“Waxa Aan La Yaabanahay In Wasiirkii Arrimaha Gudaha Ee Ammaanka Ummaada Masuulka Ka Ahaa Gurigiisa Laga Soo Abaabulayo Shirqoollo iyo Af-duub-yo” Suxufi Cabdishakuur Heersare Oo Ka Xog Waramay Afduub Loo Gaystay

1
Monday September 08, 2014 - 17:30:47 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 807
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “Waxa Aan La Yaabanahay In Wasiirkii Arrimaha Gudaha Ee Ammaanka Ummaada Masuulka Ka Ahaa Gurigiisa Laga Soo Abaabulayo Shirqoollo iyo Af-duub-yo” Suxufi Cabdishakuur Heersare Oo Ka Xog Waramay Afduub Loo Gaystay

    Hargeysa(Xogreebnews)Waxay ahayd intii u dhexaysay 11kii illaa 12kii duhurnimo markii uu ila soo hadlay qof magacayga garanayay, wuxuu igu yidhi “walaalo halkee baad joogtaa waa nin ku garanaya oo hawl kaaga baahane” waxa aan u sheegay me

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews)Waxay ahayd intii u dhexaysay 11kii illaa 12kii duhurnimo markii uu ila soo hadlay qof magacayga garanayay, wuxuu igu yidhi “walaalo halkee baad joogtaa waa nin ku garanaya oo hawl kaaga baahane” waxa aan u sheegay meesha uu xafiiskaygu ku yaallo. Intii aanay I soo gaadhin ayaa salaaddii duhur la aqimay oo masaajiddii dhawaa ayaan tegay oo aan ku soo tukaday. Intii aan saaladda ku jiray ayay dhawr jeer ila soo hadleen.

Hargeysa(Xogreebnews)Waxay ahayd intii u dhexaysay 11kii illaa 12kii duhurnimo markii uu ila soo hadlay qof magacayga garanayay, wuxuu igu yidhi “walaalo halkee baad joogtaa waa nin ku garanaya oo hawl kaaga baahane” waxa aan u sheegay meesha uu xafiiskaygu ku yaallo. Intii aanay I soo gaadhin ayaa salaaddii duhur la aqimay oo masaajiddii dhawaa ayaan tegay oo aan ku soo tukaday. Intii aan saaladda ku jiray ayay dhawr jeer ila soo hadleen.

Markii aan salaadda ka baxay ayaan ka qabtay Telefoonka, waxa aan u sheegay inaan salaadda ku maqnaa, wuxuu qofkii ii sheegay inay joogaan halkii aan u soo tilmaamay. Waxay indhahaygu qabteen xaajiyad cusub oo lambar dawladeed leh, markii aan ku soo dhawaaday ayaan gartay inay yihiin ciddii ila soo hadlaysay.

Markii aan u imi ayay igu yidhaahdeen “soo fuul gaadhiga” anna waan diiday oo waxa aan u sheegay in aanan fuulayn illaa ay sababta ii sheegaan, laba jeer ayay igu celiyeen sidii hore oo kale waan ka diiday oo markaa dareen ayaa I galay.Waxa aan u sheegay inay soo degaan oo ay ii sheegaan waxa jira.

Waxay igu khasbeen inaan geeyo xafiiska aan ka shaqeeyo balse waan ka diiday oo waxaan u sheegay haddii ay I rabaan inay sheegaan waxay iga rabaan. Mid ka mid ah ayaa jeebada ka soo saaray warqad daabacan oo uu ku qoran yahay maqaal qof qoray oo la geliyey Website-ka Oodweynenews.com oo lagu dhaleecaynayay wasiirka arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancadde. Waxay igu ‘yidhaahdeen “soo ma tihid tifaftirihii Oodweynenews oo adigu soo qoraalkan maad qorin oo soo maad webka gelin.”

Waxa aan u sheegay inaan webka tifaftirena ka ahayn qoraalkaana aan gelin isla markaana ay fursad I siiyaan aan ku raadiyo ciddii qoraalka webka gelisay iyo ciddii soo dirtay ba, wax ba igamay sugin ee inta ay iga wareegeen ayay igu Yidhaahdeen “amma adiga ayaa geliyey oo u dhimanaya amma noo gee ciddii gelisay annaga ayaa waxa aanu doonno ku samaynanee.”

Markii ay ku qanci waayeen warkii aan u sheegayay ayay igu amreen inaan gaadhiga fuulo waan ka diiday, mid ka mid ah ayaa intuu hore ii tukhaantukhiyey xoog gaadhiga igu saaray, markaasuu mid kale yidhi ‘saacaddaa laga bilaabo waad xidhan tahay oo maxbuus ayaad tahay, waaryaa ka qaad telefoonka oo ayaanu dhaqdhaqaaqin.’ markii uu halkaa xaalku marayay waxa aan ogaaday inaan u afduubanahay kooxdaa oo lix nin ka koobnayd oo isugu jirtay askar dharcad ah iyo niman kale, isla markaana amarka laga soo siinayay guriga wasiirka arrimaha gudaha. Waxay ii qaadeen guriga wasiirka oo inta ay kadinka igu dejiyeen ayaa la xareeyay gaadhigii wasiirka ee lambardaw dawladdu(GT) ku xidhnayd waxaanay la soo baxeen xaajiyad lambar shicib leh.

Intaan la soo socday qof aan dareesanahay inuu wasiirka aad uga agdhaw yahay ayaa la soo hadlay oo amarka bixinayay oo soo dirayay lacagta qadada, amarka meesha shidaalka laga qaadanayo iyo halka qaadka laga qaadanayo. Intaa maxbuus ayaan ahay oo gaadhiga ayaan saaranahay, waxaana aan u sheegay inaan u gaynayo mulkiilaha Oodweynenews.com Cabdirashiid Jaamac Kaahin (ATAM) bal si uu u qanciyo.

Waxay intaa leeyihiin “kaa laftiisa noogee annaga ayaa naqaanna waxa aanu ku samaynaynee” Waxay ii ogalaadeen in telefoonka ku hadli karo oo aan waydiin karo halka uu joogo, wuxuu ii sheegay inuu magaalada ka maqan yahay oo ay u sii jeedaan Arabsiyo. Waxay igu qabseen inaan khasab ku raaco oo aan u geeyo, intii aanu sii soconnay ayuu Cabdirashiid ATAM ka leexday Arabsiyo oo ay tegeen Gerabis oo ku taalla koonfur-galbeed Hargeysa. Waxaana intii aan gaadhisa saarnaa ay igu lahaayeen waxa idin raba wasiirka amma ha idin xidho amma cirka ha idn geeyo.

Markii aanu Gerabis tagnay ee Cabdirashiid na gaadhi soo fuulay oo Cabdirashiid iyo kooxdii gaadhi saarnaanan wada hadleen oo sidii wax u dhaceen u sharxay, ayaa hogaamiyihii kooxdu beddelay qorshihii oo intuu cabbaar telefoon ka hadlayay ayuu aniga iyo Cabdirashiid faq nala yeeshay, waxaana uu qorsheeyey inuu nagu qanciyo inay iyagu isa soo xilqaameen oo aanu wasiirku soo dirin isag oo na leh ‘Annagu waxa aanu nahay ehelka wasiirka waxa aanu ka xumaannay qoraalka webka la geliyey.’ Waxaana uu sidaa u samaynayay si uu wasiirka eedda uga duwo. Waxaana uu na waydiiyey si arrintii u dhammaato maxaa la qaban karaa, waxa aanu sheegnay in xilli hore webka laga saaray qoraalkii isla markaana raalli gelin laga bixin doonno, markiiba wuu ku qancay.”

“Runtii Cali Warancadde intii aan loo magacaabin wasiirka arrimaha gudaha ee uu mucaaridka ahaa xilli kasta wuu ila soo hadli jiray wuxuu ii soo diri jiray qoraalada anna Oodweynenews.com ayaan gelin jiray oo meel fiican aan dhigi jiray. Haddii qoraalkaa webka la geliyey waxay ku sinnayd inuu ila soo hadlo oo ii sheego qoraalka amma cid kale ila soo hadasho.

Sidaa daraadeed laba arrimood ayaan qaadi kari waayay waxay yihiin Cali oo aanu is naqaanno in koox gurigiisa laga soo abaabulayay I afduubaan oo weliba ii hanjabaan isagoo wasiirkii arrimaha gudaha ah waa wax aan la yaabanahay, Aniga oo lagu haystay oo wax aanan wax ba ka ogayn weliba aan diyaar u ahaa inaan la raadiyo.

“Waxa aan la yaabanahay haddii wasiirkii arrimaha gudaha ee ammaan ummaada masuulka ka ahaa gurigiisa laga soo abaabulayo shirqoollo iyo af-duub-yo, isla markaana aan la tixgelinayn sharciyaddii yarayd ee lagu heshiyey oo weliba hawshaa ay gadh-wadeen ka ahaayeen dad wasiir gacan-yare u ah oo isaga amarka ka qaata in wasiirku dalka iyo dadkaba ku soo kordhiyey dhacdo cusub oo ah in la samaysto kooxo wax afduuba sidii hogaamiye-kooxeedyada. Sidaa daraadeed, madaxweynaha Somaliland waxa aan u soo jeedin lahaa ummmaddu waxay u baahan tahay wasiir arrimagudeed oo ammaankooda xilqaada oo aan gurigiisa laga soo abaabulayn hawl-gal afduubnimo. Ummadda reer Somaliland iyo saxaafadda madaxa-bannaaninaba waxay kaa sugayaan tallaabadii aad arrintan ka qaadi lahayd oo ah inaad wasiirka la xisaabtanno illayn sidani waa qaran-dumine.” Ayuu Suxufi Cabdi-shakuur Xaaji Muxumed Heersare ku gabagabeeyay Xog warankiisa Dhacdada layaab kaleh ee Shalay ku dhacday



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured