Saami-qeybsiga Shaxda Sanaaduuqda Diiwaan-gelinta oo Xaalkoodu Noqday Bariga Dhexe “..Qaabka loo Shaxeeyey Goobaha Diiwaan-gelintu waxay Muujinayaan Cadaalad darro.. Caaqil Cabdiraxmaan Xuseen Xasan (Afay)

0
Sunday September 07, 2014 - 18:45:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 861
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saami-qeybsiga Shaxda Sanaaduuqda Diiwaan-gelinta oo Xaalkoodu Noqday Bariga Dhexe “..Qaabka loo Shaxeeyey Goobaha Diiwaan-gelintu waxay Muujinayaan Cadaalad darro.. Caaqil Cabdiraxmaan Xuseen Xasan (Afay)

    Hargeysa(xogreebnews.com-)-Caaqil Cabdiraxmaan Xuseen Xasan (Afay) oo ka mid ah hal-doorka Cuqaasha Somaliland, ayaa si kulul u naqdiyey Saami-qeybsiga Sanaaduuqda Diiwaan-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-)-Caaqil Cabdiraxmaan Xuseen Xasan (Afay) oo ka mid ah hal-doorka Cuqaasha Somaliland, ayaa si kulul u naqdiyey Saami-qeybsiga Sanaaduuqda Diiwaan-
Hargeysa(xogreebnews.com-)-Caaqil Cabdiraxmaan Xuseen Xasan (Afay) oo ka mid ah hal-doorka Cuqaasha Somaliland, ayaa si kulul u naqdiyey Saami-qeybsiga Sanaaduuqda Diiwaan-gelinta Muwaadiniinta, kuna tilmaamay arrinkaas mid looga gol-leeyahay in fidne abuur iyo Qalalaase dalka ka abuurma.

Jiif Caaqil Cabdiraxmaan oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in arrinkani yahay mid aan la aqbali Karin, isla markaana ay tahay in Madaxweyne Siilaanyo ka fiirsado oo uu waafajiyo Cadaaladda oo ay ku jirto danta dadka iyo dalkaba. Isagoo Caaqilku arrimahaa ka hadlaya, waxa uu yidhi; “..Qoraalada la soo geliyey Warbaahinta ee ka hadlaya qaabka loo shaxeeyey goobaha Diiwaangelinga Madaniga ahi waxay muujinayaan Cadaalad darro iyo ka fiirsi la’aan, kicin Shacab, qorshahaas oo Deegaanada qaarkood Muwaadiniintii ku dhaqnayd xaqoodii la duudsiyey oo goobahay xaqa u lahaayeen meesha laga saaray.
Waxa kale oo Shaxda qoraalkan ka muuqda in Gobolada qaarkood Beelihii ku wada dhaqnaa laga qaaday goobihii Sanaaduuqda cod-bixinta ee ay hore u lahayeen, taasoo muujinaysa isu-dheetir la’aan dadkii Gobolada Wada degen, qaarna Sad-bursiimo la siiyey. Waxa kale oo Iyana jirta in Magaalo keliyi ay ka Sanaaduuq Gobolada dalka ugu waa-weyn qaarkood.
Haddaba, hal-ku-dhig Soomaaliyeed baa ahayd; “..Rag Cadaalad waayaa sidii Cawda kala yaac..” Ee Madaxweyne anaga oo ku ixtiraamayna Masuuliyada aad Qaranka u hayso waxaan ku boorrinayaa in aad arrintaa wax ka qabato oo Muwaadiniinta Cadaalad ugu xaq-soorto, ciddii waxaa ka dambeysay waxaanu u aragnaa fidne wadeyaal aan dadka iyo dalka midna lexe-jeclo ka qabin, adiga iyo Shacbigana iska kiin horkeenaya. Sidaa darted waxaan kuugu baaqaya in Cadaalada la horkeeno.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured