"Wariyayaasha Iyo Saxafada Ka Hawl Gasha Magaalada Burco Ee Xarunta Gobolka Togdheer Oo Carqalad Xoogani Soo Wajahday Una Soo Gudbin Kariwayay Umada Wararka Ka Sugaysa Xaalada Dhabta Ah Ee Ka Jirta Gobolka Togdheer Iyo Gudaha Burco ,Waamaxay Sababtu"??

0
Tuesday September 09, 2014 - 18:11:09 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 798
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Wariyayaasha Iyo Saxafada Ka Hawl Gasha Magaalada Burco Ee Xarunta Gobolka Togdheer Oo Carqalad Xoogani Soo Wajahday Una Soo Gudbin Kariwayay Umada Wararka Ka Sugaysa Xaalada Dhabta Ah Ee Ka Jirta Gobolka Togdheer Iyo Gudaha Burco ,Waamaxay Sababtu"??

    Burco( xogreebnews.com-Waxaa soo ifbaxaaya xaaalada warbaahinta gobolka togdheer oo misaan culus oo kaga imanaaya masuuliyiinta degmada burco dareemaysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco( xogreebnews.com-Waxaa soo ifbaxaaya xaaalada warbaahinta gobolka togdheer oo misaan culus oo kaga imanaaya masuuliyiinta degmada burco dareemaysa.
Burco( xogreebnews.com-Waxaa soo ifbaxaaya xaaalada warbaahinta gobolka togdheer oo misaan culus oo kaga imanaaya masuuliyiinta degmada burco dareemaysa.
Warbaahinta iyo wariyayaasha ka hawlgala gaar ahaan kuwa online ka ah ee loo yaqaano mareegaha ama websiteyada internetka ayaa waxaa soo food saaray arimo badan oo culays ku haya kuwaas oo ay kaga imanaaya masuuliyiinta gobolka togdheer oo aan ogolayn in wax laga sheego lana soo gudbiya wararka runta ah ee ka jira magaalada burco iyo guud ahaanba gobolka togdheer."Wariyayaasha ka hawlgala magaalada burco ee xarunta gobolka togdheer ayaa badan koodu yihiin kuwo aqoon dheeraad ah u leh qaabka loo tabiyo wararka sugan ee aan cidna wax yeelin lakiin taabta halka wax ka khaldan yihiin taas oo sababta in masuuliyiina gobolka togdheer ay ugu hanjabaan meelaha ay kula kulmaan saxafada waanu idin xidhi doona iyo cid gaara oo wax idin yeesha ayaanu idiin soo diraynaa".
Marka wariyayaasha loo hanjabo ee uu culays xoogani kaga soo burqado maamulada kala duwan ee ka hawlgala gobolka togdheer gaar ahaan magaalada burco oo toosh ay la wareegayaan masuuliyiinta ka hawlgashaa cidii war aanay u riyaaqin ka soo tabisana ay isku dayaan inay wax yeelo u gaystaan ulana dhaqmaan siyaabo kala duwan oo xeeladaysan.
"Tan iyo intii maamulka dawlada hoose ee burco isbadalku ku yimi ayaa waxaa soo baxaaya fashilaado iyo xaalado murugsan oo magaalada burco ee xarunta gobolka togdheer la dhutinayso lakiin marka wax laga sheego ee la soo ban dhigo dhulka iyo hantida guud ee umada oo baryahaba xaraash ku socday ay masuuliyiinta golaha deegaanka uga qayliyaan sida fiinta baadi goobna u galaan cidii war ka soo sheegta".Dhawaan ayay ahayd markii wado laga hirgaliyay magaalada burco ee ay dawlada hoose ku fashilantay meeshiina daadku qaaday, waxaana warbaahinta gobolka togdheer ka hawlgashay u kuur-galka meelsha saratu ka qudhuntay waxayna soo bandhigtay dhamaan waxii khaldamay oo bulshada magaalada burco iyo guud ahaan dadka reer somalilandb indhahooda ku halacsadeen.
Sidoo kale waxaa bil ka hor jeelka loo taxaabay aslkar iyo shacab laga saaray guryihii dawlada ay ku jireen tan iyo markii dawladii siyaad bare dalka haysatay.
Guryahaas iyo meelaha muhiimka u ah bushada reeer burco ayaa badan keeda golaha deegaanka oo uu horkacaayo badhasaabka gobolka togdheer dabaka ay saareen lana xaraashay gabi ahaanba.


Hantidaas ayaa waxaa muran iyo ismaan dhaaf dhexmaray masuuliyiintta gobolka togdheer waxaana si cad oo aan gabasho lahayn badheedhna ah uga hadlay oo cadeeyay inuu dilaal ka yahay waxii hanti guuda ee burco la iibanaayo badhasaabka gobolka togdheer oo shacabka reer togdheer u calaamadsan hada.
Badhasaabka gobolka togdheer maxamed muuse diiriye ayaa ah kii ugu liita ee soomara gobolka togdheer waxaanu ku jiraa lacag iyo hanti uruursi si uu guryo iyo faraqabsi uga helo hantida guud ee uu dilaalka ka yahay hadii shaqada laga badalo waxaanu ku laaban doona isagoo tijaar ah magaalada hargeysa oo hada la sheegay inuu durbaba guryo iyo hantiyo ka samaystay hordhac ah.
Websiteka kaliya ee wararka hufan soo gudbiya ayaa ah oo maalin walba loo hanjabo masuuliyiintiisa iyo wariyayaasha ka hawlgala waxaana burco iyo gobolka togdheer hada uga hawlgal dhawr wariye lakiin isma sheegi karaan waayo waxaa eryanaaya dadka aan sare kusoo sheegnay oo maalin walba leh waxaa websitekaas naga qoraa warar iyo run aan loo baahnayn.
Mareegtan QoryaaleNews.Com ayaa waxaa ka hawlgala dhamaan deegaamda iyo gobolada somaliland wariyayaal aan gaban oo sheega hadba waxii jira kana reba bulshada warar aan jirin oo kutidhi ku teen ah, waxayna usoo gudbiyaan warar iyo barnaamijyo tayo leh oo xiiso gaara galiya bulshada inta ku xidhan ee afka somaliga ku hadasha.
Websitekan QoryaaleNews.Com waxaa uu caan ku yahay dhexdhexaad aanu shakhsina garabka saarin ee u dhexeeya bulshada reer somaliland gobolkasta waxaanu soo gudbiyaa dhaliisha iyo arinka dhabta ah ee jira.
Mareegtan caalamigaa ee (QoryaaleNews.Com Media Group) ayaa waxaa uu xafiiskeeda guud ku yaala magaalada burco waxaana ay si gabasho la'aan ah ugu soo gudbiyaan bulshada baahiyaha ka dhex jira gobolka togdheer oo aad u dayacan sidoo kale waxay ka hadlaan hadii lagu xadgudbo hantida guud ee umada yagoona aan cidna uga haybadaysnayn ee ay tahay hawl ay bulshada reer burco iyo gobolka togdheerba u hayaan laguna xasuusan doonbo tariikhda.Waxaa sidoo kale ay shabakda wararka ee caalamiga ah QoryaaleNews.Com ka qayb qaadata isku soo jiidka bulshada rere somaliland oo ay isku dayaan inay tusaan wax isku mida meeragaha kale badankooda hargeysa ka hawl gala ayaad ku arkaysa midwaliba inay amaanayso wasiirka iyo masuulka ay isxigaan wax aan amaan ahayn ka sheegin hadii uu khaladamo ama bushadu ka cabatona dhoodhoba oo aan soo bandhigin cabshada ku lidka ah ee masuulkooda.
Hadaba warbaahinta gobolka togdheeer ayaa looga baahanyahay inay urur dab iyo naar ah oo ka hadla tacadiyada iyo cabudhinta saxafada reer togdheer iyo gobolada bariga somaliland ee loo gaysto ka hadala samaystaana madaama solja tahay meel hargeysa oo kaliya laga leeyahay ee aan u qalmin urur saxafada reer somaliland oo dhan difaaca una hadla hadii ay khalad galaana ka garnaqa .xogreebnews.com-office Burco/Office...........
Weriye Sooma Jeeste magabade..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured