Hay'adda Xuquuqal Insaanka Ee Human Rights Watch Ayaa Soo Bandhigtay Tacadiyo Kufsi Ah Oo Ciidanka AMISOM kula Kaco Haweenka Somalia

0
Monday September 08, 2014 - 16:28:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 734
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adda Xuquuqal Insaanka Ee Human Rights Watch Ayaa Soo Bandhigtay Tacadiyo Kufsi Ah Oo Ciidanka AMISOM kula Kaco Haweenka Somalia

    Muqdisho(Xogreebnews) Hay'adda Xuquuqul insaanka ee Human Rights Watch ayaa shaacisay warbixin ku saabsan tacadiyo dhanka galmada ah oo ciidamada Midowga Afrika ay u geysteen haween Soomaali ah oo ku nool magaalada Muqdisho. Warbixintan oo ka k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(Xogreebnews) Hay'adda Xuquuqul insaanka ee Human Rights Watch ayaa shaacisay warbixin ku saabsan tacadiyo dhanka galmada ah oo ciidamada Midowga Afrika ay u geysteen haween Soomaali ah oo ku nool magaalada Muqdisho. Warbixintan oo ka kooban 71 bog ayaa cinwaan looga dhigay “Sida ay raggani nooga awood badan yihiin.” Waxa ay HRW sheegtay in ay wareysi la yeelatay 21 Dumar ah oo ay ku jiraan gabdho, kuwaasi oo ciidammada Midowga Afrika ee Soomaaliya joogo ay kufsadeen isla markaana ay u geysteen tacaddiyo dhanka galmada tan iyo sanadkii 2013.

Muqdisho(Xogreebnews) Hay'adda Xuquuqul insaanka ee Human Rights Watch ayaa shaacisay warbixin ku saabsan tacadiyo dhanka galmada ah oo ciidamada Midowga Afrika ay u geysteen haween Soomaali ah oo ku nool magaalada Muqdisho.

Warbixintan oo ka kooban 71 bog ayaa cinwaan looga dhigay “Sida ay raggani nooga awood badan yihiin.” Waxa ay HRW sheegtay in ay wareysi la yeelatay 21 Dumar ah oo ay ku jiraan gabdho, kuwaasi oo ciidammada Midowga Afrika ee Soomaaliya joogo ay kufsadeen isla markaana ay u geysteen tacaddiyo dhanka galmada tan iyo sanadkii 2013.

Warbixinta ayaa ka sheekeynaysa wax lagu tilmaamay tacaddiyo dhanka galmada ah oo ay geysteen askar ka tirsan labada saldhig ee ku yaala magaalada Muqdisho, ee ay deggan yihiin ciidamada Midowga Afrika.

Warbixinta hay’adda HRW ayaa ku talinaysa in Midowga Afrika iyo AMISOM ay dhiiri geliyaan hab-dhaqan aan marnaba loogu dul-qaadan karin arrimaha sharic darrada ah ee ka dhex dhaca gudaha saldhigyadooda.

Warbixintu waxa ay sidoo kale ku talineysaa in Midowga Afrika iyo AMISOM ay sameeyaan ama xoojiyaan guddiyo u xilsaaran sida baaritaanka iyo edbinta oo wax ka qabto tacadiyada noocani ah iyo guddi baaritaan oo madax-bannaan oo ah heerka ugu sareeya Midowga Afrika.

Inta badan askarta lagu eedeeyay tacadiyadani ayaa waxa ay ka tirsan yihiin saldhigyada ciidamada milatariga dalalka Burundi iyo Uganda.

Warbixinta ayaa sheegeysa in ciidammada Midowga Afrika oo adeegsanaya mukhalisiin Soomaali ah ay isticmaalaan xeelado kala geddisan oo ay ka mid yihiin kaalmada dhanka bani’aadanimada si ay cadaadis ugu saaraan dumarka iyo gabdhaha aadka u nugul si ay ugu sameeyaan arrimo la xiriiro dhanka galmada.

Warbixintu waxa ay intaasi ku daraysaa in ciidammadani ay kufsadeen amaba galmo ahaan dhibaateeyeen haween saldhigyada AMISOM u soo raadsaday kaalmo dawo amaba biyo.

Dhinaca kale Afhayeenka AMISOM ayaa iska difaacay eedaymaha culus ee HRW u jeedisay hawl galka AMISOM. Waxa uu sheegay inaanay qabin eedaymaha islamarkaana aanay u dul qaadan doonin Eedaynta Hay’adda caalamiga ahi u jeedisay.

“ Waxaan u aragnaa wax fool xun oo aan la qaadan karayn oo HRW maalin walba ka samaynayso waji xun bay ka bixinaysaa AMISOM. Waxaanu leenahay maaha inay baahiso warbixin aanay waxba naga waydiin islamarkaana ay ceebayso 22 Kun oo askari oo naftooda u huray Somalia” ayuu BBC-da u sheegay Afhayeenka AMISOM.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured