Musuq iyo Fadeexad Durba Ka Soo Baxday Agabkii Diiwaangelinta Madeniga,Warancade Oo Saylici iyo Xirsi Si Qarsoodiya U Siiyey 160 Kun Oo Kaadh iyo Laba Shaanbadood.–

0
Monday September 08, 2014 - 19:29:06 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 722
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musuq iyo Fadeexad Durba Ka Soo Baxday Agabkii Diiwaangelinta Madeniga,Warancade Oo Saylici iyo Xirsi Si Qarsoodiya U Siiyey 160 Kun Oo Kaadh iyo Laba Shaanbadood.–

    Hargeisa(xogreebnews.com-Shir ay habeenimadii khamiistii isugu yimaadeen Qasriga Madaxtooyada,madaxda kala ah,Madaxweynaha Somaliland Ahmed Siilanyo,Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Saylici, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi ,iyo Wasiirka Arrimaa Gudaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com-Shir ay habeenimadii khamiistii isugu yimaadeen Qasriga Madaxtooyada,madaxda kala ah,Madaxweynaha Somaliland Ahmed Siilanyo,Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Saylici, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi ,iyo Wasiirka Arrimaa Gudaha Hargeisa(xogreebnews.com-Shir ay habeenimadii khamiistii isugu yimaadeen Qasriga Madaxtooyada,madaxda kala ah,Madaxweynaha Somaliland Ahmed Siilanyo,Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Saylici, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi ,iyo Wasiirka Arrimaa Gudaha Warancade iyo Masuuliiin ay gacan saar leeyihiin Qoyska madaxtooyada,shirkaasi oo daba socday shir hore ugu qabsoomay aqalka madaxtooyada bishii August,shirkaasi hore wuxuu ku saabsanaa sidii Madaxweyne Siilaanyo mar kale ugu guuleysan lahaa Doorashada madaxtooyada ee sanadka soo socda 2015.Waxay shirkaasi hore isla garteen madaxda kor ku xusani in aan cidina u codeyneyn Xisbiga kulmiye oo shacabkii somaliland u bateen dhinaca xisbiyada mucaaradka,si hadaba Xisbiga kulmiye u guuleysto doorashada 2015 waa in khidad iyo taktiko la helo.Waxaa la isla gartay arrimahan hoos ku xusan shirkii Bishii August:-1.in ay isku xidhnaadaan Labada diiwaangelinood ee Madeniga iyo tan codbixiyayaasha,aqlabiyada mudanayaasa golaha wakiilada oo u badan taageerayaasha Aqalka madaxtooyaduna sidaasi ku ansixiyaan xeerka horyaala.2.In aan shacabka iyo xisbiyada midna loo joojin marka ay noqoto labada diiwaangelineed ee is barkan.3. In Madaxweyne ku xigeenka la siiyo 80kun sideetan kun oo kaadh(cards)oo ah Kuwa Madeniga oo qarsoon iyo hal shaanbad oo ay ku qoran tahay magaca diiwaangelinta madeniga si uu gobolada Awdal iyo Selel ee beeshiisu degto ugu isticmaalo dad aan jirin(Liisas dad oo been abuura) xiliga diiwaangelinta madeniga kadibna ugu diiwaangeliyo tan codbixiyayaasha..4. In Wasiir Xirsi la siiyo 80kun sideetan kun oo kaadh(cards)oo ah Kuwa Madeniga oo qarsoon iyo hal shaanbad oo ay ku qoran tahay magaca diiwaagelinta madeniga si uu gobolada Togdheer iyo Saaxil oo beeshiisu degto ugu isticmaalo dad aan jirin ( liis dad oo been abuura)xiliga diiwaangelinta madeniga kadibna ugu diiwaangeliyo tan codbixiyayaasha..Shirkan danbe ee khamiistii ka dhacay isla aqalka madaxtooyada wuxuu daba socday shirkii hore ee bishii August wuxuuna u qabsoomay sidan:-1-Wasiir Cali warancade wuxuu 80 kun sideetan kun oo kaadh(cards)oo xaaraana oo loogu tala galay diiwaangelinta Madaniga ah ku wareejiyey Madaxweyne ku xigeenka Saylici si uu ugu isticmaalo Gobolada ay beeshiisu degto ee Awdal iyo Selel waxaana goob joog ka ahaa hawsha Qoyska madaxtooyada iyo inta u adeegta.2-Wasiir Cali warancade wuxuu 80 kun sideetan kun oo kaadh(cards)oo xaaraana oo loogu tala galay diiwaangelinta Madaniga ah ku wareejiyey Wasiirka Madaxtooyada Xirsi si uu ugu isticmaalo Gobolada beeshiisu degto ee Togdheer iyo Saaxiil waxaana goob joog ka ahaa hawsha Qoyska madaxtooyada iyo inta u adeegta.Waxaa halkaasi ka cad in dawladu si qarsoodiya u boobtay una musuqmaasuqday ilaa iminka 160kun boqol iyo lixdan kun oo kaadh(cards) oo ah kuwii loogu talo galay Diiwaan gelinta Madaniga ah si ay ugu isticmaasho diiwaagelinta codbixiyayaasha doorashada( Liis magacyo aan jirin oo beena) waa ku shubasho casriyeysan. Shacabka Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka ah ee Wadani iyo Ucid waa in ay si degdega uga hortagaan jariimadan iyo musuqmaasuqan ay wadaan maamulka siilaanyo,isla markaana arrintani u gudbiyaan Beesha caalamka ee somaliland ka taageerta Doorashooyinka.Somalilandcitizen.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured