MAXAY TAHAY SABABTA XILKA LAGA QAADO TALIYIHII NABAD SUGIDA SOOMAALIYA ?

0
Sunday September 07, 2014 - 18:15:55 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 918
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAXAY TAHAY SABABTA XILKA LAGA QAADO TALIYIHII NABAD SUGIDA SOOMAALIYA ?

    Muddo ka yar labo Bilood ayuu xilka hayey Taliyihii Nabad Sugida Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe isagoo xilkaasi loo magacaabay 10 July 2014 waxaana xil ka qaadistiisa ay ku soo beegantay Maanta 07 Sept. 2014 hadaba Dad badan oo aan a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muddo ka yar labo Bilood ayuu xilka hayey Taliyihii Nabad Sugida Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe isagoo xilkaasi loo magacaabay 10 July 2014 waxaana xil ka qaadistiisa ay ku soo beegantay Maanta 07 Sept. 2014 hadaba Dad badan oo aan anigu ku jiro Muddo ka yar labo Bilood ayuu xilka hayey Taliyihii Nabad Sugida Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe isagoo xilkaasi loo magacaabay 10 July 2014 waxaana xil ka qaadistiisa ay ku soo beegantay Maanta 07 Sept. 2014 hadaba Dad badan oo aan anigu ku jiro waxaan Is weydiinaynaaa Maxay tahay sababta soo dedejisay isagoo Waqti yar xilka haya in laga qaado Xilkii?Ugu horayn waxaan is weydiiyey maxaa lagu sababyn jiray Xil ka qaadista taliye Nabad sugid? jawaabtu waxa ay ila noqotay sababo Amaan darri oo baahsan oo ka dhaca magaalada Muqdisho oo keliya iyo Siyaasad qarsoon oo madaxdu wax ku kala iibsadaan.Markii aan in muddo ah dhinacyo badan ka eegay Xil ka qaadista Sanbalooshe ayey ila noqotay inaanay ka jirin Muqdisho Amni darro baahsan oo soo noqnoqotay ee arinta sababta looga dhigi karo ay tahay inuu ka dheereeyey Xukuumada Cabdiweli Sheekh Axmed Madaxda ka yahay, farahana uu si qaldan ula galay hawlihii ay qaban lahaayeen Wasaaradaha qaarkood.Waxaan is leeyehay Sanbalooshe in Maalin Axad ah oo aysan shiri Jirin Golaha Wasiirada in laga shiro oo go`aan laga gaaro iyadoo ilaa Maalinta Khamiista ah ee caadiyan ay shiraaan Golaha Wasiirada lala Sugi waayey ma aha arin sahlan ee waxaan is leeyahay waa mid ay Xukuumadu isaga difaacayso Faragelin uu ku hayey sanalooshe.Kulankii Golaha Wasiirada ee xilka looga qaaday Sanbalooshe laguma sheegin in Wasaarada Amniga ee uu isagu hoos tagayey inay ka soo gudbisay soo jeedin ku aadan xil ka qaadistiisa kadibna ay ogolaadeen Goluhu, waxaase dhici karta in aanay jirin soo jeedinta Wasaarada Amniga balse Arrimaha Sanbalooshe ay saamayn ku yeelatay hawl maalmeedkii Cabdiweli sheekh Axmed kadibna uu isagu soo jeediyey laguna raacay.Dhinca kale Dhawaan Golaha Wasiirada waxa ay ansixiyeen Xeerka Saxaafada kadibna waxaa loo gudbinayaa Baarlamaanka kadibna Go`aanka Xildhibaanadu ka gaaraan ayaa sharci noqonaya iyadoo Madaxweynahuna uu saxiixayo, inkastoo xeerkaa laf ahaantiisa ay dood badan ka taagnayd ayaa haddana wixii looga cabanayey Xeerkaas mid ka sii daran waxaa la soo baxay Sanbalooshe isagoo Amray in Warbaahintu aanay sheegi karin Warar badan oo Xeerka saxaafadu u ogol yahay, hase yeeshee amarada sanbalooshe waxaa ka qayliyey oo la yaabay Xukuumada gaar ahaan wasaaradii ku shaqada lahayd ee Warfaafinta.Maalintii uu Nabad sugida ka soo baxay amarka lagu caburinayo Saxaafada wasiir dhuxulow raggii kula shiray Hotel Jazira ee Magaalada Muqdisho waxa ay ii sheegeen in uu aad uga carooday arintaa isagoo laga sheegay Dhuxulow inuu yiri waxa ka soo baxay Nabad sugidda dastuurka dalka xitaa kuma taalo. Shaqsi aan saaxiibo nahay ayaa ila soo xiriiray intii aan warbixinta qorayey markii aan is wareysanay kadib ayaan ku soo hadal qaaday Xil ka qaadista Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe wuxuu igu yiri ” Ninkaa muddo ayaan guri wada deganayn, si fiican ayaan u aqaan,sababta xilka looga qaadayna ma ogi, laakiin waxaan u malaynayaa inuu sababsaday waa Nin aad fudud oo hadana keligii wax walba yaqaan ah ama waan daadshay oo meel kasta faraha la gelaya.”

Aniga shaqsiyan lama dhacsani xil ka qaadista Sanbalooshe waxaan is leeyahay ,haddii qaladaad ka jiraan dhinaciisa in loo sheego oo la saxo ama digniin la siiyo ayey ahayd , laakiin sida loola macaamilay waa arin aan is iri waa laga fursan waayey.
Marka laga hadlayo dhinaca Amniga ah Magaalada Muqdisho haddii uu hagaago Amaanka iyo haddii uu sii xumaado Amaanteeda iyo Dhaliisheeda ma waxaa iska leh Wasaarada Amniga mise hayadda Nabad sugidda?? . Saxaafada Muqdisho ka hawl gasha xitaa Midda Dawladda ay Maamusho waxaa saamayn ku yeeshay Awaamiirtii Taliye Sanbalooshe ilaa Xabsiga loo taxaabay Agaasimihii radio Muqdisho Cabdirixiin Ciise Caddow!!!, isagoo intii uu xirnaa xilka laga qaaday Sanbalooshe, inkastoo Ina Ciise Caddow sida uu ku soo qoray Bogiisa Facebook uu ku sheegay in aanu ka hari doonin Cidii xirtay oo uu sharciga la hor tegi doono.Suxufiyiinta Soomaaliyeed Gaar ahaan Kuwa Muqdisho ka hawl gala waxaan filayaa inay soo dhaweynayaan Xil ka qaadista Taliyihii Nabad Sugidda ee ugu Muddada gaabnaa Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured