Wasiir CADAMI oo ku Go’doonsan Damala-Xagare Iyo Shirkii oo Lasoo Afmeeray

0
Sunday September 07, 2014 - 18:50:37 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 934
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir CADAMI oo ku Go’doonsan Damala-Xagare Iyo Shirkii oo Lasoo Afmeeray

    Hargeysa(xogreebnews.com-Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Cadami iyo wefti uu hogaaminayo ayaa ku go’doonsan Tuulada Damala-Xagare oo dhinaca Bari kaga began

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Cadami iyo wefti uu hogaaminayo ayaa ku go’doonsan Tuulada Damala-Xagare oo dhinaca Bari kaga began Hargeysa(xogreebnews.com-Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Cadami iyo wefti uu hogaaminayo ayaa ku go’doonsan Tuulada Damala-Xagare oo dhinaca Bari kaga began Magaalada Ceerigaabo, kadib markii uu tahli waayey inuu uu gaadho Tuulada Shirku uga socdo Beesha Warsangeli ee Xiingalool.Wasiir Cadami oo Shalay ka baxay Magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag, si uu uga qeybo Shirka Xiingalool ama Xukuumada uu ka tirsan ugu qanciyo in aan Shifo mooye Shirku Sharba uga qeyb galo. Hase-yeeshee hinsidihii Cadami ‘Biyo Col Dhaanshay iyo Bar kuma taal’ kadib markii tab iyo xeelad uu awoodi waayey inuu helo fursad uu tago Shirka Beeshiisa, sidoo kale waxa Wasiir Cadami uu ku guul-dareystay isku day uu ku doonayey inuu Deegaanka Beeshu ku Shirayso uu kaga yimaado dhinaca Badhan haddii ay ku adkaato inuu si qumaati ah Shirka uga Magaalada Ceerigaabo, hase-yeeshee waxa isku daygaa ka dhigay mid la mid ah hal-ku-dhigii Jarmalow Mari mayso Ciidamo Deegaanka kasoo jeeda oo la amray inay Cir iyo Dhulba ka ilaaliyaan dhaq-dhaqaaqa Cadami iyo Shirka yimaado.Wasiir Cadami oo ah Nin gol-daloolooyinkiisa ku astura Aftahan-nimo, ayaa waxaan Shaki ku jirin in aanay ku adkaan doonin Wadhidaa iyo Waqcadaa la soo deristay inuu kaga dabaasho wixii ilaahay barayGeesta kale, Shirka oo Shalay Beeshu kasoo saartay go’aamo hordhac ah oo qaarkood ay lid ku yihiin jiritaanka Madax-bannaanda Axadda Maanta lagu soo kala ducaysto.

yool


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured