Akhri Hadaladdii Uu Wasiir Waran-cadde Ku Weeraray Wariye Madax-banaan Oo Su'aal Isaga Khusaysa Waydiiyey + Waxa Af-kiisa Ka Soo Burqaday Hadalo Meel Ka Dhac Ku Ah Shareftiisa iyo Masuuliyadda Uu Qaranka U Hayo.

0
Tuesday September 09, 2014 - 18:15:53 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 765
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhri Hadaladdii Uu Wasiir Waran-cadde Ku Weeraray Wariye Madax-banaan Oo Su'aal Isaga Khusaysa Waydiiyey + Waxa Af-kiisa Ka Soo Burqaday Hadalo Meel Ka Dhac Ku Ah Shareftiisa iyo Masuuliyadda Uu Qaranka U Hayo.

    Hargeysa [xogreebnews.com-Waxa ay ahayd goobtu xaruunta Golaha Wakiiladda maanta oo isniin ahayd taariikhdu-na ahayd 08/09/2014. Wakhtigaas oo uu Wasiir Cali Waran-cadde ka soo baxay fadhiga Golaha Wakiiladda oo uu war-bixin ka siisiyey hawsha Dii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa [xogreebnews.com-Waxa ay ahayd goobtu xaruunta Golaha Wakiiladda maanta oo isniin ahayd taariikhdu-na ahayd 08/09/2014. Wakhtigaas oo uu Wasiir Cali Waran-cadde ka soo baxay fadhiga Golaha Wakiiladda oo uu war-bixin ka siisiyey hawsha Diiwaan-gelinta Madaniga ama
Hargeysa [xogreebnews.com-Waxa ay ahayd goobtu xaruunta Golaha Wakiiladda maanta
oo isniin ahayd taariikhdu-na ahayd 08/09/2014. Wakhtigaas oo uu
Wasiir Cali Waran-cadde ka soo baxay fadhiga Golaha Wakiiladda
oo uu war-bixin ka siisiyey hawsha Diiwaan-gelinta Madaniga ama
Kaadhadhka Dhalashadda ee ay wasaaraddiisu doonayso inay dhowaan dalka
ka bilowdo.


Goobta waxa taagnaa inta badan war-baahinta madaxa-banaan ee dalka iyo
Xildhibaano doora oo ka mida mudanayaasha Golaha Wakiiladda, goobtaas
ay wasiirka war-baahintu ka dal-batay inuu uga jawaabo waxa uu ka
og-yahay dhacdo naxdin leh oo af-duuba oo shalay u geysteen wariye
Cabdishakuur Heersare lix nin oo qoyskiisa, isla markaana ay
war-baahinta madaxa-banaan ee dalkuna saaka qortay. Su'aasha ay
warbaahintu waydiisay Wasiirka ayaa u dhignayd sidan:- Wasiir waxaanu
doonaynaa inaad nooga jawaabto, waxaad ka og-tahay raga shalay
af-duubay wariye Heersare oo qoyskaaga ah, isla markaana adeegsanayey
gaadhigaaga dawladda?. Su'aashaa warbaahintu u soo bandhigtay Wasiirka
oo ay wariyeyaashii goobta dhoobnaa sugayeen inuu wax uun kagaga
jawaabo. Ayuu nasiib darro Wasiir Waran-cadde kaga jawaabay dagaal
gacan ka hadal ah oo uu kula kacay Wariye Khadar Cali Xuseen [Shiine]
oo ka tirsan bahda warbaahinta QUMANNEWS.COM, isagoo wasiirku inta uu
Feedh xoog badan duubtay ayuu wariye Shiine oo aan iskaba arkayn
gacanta midig kaga jiiday ama kaga dhuftay. Arintaasoo u qaadan waa
iyo af-kala qaad ku noqotay dhammaan dadkii meesha joogay, isagoo
waliba wasiirku iska laalaadiyey wariyaha kaladhka shaadhkiisa.
Dabaddeedna yidhi "Waaryaa meeyeen askartii, wuu xidhan yahay ninkani
oo anigaa xidhaye kaxeeya, Baastarka".

Wariye Khadar Shiine oo ay askartiisii dibedda u jiiday ayey
Xildhibaanadii meesha joogay u sheegeen in aanu wariyuhu wax dambiya
galin, isla markaana uu wasiirku ku khaldan yahay arintan siina
daayaan, Sidaasna lagu sii daayey Mr Shiine. Waxa kale oo ka mid ahaa hadaladii ka soo bur-qanayey Af-ka Wasiirka
"adeer ma tihid muwaadin reer Somaliland-na waan ku soo ogaaday, way
inoo tahay labadeena. Adeer walaahi waxaad doonaysaa inaan
Libaax-yadayda kuu dhigo ha ku cunaane. Anigoo dalkaba haysta ayaad
doonaysaa inaad wax i waydiiso inankaaga yari".


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured