Idaacada Radio Hargeysa Oo Cadaysay In Aamina Waris Dalka Xukunto

0
Monday September 08, 2014 - 21:34:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 808
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Idaacada Radio Hargeysa Oo Cadaysay In Aamina Waris Dalka Xukunto

    Hargeisa-(xogreebnews.com-Idaacada xukuumada ee Radio Hargeysa ayaa warkeedii duhurnimo ee maanta ku soo bandhigtay marag muujin cusub oo ah in marwada koowaad ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa-(xogreebnews.com-Idaacada xukuumada ee Radio Hargeysa ayaa warkeedii duhurnimo ee maanta ku soo bandhigtay marag muujin cusub oo ah in marwada koowaad ee
Hargeisa-(xogreebnews.com-Idaacada xukuumada ee Radio Hargeysa ayaa warkeedii duhurnimo ee maanta ku soo bandhigtay marag muujin cusub oo ah in marwada koowaad ee Aamina Waris ay iyadu dalka xukunto kadib markii ay idaacadu warkeedaasi ku sheegtay in Aamina Waris ay hogaaminaysay wefti xukuumadeed oo ka kooban dhawr wasiir oo ay ka mid yihiin kuwa caafimaadka iyo waxbarashada ee booqasho ku tagay magaalada Berbera si ay uga qayb galaan munaasibad ay Wasaarada Caafimaadku kula wareegaysay Laash loogu talo-galay inuu u shaqeeyo qaab Ambulance oo gurmad caafimaad loogu fidin karo dadka ku nool meelaha qarfaha ah ee ku yaala xeebaha.
Hadaba munaasibadan oo ahayd mid aan u qalmin wefti culus oo xukuumadu ka soo dirto hargeysa iyo kharash badan oon qaranku u itaal haynin oo ku baxa, ayaa markay idaacada Radio Hargeysa ka waramaysay waxay ku celcelisay in weftiga xukuumada ay hogaaminaysay “Marwada koowaad Aamina Sheekh Maxamed Jirde Aamina Waris”.
Inkastoo baryahanba ay soo ifbaxayeen astaamo tilmaamaya in Aamina Waris ay tahay qofka dhab ahaan dalka xukuma oo ay xilkii madaxweyne Axmed Siilaanyo iyadu la wareegtay, Hadana waa markii u horaysay ee warbaahinta dawladu si cadaan ah u muujiso in marwada koowaad oon xil rasmi ah ka haynin dawlada ay misna ka sarayso xubnaha golaha Wasiirada xukuumada Somaliland.
Haatuf



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured