Ciidanka Nabadsugidda Soomaaliya Oo Albabbaada Isugu Dhuftay Idaacadaha Kulmiye Iyo Simba

0
Sunday September 07, 2014 - 18:01:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 881
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Nabadsugidda Soomaaliya Oo Albabbaada Isugu Dhuftay Idaacadaha Kulmiye Iyo Simba

    Muqdisho(xogreebnews.com-Ciidanka nabadsugidda Qaranka ayaa albaabada u laabay saaka idaacadaha Kulmiye FM iyo Simba FM oo ka mid ah idaacadaha ka howlgala Muqdisho, iyadoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(xogreebnews.com-Ciidanka nabadsugidda Qaranka ayaa albaabada u laabay saaka idaacadaha Kulmiye FM iyo Simba FM oo ka mid ah idaacadaha ka howlgala Muqdisho, iyadoo Muqdisho(xogreebnews.com-Ciidanka nabadsugidda Qaranka ayaa albaabada u laabay saaka idaacadaha Kulmiye FM iyo Simba FM oo ka mid ah idaacadaha ka howlgala Muqdisho, iyadoo shaqaalihii idaacadahaasna qaarkood xabsiga loo taxaabay.Sababta xariga idaacadahan ayaa la sheegay inay salka ku hayso haldal ay xalay sii daayeen oo ahaa magaalada hoggaamiyaha cusub ee Al-shabaab, iyadoo aysan weli jirin wax hadal ah oo kasoo baxay hay’adda nabadsugidda Qarana oo ku saabsan xarigga idaacadahan.Idaacada Kulmiye oo ay xarunteeda ku taallo Guriga Hooyooyinka oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya iyo idaacadda Simba oo xarunteedu ku taallo suuqa Bakaaraha ayaa noqonaya idaacadihii labaad oo ay dowladdu hawada ka saarto isla markaana xirto, kuwaasoo ay ku eedeynayso inay baahiyeen warar aanay dowladdu raalli ka hayn.Shaqaalihii idaacadahan ayaa lagu xiray xarunta nabadsugidda gobolka Banaadir ee Godka Jilicow halkasoo ay horay ugu xirnaayeen saddex ka mid ah shaqaalaha iyo maamulka idaacadaha SKY FM iyo Shabeele, kuwaasoo lagu eedeeyay inay baahiyeen warar dhiillo xambaarsan.Waxaa kaloo wararku sheegayaa in Nabadsugiddu ay u cuskatay xarigga idaacadahan baahinta warka Sheekh Cali Dheere oo ah afhayeenka guud ee Al-shabaab, kaasoo sheegay inay sii socon doonaan dagaallada kaddib markii ay xaqiijisay kooxdu dhimashada hoggaamiyahoodii ruuxiga ahaa,Xariggan ayaa imaanaya iyadoo taliska ciidanka nabadsugidda Qaranka uu toddobaadkii hore ku wargeliyay idaacadaha ka howlgala Muqdisho inaysan baahin karin wararka ku saabsan Al-shabaab iyo howlgallada ka socda qaybo dalka ka mid ah.Wasaaradda Warfaafinta ayaan weli ka hadlin xarigga idaacadahan iyo qaar ka mid ah shaqaalahoodii, iyadoo wariyeyaasha Muqdisho ay arrintan ku tilmaameen mid lagu caburinayo saxaafadda madaxa-bannaan.xogreebnews.com-Muqdisho Office


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured