In Ka Badan 10 Ruux Oo Ku Dhimatay Qarax Ka Dhacay Agagaaraha Isgoyska Ex Control Afgooye.

0
Monday September 08, 2014 - 19:23:30 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 791
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    In Ka Badan 10 Ruux Oo Ku Dhimatay Qarax Ka Dhacay Agagaaraha Isgoyska Ex Control Afgooye.

    Muqdisho(xogreebnews.com-Qarax waxyeelo badan geystay, ayaa wuxuu goor dhow ka dhacay agagaaraha Isgoyska Ex Control Afgooye ee duleedka Magaalada Muqdisho, ka dib markii uu qaraxu haleelay gaadiid ay la socdeen dad rayid ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(xogreebnews.com-Qarax waxyeelo badan geystay, ayaa wuxuu goor dhow ka dhacay agagaaraha Isgoyska Ex Control Afgooye ee duleedka Magaalada Muqdisho, ka dib markii uu qaraxu haleelay gaadiid ay la socdeen dad rayid ah. Muqdisho(xogreebnews.com-Qarax waxyeelo badan geystay, ayaa wuxuu goor dhow ka dhacay agagaaraha Isgoyska Ex Control Afgooye ee duleedka Magaalada Muqdisho, ka dib markii uu qaraxu haleelay gaadiid ay la socdeen dad rayid ah.Laba gaari oo caasi ah oo ka yimid dhinaca Degmada Afgooye, kuna sii jeeday Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa haleelay qarax miino oo horey wadada dhinaceeda loogu sii diyaariyay, iyadoo lala doonaayay kolonyo ay wateen Amisom, balse markii ay gudbeen ayuu haleelay gaadiidkii rayidka oo daba socday.Qaraxa oo ahaa mid aad u xoog badan, ayaa waxaa laga maqlay inta badan Magaalaa Muqdisho, iyadoo labada gaari ee uu haleelay uu midkood rakaab siday, halka midka kalana uu raashiin ku rarnaa.In ka badan 20 ruux oo la socotay gaarigii rakaabka siday, ayaa waxaa la xaqiijiyay in 10 ruux ka badan ay qaraxa ku dhimatay, iyadoo dadka dhintay la kala garan la’yahay lab iyo dhidig waxa ay isugu jiraan.Dhacdadaan, ayaa waxay argagax badan gelisay bulshada deegaanka, kuwaa oo xilligii Salaadda Casir isugu soo baxay halkaasi, iyagoona gurmad u fidiyay dhibanayaasha, waxayna goobaha caafimaadka ula carareen tiro dhaawacyo ah.Gaarigii kale ee raashiinka siday oo dab uu qabsaday, ayaa waxaa la xaqiijiyay in uu baaba’ay wixii saarnaa, waxaana kolkii dambe halkaasi gaaray gaadiidka dab demiska oo ka amba baxay Bartamaha Magaalada Muqdisho.Tani waxay ku soo aadeysaa, xilli Dowladdu ay walaac ka qabto weeraro kaga yimaada argagaxisada Somaliya, oo la hadalhaayo in ay u aargudi doonto Amiirkoodii la dilay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured