Shaqada Ismaaciil Shaqale Waa Ku Boobka Magaca Ciidanka Baloodho Hargeysa Ku Yaal

0
Saturday September 06, 2014 - 16:46:58 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1233
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaqada Ismaaciil Shaqale Waa Ku Boobka Magaca Ciidanka Baloodho Hargeysa Ku Yaal

    Mudoba waxaa laga raraayey agagaarka Airport-ka Hargeisa (Egal International Airport) dad danyar ahaa oo degenaa dhexdiisa iyo duleedkiisaba. Arinkii raristu waxay hada ku soo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudoba waxaa laga raraayey agagaarka Airport-ka Hargeisa (Egal International Airport) dad danyar ahaa oo degenaa dhexdiisa iyo duleedkiisaba. Arinkii raristu waxay hada ku soo Mudoba waxaa laga raraayey agagaarka Airport-ka Hargeisa (Egal International Airport) dad danyar ahaa oo degenaa dhexdiisa iyo duleedkiisaba. Arinkii raristu waxay hada ku soo dhawaatay dhamaad, dadkii degenaana horumarinta dalkooda iyo danta guud ayey uga huleeleen hoyadoodii.Waxaase heeryadiisii soo qaatay Janankii Ciidanka Qaranka, Ismaaciil Shaqale, oo mooday dhulka airport-ka Hargeysa loo dayrayo qaniimo la helay qaybtiisana raba.Inna Shaqale intuu guuto ciidana soo kaxaystay ayuu burburiyey kaabadihii loo dhisay in dayrka taarka ah lagu xidho. Wuxuu ku dooday in ciidankii Afweyne xero ku lahaan jirey garoonka Hargeysa, isaguna (Afweyne iska-dhig-dhig dartii) xaq u leeyahay inuu dhex dego garoonka. Airport xero ciidan ka ag dhowdahay anigu umaba arko dhib. Waxay ila tahay garoon amaankiisa lala damcay in la adkeeyo inuu yahay.Laakiin, Shaqale muxuu rabaa? Ma inuu amaanka garoonka adkeeyuu u soo weeraray, mise wuxuu mooday dhulka dadka laga rarey qaniimo qaran oo kii xoog rooni quruska buuran la luudin doono?Wararka ilaa hada soo baxayaa waxay tilmaamayaan inuu qodobka dambe ka duulayey.Waxay ganacsato waaweyni (kuwaas oo aan magacyadooda idiin sheegi doono dhawaan) ku baayaceen dhulkan Shaqale usoo boobka tegay lacagayow xadigoodu badanyahay. Ka hadal $500, 000 ilaa $2,000,000 (nus milyan ilaa laba milyan oo doolar). Waxaa ilaa hada carbuun ahaan loo siiyey Inna Shaqale $400,000.Lacagtu dhibkeeda iyadaa abuurata. Xasarad mooyee wax kaloy badnaanteedu ku fiicantahay horteen jireba waa. Hadayse gashay meeshii danyarta laga didiyey inuu ku soo durko kii dadkaba ugu jeebka roonaa, kaasina ma fikirin, ka u shaqaynaya ee laaluushka kasoo qaatayna wax ma taransan.Dhaqaalaha Somaliland boqolkiiba shan iyo lixdan (65%) waxay ku baxdaa Ismaaciil Shaqale iyo ciidamada uu horjoogaha u yahay. Waxaa loogu qoondeeyey waxaas oo maaliyada, loogana horeysiiyey caafimaadkii, waxbarashadii, wadooyinkii iyo dhamaan hay’adihii kale ee dawladaba iyo wadartoodba, inuu ku difaaco dalka xuduudihiisana sugo.Looma siin saamigaas badan inuu ugu xoog sheegto shicibka. Looma siin inuu ku burburiyo kaabadaha lagu dhisay cashuurtii dadka. Looma siin inuu ku dhaco halkay dadku u hibeeyeen danta guud dhawristeeda.

Khaladka waxaa iska leh dawlada kala socota ee iyadu qoriga isu sidata.
Khaladka waxaa iska leh ka magacaabay Shaqale ee aan waxba ka qabanin xad-gudubka intaas le’eg ee uu kula kacay dalkii iyo dawladiiba isagoon lala socodsiin.Khaladka waxaa iska leh dawlada nin waliba meeshuu ku magacownaa yeeshay.Khaladka waxaa iska leh Madaxweynaha seeftiisu saawirta noqotay, ee uu kalaba khajilayo inuu lasoo baxo, kol hadii aanay waxbaba goyneyn.War maku geshaa muwaadin? Haday dhacdo in dhulka danyartu degentahay lagu boobo dan guud daalina la siiyo ama looba boobo, waxaad bixisaan yaanay jirin maanta dabadeed. Wixii ka dhacay airport-ka Hargeysa wiigii ina dhaafay waxay ahayd sharaf dhac iyo dawlad la’aan.Wasiirka Duulista iyo Hawada anigu ma jecli. Mawqifka uu ka istaagay arrinkanse waan ku taageeray. Waxaan ogahay halka uu deyrka mariyey inaanu taako in le’eg oo uu isagu leeyahay ka dhisan karin–maanta iyo berri toona. Maalinta laga qaado xilka wuxuu ka tegayaa waa hanti dadweyne.Haduu Shaqale qaato dhulkan oo uu iibiyona waa dhabar jab dawladnimo oo aynaan kasoo kaban doonin mudo dheer. Waxay saameyn doontaa is aamin keena dambe oo dhan.Maxamuud Saalax Muuminramko19@live.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured