Nuxurka Kulan Xalay Madaxweyne Siilanyo,Wasiir Xirsi Iyo 22 Oday Oo Ka Soo Jeeda Ardaaga Wasiir Cabdi Aw Daahir Goroda Is Dareen!

2
Sunday May 12, 2013 - 11:12:01 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1058
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nuxurka Kulan Xalay Madaxweyne Siilanyo,Wasiir Xirsi Iyo 22 Oday Oo Ka Soo Jeeda Ardaaga Wasiir Cabdi Aw Daahir Goroda Is Dareen!

    heshay xubin ka mid ah Ragga wasiir Cabdi Aw-daahir horkacaayey oo ka cudur-daaartey in magaciisa warbaahinta la geliyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

heshay xubin ka mid ah Ragga wasiir Cabdi Aw-daahir horkacaayey oo ka cudur-daaartey in magaciisa warbaahinta la geliyo

Hargeisa-(xogreebnews.com-Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Cabdi Aw daahir Cali oo horkacaayay Rag Dhalinyaro iyo Waayeelba leh oo ka soo jeeda Ardaagiisa hoose ,tiradoodana lagu sheegay ilaa 24 Nin oo uu uga yeedhay laba cisho ka hor Magaalada Burco ayuu xalay isagoo duduucaaya ku shubay Qasriga Madaxtooyada oo sida la sheegay balan wasiir Xirsi sii diyaariyey u taaley.slnyo

Xoggo Qarannews ka heshay xubin ka mid ah Ragga wasiir Cabdi Aw-daahir horkacaayey oo ka cudur-daaartey in magaciisa warbaahinta la geliyo ayaa sheegay in markii xagga Qasriga Madaxtooyada loo xamaan urursadey ay raggaa wasiirku waday ay iskaga hadheen labadii xubnood ee ugu mudakarsanaa ee ishu qabanaysay oo Madaxweyne Siilanayana si fiican u yaqaano oo kala ahaa Guuleed Daahir Samatar oo ahaa Badhasaab ku-xigeenkii hore ee Togdheer iyo Oday Dayr Maxamed Cilmi oo ah oday si weyn looga yaqaano Somaliland kana mid ahaa odaydii halgan adag u galay sidii Siilanyo maruun Kursiga Madaxtooyada u fuuli lahaa.

xirsi

Sida ninkaas Magaciisa qariyey u sheegay Qarannews intaan loo tegin Madaxweyne Siilanyo ayaa wasiir Cabdi Aw Daahir kulan qado iyo fadhi ka danbeeyay u qabtay 22-ka nin ,kulana dardaarmay in markay Madaxweyne Siilanyo hortagaan kala hadlaan oo keliya xaalada guud ee dalka sida siyaasada guud ee arimaha debeda iyo gudaha ,Nabadgelyada,arimaha cadaalada iyo garsoorka dalka,una muujiyaan taageero mug weyn safaradii Madaxweyne Siilanyo ku tegay Imaraadka,Turkiga, Ingiriiska iyo Maraykanka iyo qaadicidii shirka London balse aanay arimo kale isku mashquulin.

aw

Wuxuuna wasiir Cabdi Aw daahir u sii laqimay,kuna xodxotay odayaashiisa in wixii tabashooyin iyo arimahooda gaarka ah reer ahaan dib u dhigtaan oo ka dhamaysan doonaan wasiir Xirsi oo uga fara dhuudhuuban Oday Siilanyo arimaha reeraha siiba xagga sooryeynta iyo tabashooyinka hoose,beritana (maanta) hadhimo sharafeed ama qado wada leeyihiin,halkaasna ku sheegtaan wixii danahooda ah balse Oday Siilanyo si guud iyo kaftan uun xaalada dalka ugu guud maraan oo waqti laysaga lumin oo aanay hoos ugu dhaadhicin arimaha Ardaaga maadabaya Wasiir xirsi beri la fadhiisanaynaaye,oo xirsi diyaar u yahay arimahooda hoose.

Sida Ninkaas magaciisa ka gaabsadey in warbaahinta la geliyaa Qarannews u sheegay markii wasiir Cabdi Aw-daahir odayada ku shubay Qasriga Madaxtooyada waxay halkaas kula kulmeen Madaxweyne Siilanyo oo uu wehelinaayey Wasiirka Madaxtooyada xirsi ,salaan ka dibna odayadu laba nin oo wasiirku xulay inay odayadu hadalka u dhiibtaan ayaa hadalkii loo sii laqimay u baxay,kuwaas oo ka lahaa Dr.Cabdiraxmaan Axmed Raage iyo Caaqil maxamed Nuur Baaruud, sidii lagu balamayna waxay labadaas nin iska daba mareen oo ka hadleen barwaaqo iyo kala guran-waa,xaalado iyo arimo guud waxayna u dulmareen oday Siilanyo inay wixii hoose kala hadli doonaan wasiir Xirsi ,waxayna sidoo kale taageero u muujiyeen safaradii Madaxweye Siilanyo dhawaan ka soo guryo noqday.

Sidoo kale waxay nimankaasi sheegeen in Ardaagooda halkan fadhiya wasiirkoodu yahay Cabdi Aw Daahir,kuna kalsoon yihiin, doonayaana inuu ka mid noqdo wasiirada aad aaminsan tahay ee aad talada weydiiso ee gacantaada midig ee xaalada iyo siyaasada dalka lagala tashado .

Markay arini halkaas marayso oo hadalku odayada xagooda ka soo dhamadey ayaa wasiir Xirsi hadalkii la wareegay oo yidhi Madaxweyne nimankan inay cabashooyin iyo tabashooyin iyo arimo kale u socdaan ayaan moodaayey ee si gobonimo leh bay u hadleen arimaha cadaalada ee ay soo hadal qaadeen,talooyinkooda iyo wanaagay na fareena waynu soo dhaweynaynaa, dee adiguna wixii odayadu ku fareen yeel Madaxweyne .

Madaxweyne Siilanyo ayaa hadalkii la wareegay wuxuuna jawaabtiisii ku soo koobay mahadnaq ku saabsan taageeraday dawladiisa la garabjoogsadeen,wuxuuna ku celceliyey inay si wacan u hadleen oo uu sidaas ka filaayey, safaradisiina sidaa ay u taageereen guul ku soo dhamaadeen,wuxuuna intaas ku daray inuu taladooda soo dhaweynayo, waxay fareena yeelayo,si wanaagsanaba ula hadleen maraa waaxid,wuxuuna hadalkiisii ku soo uriyey waad mahadsan tihiin xirsina is arka Maraa waaxid!.

Isku soo wada duuboo sida ninkaas magaciisa ka gaabsadey in warbaahinta la geliyaa Qarannews u sheegay Oday Siilanyo wuxuu aad iyo aad ugu maqsuuday oo ku farxay kulankooda iyo arimaha guud ee Somaliya iyo Somaliland ee ay kala hadleen odayadu iyo sidii lama filaanka ahayd ee ay odayadu taageerada muga weyn ee aanu filayn ugu muujiyeen safaradiisii.

La soco qeybo qoraalo kale oo ku saabsan kulankaas !cuorce

Qarannews

hargeisa



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured