XUKUUMAD WADA ILKO AH OO AMBAD AH IYO SHACAB DAYOOBEY OO WADA INDHO AH IYO SAADAASHA DIB -UDHACA DIIWAANGELINTA IYO DOORASHOOYINKA IS BARKAN. QALINKII A/RAHMAN FIDHINLE UK

0
Friday September 05, 2014 - 20:31:33 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XUKUUMAD WADA ILKO AH OO AMBAD AH IYO SHACAB DAYOOBEY OO WADA INDHO AH IYO SAADAASHA DIB -UDHACA DIIWAANGELINTA IYO DOORASHOOYINKA IS BARKAN. QALINKII A/RAHMAN FIDHINLE UK

    Dastuurka ayaa muwaadin kasta udamaanad qaadaaya in dimuqraadiyada si xalaal ah oo badheedh ah la isugu dhaliilo, la isugu ololeeyo si uu xilku uu meerto unoqdo oo ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dastuurka ayaa muwaadin kasta udamaanad qaadaaya in dimuqraadiyada si xalaal ah oo badheedh ah la isugu dhaliilo, la isugu ololeeyo si uu xilku uu meerto unoqdo oo ay
Dastuurka ayaa muwaadin kasta udamaanad qaadaaya in dimuqraadiyada si xalaal ah oo badheedh ah la isugu dhaliilo, la isugu ololeeyo si uu xilku uu meerto unoqdo oo ay digtaytornimadu meesha uga baxdo dimuqraadiyaduna inoogu hirgasho. Maanta waxaa ummaddu wada aragtaa in xukuumada Siilaanyo ay sii salaxaneyso sidii ay cimriga u-dheereysan laheyd waayo waxaa caqliga fiyoobi ku siinayaa in aan waqtiga uhadhey hada aaney doorasho ku qaban karin waxaana arintan aan bud-dhig iyo baleysin lagu garaabo aan uga dhigayaa qodoban hoose:
1- Muranka caga jiidka ah ee la geliyey Diiwaan gelinta Madaniga ah iyo Diiwaangelinta Codbixiya-yaasha oo Xukuumadii hal xeer isugu min-guurisey oo aaney kula heshiin xisbiyadii mucaaridka ahaa ee ay la tartameysey.
2- Ilaa hada Xukuumadu may kala cadeyn Doorashashooyinka Madaxtooyada
iyo ta Wakiilada tii soo hor mari laheyd , maadaama ay isku beegmeen laakiin waxay xukuumadu ay carabkeeda shacabka ugu cel-celisaa in ay Doorashooyinku waqtigooda ku dhici doonaan. Waqtigee Dee ? Yaa Komishanba haya hada!
3-Komishankii Doorashooyinka oo "go'a loo ridey" oo xukuumadu kala dirtey iyada magacaabista iyo soo xulashada xubno cusubi oo tayo leh ay waqti ubaahan yihiin si loo soo xulo oo dhinac walba looga eego.
4- Waxay Xukuumadu carabka ummadda ku canqarineysaa oo ugu cel-celineysaa oo ay mudnaanta koowaad siineysaa Diiwaan gelintii Madaniga ah , halkii ay ka xoojin laheyd in ay soo horeysiiso oo mudnaanta kowaad siiso Diiwaangelintii Cod-bixiya-yaasha.
Waxaa nasiibdaro Qaranka ku-habsatey ah in maanta taladii bud-dhiga qaranka JSL uu qacanta ugaley koox-yar oo degel meer ah, dhawaan dhalad ah oo budhcad-dawladeed ah oo aan laheyn hab-dhaqan maamul iyo haykal dawladnimo oo aan laheyn biseyl iyo waayo aragnimo siyaasadeed iyo aragti fog ( vision) oo wadanka lagu hago oo loogu sahan tago.
Nasiibdaro golihii baarlamaanku wuxuu isna noqdey duul bilaa dareen ah oo aan ka turjumeyn baahida,dhaqan dhaqaale,dareenka iyo guuxa shacabka, dhameystirka xeerarka kobcinaaya nolosha shacabka, sicir-bararka iyo gunuunuca iyo reenka isa soo taraaya ee kaga imanaaya dan-yartii iyo da'yartii doortey ee udirtey in ay u-doodaan oo ay daryeelaan iyo dhamaan shacabkii codkooda kursiga ku saarey. Waxay noqdeen oo ku danbeeyeen daneystayaal, dan la orod ah oo “anuun-baa-nool ah” waxay noqdeen dilaaliin, degel meer, daba-ka-nuug ah, ku waas oo aan dadnimo iyo dareen naxariis leh aan ummadii diratey ee dooratey u-laheyn. Waxay aheyd in ay shacabkii soo doortey ee ay wakiilka ka ahaayeen in ay dhegeystaan dareenkooda, rayigooda iyo cabashadooda oo ay udoodaan, u-adeegaan,uhiiliyaan,laakiin waxay eegteen dooolarkooda, dantooda gaarka ah iyo dhaameelkooda luleyga u-saaran ,qadhiidhkooda, qudh-qudhintooda iyo qurbaankooda qusumka iyo qoonta ah ee aan bireysneyn.
Waxaan leeyahay shacabka reer Somaliland shacabyahow idinka ayaa codkiina ku doortey oo dirtey Madaxweynaha hawlgabka ah iyo golaha wakiilada ee waqtigoodi dhamaadey idinka ayaana ridi kara hadii ay idiin adeegi waayeen sida ku-qeexan Dastuurka Qaranka ee maanta ku ragaadey ee ay raranka saartey xukuumadii loo igmadey, loo dhaariyey ee lagu aaminey. Waa in ay Xukuumadu ka turjuntaa dareenka iyo guuxa shacabkii doortey oo isa soo taraya maalinba maalinta ka danbeysa oo ay Doorashooyinka isbarkan waqtigooda ku qabataa.
Alleh ayaa Mahad leh,
Wa-laahum-Aclum .Wa-bilaahi -Towfiiq.
Qalinkii A/Rahman Fidhinle
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured