rasmi ah u caddeeyey in wararka la isla dhex marayo ee ku saabsan in qolkii Nebi Muxammed (SCW) iyo qabrigiisa laga saaro masaajidku ay yihiin rayi uu gaar ah shakhsi cilmi-baadhe ah oo daraasad sameeyey (Sida ay wargeysyadaasi sheegeen), balse aanu ka turjumayn go’aanka iyo aragtida hay’adda ugu sarraysa ee maamusha labada masjid ee barakaysan iyo dowladda Sucuudiga midna. Afhayeenku waxa uu dolwadda boqortooyada Sucuudiga ku ammaanay in ay u adeegto labadan masjid aadna u xurmaynayso, sidaa awgeed aanay suurtogal ahayn in ay qaaddo tallaabo keliya oo ay wax kaga beddelayso wixii hore u sii jiray. Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya ayaa lagu sheegay in afhayeenka labada xaram ee barakaysani uu dadka cilmibaadhisaha samaynaya iyo warbaahintaba ku dhiirri geliyey in aanay ku kicin arrimaha khilaafka iyo fitnada iyo jaahwareerka ka dhex abuuraya umadda, isaga oo arrintaas sii wadana waxaa hadalladiisa ka mid ahaa, “Maamulka sare ee labada xaram waxa uu cilmibaadhayaasha ugu baaqayaa in ay la yimaaddaan xikmad iyo caqli, iskana jiraan ku talax-tagga arrimaha qaar iyo ka bad-badintooda, gaar ahaan marka ay yihiin arrimaha xidhiidhka la leh labada Xaram ee Sharafta leh”Sheekhii Daraasadda sameeyey oo isna beeniyey in uu sidaas yidhi:Sheekh Dr. Cali Bin Cabdalcasiis Ash-Shibil oo xubin ka ah maamulka jaamacadda Islaamiga ah ee Imaam Muxammed Bin Sacuud oo ku taalla magaalada Riyaad, ahna Sheekha la sheegay in uu isagu lahaa daraasadda soo jeedisay in Qabriga Nebi Muxammed laga raro halka uu hadda ku yaallo oo ah Masjidka Nebiga dhexdiisa, ayaa isna beeniyey wararkan been abuurka ah, waxa aanu ku yidhi, jawaabtiisa oo uu wargeyskan Geeska Afrika soo turjumay, “Waxa aan Alle ka nabad gelayaa cadhadiisa, Allahayoow adiga ayaa ceeb-ka-saliim ah, ee waxa aan qirayaa in warkaas ay iga baahiyeen warbaahitna qaar, iyo wargeyska Independent uu been yahay… Ma jiro daraasad aan anigu leeyahay, oo ku talinaysa in qolkii uu deggenaa Nebi Muxamed laga saaro Masjidka, ama in la burburiyo ama in maydkii Nebiga dib loo soo qodo oo lagu aaso xabaalaha Baqiic… waa hadal been ah, oo baadil ah, ma’aan odhan, mana dhici karto in aan idhaahdaa, aniga cid aan ahaynna ma odhan karto.. waa war been abuur ah, waxa aanan odhanayaa oo keliya, Allahayoow adiga ayaa ceeb-laawe ah ee warkaasi waa been weyn”Intaas kadib waxa uu Sheekh Shibil soo daliishaday in markii uu Nebi Muxammed (SCW) geeriyooday ay asxaabtu isku khilaaftay halkii lagu aasi lahaa, oo qaar ay soo jeediyeen in lagu daro xabaalaha muslimiinta, kuwo kalana ay soo jeediyeen in kelidii meel lagu aaso, kadib uu yimi asxaabigii weynaa ee Abu Bakar (Alle ha ka raalli ahaado) oo uu qolyihii murmayey u sheegay xadiis uu ka maqlay nebiga, isaga oo yidhi, “Waxa aan maqlay Nebigii oo leh, Nebiga waxaa lagu aasaa halka uu ku dhinto uun” Markii asxaabtii murmaysay xadiiskaas maqleenna inta ay dooddii kale joojiyeen ayaa ay kor ugu qaadeen furaashkii uu maydka Nebigu sarnaa, oo yaallay halkii uu ku dhintay oo ah qolkii Caa’isha (Rabbi Ha ka Raalli ahaado) kadibna hoostiisa ayaa ay qodeen oo ku aaseen, sidii ayaanu qolkiisii qabri ugu noqday illaa maantana ugu dhex yaallaa masjidka Nebiga ee Madiina. Sheekh Shibil oo arrintan ka sii hadlaya ayaa yidhi, “Ma bannaana in arrintaas wax laga beddelaa, waa shaareecadeennii, waa sunnihii Nebigeenna, warka aniga la iga sheegayaana waa been, iyo tashuush umadda muslimka lagu dhex ridayo… waxaa faafinaya cid doonaysa in dadka muslimiinta ah ay murankan ku mashquuliyaan si ay u fushadaan qorshayaal ay leeyihiin”Gunaanad:Afhayeenka maamulka sare ee Labada Xaram ee barakaysan oo ka hadlayey arrinta warkan beenta ah runta u ekeysiisay oo ah ballaadhin bilihii u dambeeyey lagu waday masjidka Nebiga (SCW) ayaa sheegay in hore ay culimada ugu sarraysa diinta ee Sucuudiga iyo dowladdu uga tashadeen qaabka loo ballaadhinayo Masjidka, waxa aanay dowladdu qaadatay taladii culimada oo ahayd in masjidka aan loo kordhin dhinaca qiblada si aanu qabriga Nebigu (SCW) gudaha hore u soo gelin, balse si uu halkiisa u sii ahaado laga ballaadhiyo dhinacyada oo inta qabriga ka sokeysa ah, haddii xagga hore la doonayo in loo kordhiyana laga kordhiyo dhinaca woqooyi oo keliya, si qabrigu halkiisa ugu sii negaado, misaajidkuna u gaadho ballaca la doonayo oo ah in uu halkii mar ay ku tukan karaan 1.6 Milyan oo qofk.Warkan beenta ah oo run ula ekaaday dad badan ayaa khilaaf iyo cadho badan ka dhex abuuray dunida muslimka oo dhan, laakiin hadalka maamulka Labada Xaram, beeninta xukuumadda Sucuudiga iyo Sheekhii la sheegay in uu fikirkan keenay oo si cad isaga beri yeelay ayaa soo af meeraysa murankan oo dad badani ay ka shaki qabaan in warbaahinta Ingiriiska ee faafisay ay ujeedooyin aan fiicnayn ka lahayd, tuhunkaas oo sii xoogeysanaya marka la is weydiiyo sababta ay wargeysyada Ingiriiska ee The Independent, Daily Mail iyo The Guardian imika u soo turjumeen daraasadda Sheekha oo soo baxday saddex bilood ka hor, iyo sababta keentay in ay isku maalin bogaggooda hore saddexduba soo dhigaan warkan iyaga oo u sameeyey cinwaanno isku macno dhow oo ka turjumaya in maydka nebiga (SCW) si qarsoodi ah Sucuudigu inta uu soo faqo uu meel aan la garanayn ku aasayo, taasina ay khilaaf ka dhex abuuri doonto muslimiinta


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured